(Toggaherernews)-Siyaasi Cabdilaahi Geel Jire Ayaa Si Kulul UGa Hadlay Arinka Taliye Caare….
Siyaasi cabdilaahi Geel jire Oo Arrintaasi si adag u naqdiyaya ayaa yidhi:
(jabhada kolneyl caare uu la talaabay oo uu puntland la tagay ayaa jirta arrintaasina waxay ka dhalatay arrintii markii horeba ceel afweyn sida aynu ka wado war qabno ninkanina nin taariikh wadankan ku leh ayuu ahaa haddii ay jabhadii tahay iyohaddii ay ciidankaba tahayba waxna ka cabanaayey markaasi horta mid iyadu ma haboona oou maleyn maayo in anagu iyo cid kale taageeri karto jabhad ayaa la sameynayaa oo somaliland dhexdeeda ayeynu isku jabhadeynaynaa horta taasi mid aynu aqbali karno ma aha oo aynu cidnaba dadkeena aynu ka yeeli karno ma aha waxaase muhiim ah oo agtaala muwaadinka sharaftaasi ku lahaa ee ciidanka qaranka ahaa dee wuxuu ka cabaneeyey dee xalka loo raadiyo oo masuuliyiinta iyo madaxweynaha iyo dowladu ay xalka raadiso oo ay beeshiisu raadiso oo aynu kuligeen iskugu tagno ooaynu kuligeen iskugu tagno waxaase maanta ceeb ah in aynu dhexdeena waqtigan la joogo ee 2018kii in aynu dhexdeena iskaga jabhadeenaa waa inagu ceeb arrintaasi waa fool xumo waana in aynu degdeg wax uga qabnaa waana in waxa meesha yaala la raadiyaa mana aha in qoloba qolo tuhunto ama madaxweynuhu yidhaah cidi iima iman ama madaxwenihi nooma yeedhin qolo tidhaahdaa waxaanan leeyahay waa masuuliyad ina saaranin degdeg wax uga qabano oo cidna taasi looga gabaneyn .
Waxaana farayaa taliayahaasi ciidanka la talaabay ciidanka la soo noqo udiyaar garow in arrinkaaga la galo cadowga ha ugalin xuduud uu dagaal inaga dhaxeeya ayaad u la talowday ka soo noqoayaan leeyahay xukuumada iyomadaxweynaha oo waliba aan anigu waa katirsanahay xisbigiisa waxaan leeyahay madaxweyne ha ku eegin ee adigu heshiis horta la kaalay dadka wax kaala qabtana anagaa u diyaar ah iyagaa diyaar u ah iyagaa diyaar u ah in ay wax kaala qabtaan yaan laisku eegin ayaan leeyahay arrinta sharciga wixii uu ku gafay ee hore ugu yaalay iyo wixii kale ee gudaheena ah horta ayaan xuduuda la iskala bixin xuduuda somaliland ayeynu waligeen wax ku dhammeysan jirnay ).