Koox Qalin shubatada Internet-ka oo ka dhacay 58 Milyan oo Ruble Bangi Ruush

Koox Budhacad Internet ayaa si guul leh u fuliyay weerar lagu qaaday bangi Ruush ah waxayna xadeen in ka badan 58 milyan oo rubles una dhiganta hal million oo doolar, sida ay ka soo xigtay Wargeyska “Kommersant” ilo baanka ah .

Wargeyska ayaa sheegay in weerarka elektaroonik ah ku qaadeen toddobaadkan, gaar ahaan July 4, halkaas oo Kooxdan Qalin shubatada ah ay u suurtagashay in ay ka xawilaan 58 million oo ruble bangiga Ruushka ee “PirBank” ayna u diraan kaadhadhka bangiyada.

Bangiga ayaa xaqiijiyey weerarka electronic ah kaas oo noqonaya kii ugu horeeyay ee sanadkan dhaca sidaana waxa sheegay Madaxweynaha Board of Directors, “PirBank”, Olga Kolosova, waa ay adag tahay in la qiyaaso tirada khasaaraha si sax ah, sababtoo ah waxa la soo celiyay qayb ka mid ah lacagta la xaday, laakiin xoolo badan baa la xaday.

Sida uu dhacay falku ayaa masuulku ku tilmaamay in budhcadu ay u wareejisay lacagta ay xadeen kaadhadhka bangiyada gaarka ah oo ay bixiyeen 22 bangi kuwaas oo ka mid ah liiska 50 bangi ee ugu sareeya Russia, ka dibna lacagta ay xadeen waxay kala baxeen Xarumaha lacagaha Kaadhadhka lagala baxo isla habeenkii ay fuliyeen falka tuugada.

Kolosova waxay intaa ku dartay in ilaa hadda aanay ogaan fayraska ay isticmaaleen Budhcadu , laakiin xarunta la socodka iyo in ay ka jawaabaan weerarrada internetka ee Bangiga Dhexe ee Russia ay sheegay in ay u badan tahay in virus ku ahaa mid ku yimid dhinaca e-mail ka kuna guuleystay inuu burburiyo “PirBank” .

Sida laga soo xigtay Kolosova, bangiga ayaa lagu qasbay inuu joojiyo shaqada 4 ilaa 5 July sababtoo ah dhaca loo geystay laakiin shaqadu waxay caadi ku soo noqotay 6-da July.

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso