(Toggaherernews)-Wasiirka Wasarada Horumarinta Deegaanka Iyo Reer Miiga Somaliland Shugri Ismaaciil Baandare Ayaa Si balaadhan U Soo Dhaweysay Ansixinta Siyaasada Guud Ee Xeerka Deegaanka Oo Lagu Meelmariyey Shirkii Golaha wasiirada Somaliland …
Wasiirka wasaarada horumarinta deegaanka iyo reer guuraaga oo arrintaasi ka hadlaysa ayaa hadalkeeda ku bilowday :
(Maanta waxaa la ansixiyey oo ay runtii aad iyo aad iskaga xil saareen oo uu madaxweynuhu uu kow ka yahay oo uu hogaaminaayey iyo golihii wasiiraduba siyaasadii guud ee lagu hagaayey deegaanka wasaarado badan ayaanu isa soo galnaa oo aanu meelo badan iska soo galnaa deegaan la-aani waa nolol la aan marka aad eegtana dee waxaynu ku nool nahay waa deegaanka oo aynu doonayno runtii in aynu dhowrno markaa maanta siyaasadaasi deegaanka ee la ansixyey aadbanu ugu faraxsanahay waanan runtii ku mahadcelinaynaa waxaanan dooneynaa in lagu dhaqmo oo si weyn loogu dhaqmo markaasina xeerarka ayaa la eegi doonaa xeer walba wuu la jaanqaadi doonaa haddii Eebbe idmo markaasi maanta waxaad moodaa marxalad weyn ama horumar weyn ayey wasaradu ku dhaqaaqday ayaad moodaa ama somaliland ku dhaqaaqday markaasi adduun weynihii ayaan la jaanqaadnay marka xagga deegaanka la eego kow ayey ka tahay haddii aanad siyaasad lahayn mushkilad markaasi haddi maanta la ansixiyey syasadii deegaanka waanu la jaanqaadnay caalamkii markaasi taasi ayaa war wanaagsan ah .
Dee waar arkaysaan deegaankeenu siduu maanta yahay iyo burburka ku socda iyo sida aynu u istilmaalayno khayraadkeena waxaynu u baahan nahay inagoo isticmaalayna khayraadkeenii in aynu badalkeedii waqti kasta aynu ku kaabno meel haddii aanad kaabeynin dee intuba halis ayey galaysaa markaasi anigu waxaan odhan lahaa meel kasta oo aad jogtaan somaliland runtii in la isku tax luujiyo sidii deegaanka loo ilaalin lahaa siibaba xooga dhirta xooga loo jaraayo iyo geynta socota ee aafada ah in aynu xoog u yareyno oo dhuxusha aynu isticmaalayno xoog u yareyno oo geedka garan waaga ah aad loo shito oo dhuxul laga sameyn karo oo wax walba laga sameyn karo).