“Waan ka xunahay in walaalaheen Jabuuti oo naf iyo maal huris badan u sameeyey dhismaha nabada iyo dawladnimada Soomaaliya magacii qaranka Soomaaliyeed dhabarka looga wareeno” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi shakuur ayaa ka hadlay Booqashada Farmaajo ee Eritria kuna tilaamay dhabar wareen loo geystay Jabuuti.

Hadalka Siyaasi cabdiraxmaan ayaa u dhignaa Sidatan:-

Wuxuu muwaadin kasta oo Soomaali ah filayey in Madaxweyne Farmaajo uu la tashi kala sameeyey Dawlada Jabuuti go’aankii ku aadanaa in Eritrea laga qaado cunuqabayta. Ilaa iyo hada sharaxaad lagama bixin sababta ka danbaysa booqashada degdega ah ee Eritrea iyo codsi jeedinta la xariirta cunaqabatayn qaadista. Waan ka xunahay in walaalaheen Jabuuti oo naf iyo maal huris badan u sameeyey dhismaha nabada iyo dawladnimada Soomaaliya magacii qaranka Soomaaliyeed dhabarka looga wareeno.

Horay ayaan u sheegay in Gobolka uu loolan geopolitics ku soo socda, loona baahan yahay hoggaan feejigan oo maarayn kara danaha is diidan ee awoodaha Gobolka iyo kuwa dawliga ah ee ku loolamaya Soomaaliya.

Advertisement

Ku Xayeysiiso