Sannad Guuradii 30naad Abdifataah M.Ahmed

Sannadka oo dhan Ayaa inoo ah Xus iyo Xasuus,maalin kasta ayaa ku taariikheysan Dhacdo dib looga sheekeyn doonno,365 cisho Ayaa Xafladdo,xassuus,iyo xus maalmo badan lihi ay ku jiraan,Saxaafadda Ayaa dadka dib u xasuusisa una soo Gudbisa Maalin kasta oo dhacdo lagu soo suntey,Macaamiisha Akhriska iyo Daawadayaasha warbaahinta Ayaa dib loo xassuusiyaa Ayaamo horre wax lagu arkey,Codka kuwa daneeya arrimaha bulshada oo ka hadlaaya Dharaarahaasi ayaa Dadka la maqashiiya.Xuska Sannad guuradiisa loo Fadhiyaa waa mid ama Farxad lagu xusaayo ama Murogo.

Adduunyada warbaahinta ayaa hagta,iyada ayaana markasta xasuusta maalintaasi wixii ina soo marey dib u soo tebisa,haddana qeyb qarineysa aaney dooneynin in ay ka hadasho.Carruur dugsi lagu qarxiyey Ayaa la xusayaa,Dad masaajid lagu qarxiyey ayaa ayaanta ayaanteed laga sheekeyn doonaa,Warshadii Gubatey Dadkii wax ku noqdey,Qaraxyadii ruxey dhismayaasha iyo nafihii ku jirey,dadkii xafladaha iyo caweysyada lagu laayey,doomihii iyo maraakiibtii baddu ay dejisay,diyaaradihii hawada ku jirey ee buuraha iyo baddaha ku dhacay,kuwa qumbulada lagu dhuftey suntana lagu buufiyey,Dagaalada,aafooyinka abaaraha,dhul-gariirka,duufaanada iyo wax badan oo la mid ah ayaa xasuus nolosha ku reeba,sannadkii maalmo laga sheekeyo lana xasuusto,ilmeyn,aamusni,muusig,ubaxyo,wacyi-gelin duco iyo ka hadalna qoloba si ugu xasuusataa.

Ayaamo Taariikh iyo Magac ku suntan haddana ayaamo ka dib la ilaawo ayaa ina soo mara sannad kasta oo xus iyo sannad guuro cusub sameeya,Farxada xus ee bulsho leedahay  ayaa kuwo kale ka cadheysiineysa,Waa Maalin la muujinaayo sida loogu faraxsanaa wixii soo dhacay,ama looga murugoodey wixii  la soo marey.Halkani somaliland 18 may waa la xusaa,26 june waa maalin kale,Xasuuqi Jazeera sannad kasta mar ayaa laga hadlaa,kuwii ka bad-baadey ayaana leh mudnaan iyo ammaan,Guda-galkii magaalooyinka hargeisa iyo burco ayaa laga sheekeeya sannadkii hal-mar,Maalinta shuhadada snm ayaa iyaduna asteysan,ciidanka ayaa maalin leh,Carruurta ayaa maalin leh.

Xuska sannad guurooyinka soo dhammaadey inta  soo socota ayaa ka badan doonta,Maxaa yeellay dhacdooyin cusub ayaa nolosha ku soo kordhi doona,wax badan ayaa sannadkii hal-mar qiimahodii looga marag kici doonaa,dadkaana ugu badan waxa la xasuusan doono,Maalin kastana sannadkii wax gaar ah oo loo asteeyey ayey xuskeeda soo celin doontaa,dadku dhalashadooda,kuwa hawl-gabka ahi wakhtiga ay shaqada ka fadhiisteen,maalinta haweenka,macaanka,wadnaha,dhimirka iyo dhiig-karkuna waxa ay u asteysan yihiin ayaamo sannadkii hal-mar laga hadlo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso