Go’aan muran dhaliyay ayuu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Matteo Salveni Khamiistii isaga oo sheegay inuu mamnuucay in hal ruux ka soo dago markabka Dechuti oo taagan dekedda Sicily ayna saaran yihiin 67 tahriibayaal.
Markabka Dechuti ayaa soo qaaday muhaajiriin ay ku jiraan saddex dumar ah iyo lix caruur ah, waxaanu ku soo xidhay galabnimadii khamiista dekedda Trapani ee jasiiradda Sicily, sidaana waxa sheegay telefishanka Talyaaniga.
Markabka Talyaaniga “Vos Talasa” ayaa ka soo badbaadiyay badda tahriibayaashan oo ka soo baxay xeebta Liibiya, qaar ka mid ahna waxay kacdoon ka dhex sameeyeen markabkan soo badbaadiyey kadib markii ay u maleeyeen inuu doonayo inuu dib ugu celiyo Liibiya.
Waxayna ku khasbeen shaqaalihii Markabka in ay galaan halka laga hogaamiyo Markabka markaas oo ay dalbadeen caawimaad waxaana loo diray markabka Dichoti oo ay leeyihiin Ciidanka Xeebaha Talyaaniga, kuwaas oo soo qaaday tahriibayaashii.
“Ma oggolaan doono qof inuu ka soo dago Markabka Dichoti, laakiin haddii uu qof sameeyo, wuxuu qaadan doonaa mas’uuliyadda,” ayuu yidhi Salveni oo ka hadlayey kulan ay ku yeesheen wasiirrada arrimaha gudaha Midowga Yurub dalka Austria.
Warqabadka ToggaHerer