Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa
ka hadlay Masuuliyiinta Cusub ee loo magacaabay Bilayska Somalia ,waxaanu sheegay in ay sharaf dhac ku tahay .
Hadalka Siyaasigan ayaa u dhignaa Sidatan:-
Sharaf dhac ayey ku tahay magaca iyo maqaamka Hay’adii ugu faca wayneed Ciidanka Soomaaliyeed in shakhsiyaad dadka iyo dalka danbi ka galay xil sare looga dhiibo. Waxaa kaloo sumcad dil ah in Booliska Soomaaliyeed ee ay hawshiisu ahayd ka hortaga danbiyada laga dhigo goob loogu raad tiro danbiilayaal laguna meeleeyo maleeshiyaad kusoo fashilmay masuuliyadoodii, qaybna ka ahaa caburinta shacabka iyo weerarka siyaasiinta.
Talaabadani waxay dhabarjab ku tahay heshiiskii Hindisaha Amniga Qaranka (National Security Architecture), gaar ahaan Barnaamijika Wadajirka ah ee Boolisnimada heer maamul Goboleed iyo mid Federaal ah (A Joint Policing Programme (JPP). Waxaan ugu baaqayaa Baarlamaanka, gaar ahaan gudiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha in ay arrinkaas baaritaan ku sameeyaan.
Waxaan kaloo ugu baaqayaa Taliska Ciidanka Booliska in aysan aqbalin sharaf dhaca iyo sumcad dilka lagula kacayo Ciidanka Booliska Soomaaiyeed, xitaa hadii ay xilkooda kalifto.