CIIDANKA IYO QABYAALADDU GOORMAY JIIBTA IS LA HELEEN?
Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham
Tan iyo gu’gii Somaliland gooni isku taagtay (1991) dhismaha ciidanku si habsan ayuu u socday, xoog ahaan, xirfad ahaan, saanad ahaan iyo tiro ahaan ba koboc laxaad leh baa jiray.. Waxa aanan qof ahaan rumaysnahay in horumarkaa iyo dhismaha wanaagsan ee ciidan aanu suurto-gal noqon lahayn haddii qabyaaladda lagu dhex bacrimin lahaa ciidanka dhexdiisa. Dhibaatada qabyaaladda ee guud ahaan hana-qaadkii dawladnimo wiiqday waxa aad Indhaweyd u malaysaa in loo soo rarayo ciidanka gudihiisa. Ciidankuna wuxuu ahaa unugga keliya ee ka fayoobaa jeermis sidaha qabiilka ee guud ahaan tiirarka dawladnimo.
Labada arrimood ee ay ila tahay in ay sababeen qabyaaladda ciidanka loo soo rarayo waxa ay kala yihiin siyaasadda iyo dhaqanka oo labadu ba xidhiidh gurracan la sameeyay hoggaanka Ciidanka.
Waxa iyana qayb ku leh il-duufyo hoggaanka sare ee Ciidanku sameeyo kuwaas oo aan ka soo qaadan karno isku beddelada xilliyada xasaasiga ah ee saraakiisha sarsare ee ciidanka lagu sameeyo. Kuwaas oo tafsiir qabyaaladeed oo aan wanaagsanayn la saari karo, kaas oo xamaasad reereed kicin kara.
Laba arrimood xagga Ciidanka Booliska ah oo Awdal iyo Sanaag ka kala dhacay ayaa labadu ba il-duufyo xasaasiyad dhalin kara yihiin. Aan soo qaato mid aad goortan si wanaagsan iila wada fahmi kartaan, taasi oo ah.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa August 10 keedii xilka ka qaaday Taliye-xigeenkii Qaybta ee Gobolka Sanaagsan Gaashaanle Maxamed Axmed oo rug-cadaayada Ciidanka ka mid ahaa muddo dheer na soo shaqeeyay, dhalasho ahaan deegaanka ka soo jeeda, xidhiidh wanaagsan la lahaa Odayada, madaxda dhaqanka iyo guud ahaan ba qaybaha bulshadu ka kooban tahay.
Mas’uulka sifooyinkan leh waxa u sahlanaanaysa soo qabashada iyo aqoonsiga dambiilaha. Sida oo kale dabagalkiisa iyo soo qabashadiisuna waa u sahlannaanaysaa. Il-duufka Taliyaha Ciidanka Boolisku sameeyay ayaa ahaa in uu Sarkaalkaa ku beddelo sarkaal kale oo Gobolka Gabiley ka soo jeeda, xilli tabasho reereed jirto. Wakhti Ciidanka Milateriga sarkaal sare tabasho reereed kaga maqan yahay, goor waddanka madaxweynihiisa lagu xanto in uu reerkiisa u xagliyay una sed-buriyay. Aniga oo fekerkayga qoraalkan bud-dhig uga dhigaya aqoonta, xogta iyo xidhiidhka aan Gobolka Sanaag la leeyahay.Hadda ba arrintaasi akhris kale oo fool-xun ayay yeelanaysaa.
Sarkaalkani kaalintii muhiimka ahayd ee uu kaga jiray shaqada nabad-gelyo ee guud ahaan gobolka, waxa ay soo mudh-baxday markii Ambalaas adeeg ummaddeed lagu qabanayay la af-duubay.
Waxa aan aad u fahmayaa in deegaanku aanu taageeri doonin sarkaalka kale ee booskiisii lagu soo beddelay. Hasa yeeshee, waxa aan taas kaga warwar la’hay aqoonta qofeed ee aan u leeyahay Axmed Maxamed taliye-xigeenkii hore ee qaybta oo aad u mug weyn iyada ayaanan ka soo dheegayaa in dun wanaagga qofnimadiisu fari doonto in uu garab buuxa siiyo sarkaalka lagu beddelay, si kasta oo ay tabashooyin u jiraan.
Gunaanadkii qoraalkan aan aragtidayda ku cabbirayay ayaan ku sii durkaynaaye arrimaha sidan oo kale ahi waa kuwo ciidanka dhexdiisa tashuush ka dhex dhalin kara, sida oo kale dadka deegaanka iyo ciidanka laftoodu in ay kala irdhoobaan way keeni kartaa.
DHAMMAAD
Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham