Ciidanka dabdamiska Hargeysa oo ku Guuleystay inay God Ka Soo Saaraan Neef lo’ ah

Hargaysa(ToggaHerer) 23/07/2018-
Ciidanka Dabdamiska Caasimada Hargeysa ayaa saaka abbaaro 8:51 daqiiqo u baxay badbaadada Neef lo ‘ ah kaas oo Ku dhacay Suuli, kaas oo ku yaallay Degmada 26 June gaar ahaan Xeedho ama ag agaarka xabaalihii hore ee Aadan siiro.

Ciidanka ayaa Hawlgalkaa Badbaadada ah u adeegsaday xadhkaha iyo Sallaamada Badbaadada waxaana Ciidanku isagoo adeegsanaya xirfadihiisa ku soo saaray Neefkaas wakhti aad u yar.

Dhanka kale Neefkan ayaa ahaa Sac Irmaan oo loo Maalo qoys ka koobnaa illaa 7 Caruura ayay ciidanka soo badbaadiyeen isagoon waxba gaadhin.

Hawlgalkan ayaa waxaa Hogaaminayay Hogaanka Caafimaadka Ciidanka Dab-demiska iyadoo ay ku wehelinyeen Naftood Hurayaaha Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa.

Hawlgalada lagu soo badbaadinayo Dadka iyo xoolaha ayaa Muddooyinkii u dambeeyay aad u soo badanayay waxaana ciidanka Dab-demiska Caasimadu uu ku Guuleestay dhamaantood.

Waxa kaloo isla maanta abbaaro 1:30 Duhurnimo u baxeen ciidanka Dab-demisku Dab noociisuahaa shoodh oo ka kacay Guri ku Yaalla Degmada 26 June kaasoo oo ay ciidanku guulaysteen dammintiisa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso