Addis Ababa, July 13, 2018 (ToggaHerer)
Ka dib martiqaad rasmi ah oo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed u fidiyey Madaxweynaha Eritrea Isaias Afeworki ayaa waxa uu ku tagi doona Magaaladda Adissababa ee Caasimada Ethiopia , booqashadaas oo qaadan doonta saddex maalmood.
Booqashada ayaa sii adkayn doonta xidhiidhka saaxiibtinimo labada dal ayaa lagu yidhi war ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.
Waanu u mahadnaqaynaa Madaxweyne Isaias aqbaalada martiqaadka aanu u fidonay si balaadhana waanu u soo dhawayn doonaa ayaa uu raaciyey Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Dr Abay.
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa todobaadkii hore booqasho laba maalmood ah ku tagay Eritrea.
Safarkaas oo ay kala saxeexdeen Labada dal Nabad ku wada noolaansho iyo Saaxiibtinimo.
Ethiopian Airlines ayaa todobaadkan iyana sheegtay in ay duulimaadyadeeda ay ku tagi doonto Ertariya ay bilaabi doonto July 18, 2018.
Sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha dadka Sita Baasaaboorada Itoobiya iyo Eratariya ee safarada ku tagaya labada dal waxay fiisaha ama dal ku galka ka qaadan doonaan marka ay soo gaadhaan goobaha gelitaanka.
Warqabadka ToggaHerer