Dib u jaleec waayaha dalkaaga..Q.7aad hussein Badmah

      Dib u jaleec waayaha dalkaaga..Q.7aad

   
Dulmigii lagu hayay dadkayga,damtii madaafiicda daaraha lagu duminaayay,dayaaradii Hargeysa ka kacaayay ee dib u rushay naayay,dib markaan u xasuustaba waan damqana-yaaye.
Dalkan Jamhuuriyada Somaliland xornimadii waxay u aaseen doonistii iyo laab la kacii 5too is-weheshada.Maxay se kala kulmeen koonfurtii ay u haysteen walaala-hood,una qabeen inay iskaga mid yahiin xoraynta 3dii hadhsanaa iyo midaynta 5tii Soomaaliyeed.Balse waxa dhacay kala maan.Nin baa laga haya(Hamigaba ku maan hayn hiigsigii walaal nimo haadaan inay tahay humaag aragtidaydii).Koonfurtu iska daa inay la aragti noqdaan walaala-hoodii Jamhuuriyadii Somaliland e’ waxaabay la yaabeen aragtidii ay wateen siyaasiyiintii ka socotay Jamhuurayadii Somaliland.Jibadii,Somali jacaylkii,shuruud la’aantii wakiiladii Jamhuuriyada Somaliland ayay ugu abaal gudeen gumaysi madaw inay kula dhaqmaan.Waxaanay ka xakameeyeen wax yaabahii aan qormadii hore ku xusay.Mudadii u dhaxaysay 1960-1981 ee ay koonfurto dhinac walba ka gumaysatay Jamhuuriyadii Somaliland,shacabkii iyo siyaasiyiintiina ka diiri waayeen waxa lagu hayo ayadoo lagala dagaalamay kobocii dhaqaalaha,horumarkii waxbarashada,jaamacadahii,aqoontii iyo dhinac walba oo nolosha saamaysa ayaa hadana lagu bilaabay in ciidamo laga soo buuxiyo dhamaan goboladii waqooyiga,waxaana lagu bilaabay caga-juglayn,car-juuq dheh,kufsi,xadhig iyo dil cidii laga dareemo in yar oo diidmo ah.
Hadaan halkaa ku yara hakado,waxa iyana jirtay dhacdo foo xun oo aan abid madaxweyne muslim ahi aanu ku kacin oo Afweyne falay.Horaantii January 1975 ayuu Afweyne khudbad ka jeediyay garoonkii kubada cagta,waxaanu wax ka bedelay aayado ka mid ah Suuratul-Nissaa,isagoo ka hadlaaya sinnaashaha ragga iyo dumarka ayuu yidhi(Ragga iyo Dumarku wax walba way siman yahiin xataa dhaxalka. Culimadii ayaa u adkaysan waayay aayadaha uu bedelay Afweyne.Markaasay khudbadii Jimcaha ayay masaaji-dadii Xamar aad u naqdiyeen,uguna hor jeesteen waxuu ku hadlay Afweyne.10kii  mufti ee ugu caansanaa oo intooda badani ka soo jeedeen goboladii waqooyi ayaa salaadii jimce ayagoo ka soo baxay mid walba masaajidkii uu ku tukaday hortiisa laga qabtay 17 January 1975.Deg deg ayaa maxkamad loo saaray waxaana lagu xukumay dil kadib markay ku adkays teen dumarka iyo raggu inaanay Dhaxalka u sinayn.Wax yar ka hor salaadii maqrib,maalintuna ahayd 23 January 1975 ayaa lagu toogtay goobtii loo yaqaanay badhka ee Xamar.10ka culumada ahaa AHN waxay kala ahaayeen:
1.Sheekh Axmed Sh.Maxamed.
2.Sheekh Muse Yusuf.
3.Sh.Axmed Iimaan.
4.Sh.Cali Xasan Warsame.
5.Sh.Xasan Ciise Iley.
6.Sh.Maxamed Siyaad Xirsi.
7.Sh.Cali Jaamac Xirsi.
8.Sh.Aadan Cali Xirsi.
9.Sh.Saleban Jaamac Maxamed.
10.Sh.Yaasiin Cilmi Cawil.
Maalintaasi waxay ahayd aad u xanuun badan oo dadka Soomaaliyeed aad u damqadeen,Afweyne na aad u farax sanaa waxaanu ku dabaal degay dilka dabadii 2ba dayaaradood oo kuwa dagaalka ah oo isku jiidhay hawada oo burbur koodii ku soo daateen daaraha dushooda.
Talaabooyinkaa is-barkanaa oo ku lidka ahaa ilaahay,diinta islaamka iyo Culimadaa xaqa ku taag-nayd ee Afweyne kibirka iyo xaqdarada ku dilay ayaa gubay qalbiga iyo dareenka siyaasiyiin iyo aqoon yahano ka soo jeeda gobolada waqooyiga kuna sugnaa Xamar,Sacuudiga iyo London.
Halkaa waxa ka abuurmay xidhiidh kacdoon oo ay kaga tashadeen sidii xal loogu heli lahaa ee dalka looga qaban lahaa Afweyne.Si qarsoon ayay dhinac walba ka eegeen,waxaanay isla qaateen in la curiyo urur hubaysan.Kulama badan ayay ku qabsadeen Sacuudiga.Sanadkii 1979 ayay qorshahii ugu danbeeyay ku soo afjareen Sacuudiga,kadibna London ayay ka dhawaaqeen ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM 6dii April 1981.
Dhacdooyinkaa gumaysiga ahaa ee is-biirsaday ayaa shacabkii,aqoonyahankii,ganacsatii,siyaasiyiintii iyo saraakiishii  Jamhuuriyadii Somaliland ee ku sugnayd gudaha dalka iyo dibadiisaba mar keliya isku si uga damaqdeen gumaysiga madaw ee Xamar.Halkaa waxa ka dhashay gadood iyo kacdoon.Intaa waxii ka danbeeyay kana bilaabanta 1982-1991 ayaan si kooban u dul mari doonaa hadii Eebe idmo.
Waxaan qormadan maanta ku soo afmeerayaa,ummada Jamhuuriyada Somaliland ha ka korto aragtida ah dhibaatadii dalkan soo martay inay ka bilaabantay waqtigii dib u xoraynta ee waa in la bartaa oo dhalin yaradu ogaataa dagaalka xabada waxa ka xun marka ummad dhan caqliga laga gumaysto,noloshana lagala dagaalamo.
La Soco qaybta 8aad…..
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL
badmah100@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso