Gudoomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Xaakimka Kulmiye Jaamac Shabeel Ayaa Daboolka Ka Qaaday In hankiisa Siyaasadeed Uu Rabo In Uu dalka Madax Ka Noqdo ….

(Toggaherernews)-Gudoomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Xaakimka Kulmiye Jaamac Shabeel Ayaa Daboolka Ka Qaaday In hankiisa Siyaasadeed Uu Rabo In Uu dalka Madax Ka Noqdo ….

Gudoomiyaha Golaha Dhexe Ee xisbul xaakimka kulmiye jaamac ismaaciil cige (jaamac shabeel) ayaa daboolka ka fayday in uu u tartamaayo gudoomiye nimada xisbiga kulmiye waxaanu intaasi uu ku daray in hankiisa siyaasadeed uu gaadhsiisan yahay in uu dalka madaxweyne ka noqdo ,jaamaca shabeel oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa ydhi:

(sanadkan waan tartamayaa hadii wax la igaga helana waan hanaynayaa haddii kalena hore ayaan u sii soconayaa waanan ku jaro weynahay haddii alle yidhaahdo oo kursiga dalka u sareeya ayaan higsanayaa.

puntland lanbay toobin ku haysaa wax aan la dafiri kareyn oo qoraxdaa ayey doonaysaa in ay sacabka ku qariso qoraxduna sacabka kuma qarsoomi kareyso oo waa inagaa qoraxda taagan haddii aad tidhaahdo sacabka ku qari miyey ku qarsoomaysaa hanjabaadana lama hanjabee haddii aad wax sameynayso waa lasameeyaa uun cabdi wali gaas waxaan leeyahay waxba lama hanjabee marka aad doonaysid in aad wax sameyso inta go-aan gaadhid ayaa la sameeyaa waxaad sameyn kartid laakiinse waanu ku fahmeynaayoowaxaad doonaysaa in aad korarsato markaasi waxaanu ku leenahay dadka dhibta ka daa calashaan kursiga aawadeed dadka dhibta ka daa ummaduna dhibaatoyin ayey ka soo kabatay maantana uma baahna dhibaato cusub oo ay gasho markaasi adigoo cimriga kursiga korarsi doonaya cimriga ilaahay ayaa kuu hayalaakiin ummadda hadhibaateyn ayaan leeyahay .

waxaanan leeyahay ummadda reer somaliland ciid mubaarik sanadkan sanadkiisa ku ciida farxad bashbash iyo barwaaqo ilaahayna waxaan uga mahadnaqaynaa nimcada uu ina siiyey roobka maain walba inoo da-aaya ilaahay ayaa mahadaa leh abaartii iaga jabiyey xoolihii inoo barakeeyey intii soo hadhay oo subaga laga lulaayo waana nimco ilaahay loogu mahadnaqaa ummadana waxaan leeyahay u mahadnaqa allahiinatobankii riyaad reerka ay usoo hadheen subaga lulanaya ee nimcadu ku jifsatay).

Advertisement

Ku Xayeysiiso