Sanadkii ina dhaafay 2017 kii, dhexdiisa ayaa qiimaha shilling ka Somlailand hoos udhacay boqol kiiba afartan iyo shan(45%) muddo lix bilood oo kaliya, una dhaxaysay Febraayo ilaa Ogosto, halka dollar($1) ayaa qiimihiisu kor uga kacay, 7000 Sl sh gaadhayna 10,200Sl sh. Su’aasha is waydinta mudan ayaa ahayd lixda bilood maxaa dalka iyo dadka ku soo kordhay.?
Qaybihii hore waxaynu kaga soo hadalnay, qodobada kala ahaa Ganacsiga taban ee dalku kujiro, Baankii dhexe oo hawlgabay, Dollar isticmaal dalka. Waxaynu maantana wax ka odhanaynaa:
4) Lacagta Cusub ee Suuqa soo gashay 2017kii.
Markii ugu horeysay ee Baanka dhexe Somaliland soo saaray lacagta Somaliland shilling waxay ahayd dhamaadkii sanadkii1994 kii. Waxanay ka koobnayd hal shilling(coin), noodhadh ka 5 shilling, 10 shilling, 20 shilling, 50 shilling, 100 shilling iyo 500 shilling. Lacagta Somaliland waxay si buuxda uga hirgshay gobolada dalka qaarkood, waxanay si buuxda ubedeshay lacagtii hore ee Somali shilling. Inkasto ay wali jiran gobolo ka mida Somaliland oo anay gaadhin lacagta Somaliland shilling mudada ay jirtay ee 24 sanadood ah.
Lacagta Somaliland shilling waxay ku bilaabantay qiime aad usareeya marka loo eego lacagtii wakhtigaas dalka laga isticmaalijiray ee Somali shilling iyo lacagta adag ee dollar kaba. $1 dollar waxa lagu bedelijiray 50 shilling(konton shilling) oo lacagta Somaliland ah, Sidoo kale 50 SL shilling waxa uu udhigmayay 5000 shilling oo lacagta Somaliya ahayd. Runtii inanay dad badani rumaysan ayay u badantay, lakin waa taariikh dhawayd oo la soo maray. Nasiibdaro dagaalo sokeeye oo dalka halakeeyay iyo dhaqaalo xumo dalka ka jirtay lacagtii Somaliland shilling way buruburtay(crashed), noodhadhkii yar yaraana si dhakhso ah ayay udabar go’een, suuqa lacagtana uga baxeen.
Waxa laysla qiray, dhamaan bangiyada ganacsiga, sariflayaasha iyo ganacsatadu ba, in dawladu lacag cusub oo xad dhaafa suuqa soo galisay sanadkii ina dhaafay 2017. Baadhis aanu ku samaynay, waxa noo soo baxay in lacag badan oo wali tiradeeda saxda ah aan lahayn la soo galiyay suuqa, laguna bedeshay lacagta adag ee dollar ka. Sidoo kale lacagtan cusub ayaa lagu galay kaambaynkii doorashada ee xisbi xaakimka Kulmiye, sidoo kale lacagta cusub ayaa lagu bixiyay kharashaad badan oo ay dawladdu gashay. Dadka ka shaqaysta suuqa sarifka Hargeisa iyo ganacsatada waawayn ayaa aaminsan lacagta Shilling Somaliland ee habwareega lacagaha soo galay sanadkii ina dhaafay ay ka badantay tobanaan iyo tobanaan million oo dollar.
Waxan xasuusta maalin ku began bilowgii Bisha shanad 2017kii, ayaanu suuqa sarifka ee Hargeisa soo bookhanay, waxanu aad iyo aad ula yaabnay lacago Somaliland shilling ah, oo markaas uun baanka dawladda ka soo baxday, bacdii caddayd iyo warqadii biinka ahayd ayaa kuwada xidhan, lacagtaasi waxay ahayd noodhka 1000sh iyo 5000 sh, dhamaan sariflayaashu lacagtaas cusub ee xad dhaafka ah ayay wada hayaan. Waxanu wax kawaydiinay sarifle aad ugu dhoobnayd lacagtan cusubi, goorta lacagtan cusub wadanka la keenay. Hasa yeeshee waxa uu noogu warceliyay inay lacagtani tahay DHUUXII!. Waxa uu noo raaciyay waa lacagtii kaydka qaranka oo baanka ayay taalay, haddase ayaa la xaraashayaa oo baankii ayaa la faaruqinayaa!.
Maalintas dad badan oo wax kala sarifanayay may jirin, lacagta dollar kuna aad ayay u yaraatay, oo qofkastaa lacagtii shillingka ayuu ka shakiyay, jawiguna wuxuu u ekaa wakhtiyadii 1995/6 kii oo shilling Somaliland aad uqiima dhacay, heerka isbedelka iyo sarif bararkuna uu gaadhay, halkii ugu xumayd, waxa dhacday wakhtigaa in marka uu qofku hudheelka cuntada soo galo in uu iska baayaco cuntada oo uwaydiiyo waxa lagu iibinayo! Waxase nasiib daro ahayd in qiimihii is bedelo inta qofku cuntada cunayo, lana waydiiyo qiime kale oo kii hore aad uga badan. Ganacsiyadii kale badhkood way baaba’een, badhna albaabda ayaa loo xidhay, dadkuna waxay la daalaa dhacayeen sicirka cuntada. Hargeisa hudheeladeedii ugu caansana wakhtigaa waxay bilaabeen inay kariyaan Shuuro iyo garaw!.
Dawladii Kulmiye hore, waxay qiratay inay soo samaysay lacag udhiganta 23 Million oo dollar intii Madaxwayne Silaanyo talada dalka hayay, lakin waxa hubaal ah, in xukuumadii Kulmiye hore, ay ugu yaraan afar goor, oo kala ahaa 2011, 2012, 2014 iyo 2015 kii ay soo samaysay lacag cusub, tirada ay sheegatayna aad iyo aad uga badnayd.
2010 kii, Kulmiye marku ku guulasytay talada dalka, wasaarada maaliyadu waxay bilowday qalqaalada soo samaynta lacag cusub, iyagoo ku sababeeyay in dawladii UDUB daymo badan uga tagtay, dhawr biloodna aan shaqaalaha dawladda mushahar lasiin. Sidoo kale wasaarada maaliyadu waxay bilowday inay lacagta dollarka suuqa ka soo urursato, laamihii baanka dhexe ee madaarka Hargeisa na la xidho.(Qaybtii hore ayaynu kusoo sheegnay inay wasarada maaliyadu la wareegtay shaqadii baanka dhexe).
Marka lays barbardhigo, labadii xukuumadood ee UDUB iyo Kulmiye, waxa ku fiicna maamulka lacagaha iyo ku shaqaynta siyaasada baanka dhexe, dawladii UDUB. Waxaynu maqli jirnay iyadoo lagu xanto UDUB, dhaqaalo xumo ayaa ku dhacday sanadkan oo Telesom ama Dahabshiil ayay lacag dayn ah kasii amaahdeen!. Kulmiya na suuqa ayuunbad ka maqlaysaa, miisaaniyadii ayaa is dhintay oo lacag cusub ayay ingiriiska ka soo samaysanayaan.! Waana laba xaaladood oo maarayn iyo musuq kala ah. Dawladda haddii daymo looga tagay ama dhaqaalo xumo kale jirto waxay xaq uleedahay inay kharashaadka dhinto, cashuuraha kordhiso, dhibkastaa haka yimaadee ama ay lacag dayn ah soo qaadato. Lakin marnaba sharci maaha inay lacag cusub iska soo samysato oo sida ay doonto suuqa usoo galiso, kadibna suuqii sarifku dheeliyo. Somalida ayaa ku maahmaahda, isu haye iskama hagrado.!!
Marka aynu ka nimaadno lacagta faraha badan ee suuqa lasoo galiyay, waxa kale oo sixir bararka ka qaybqaatay noodhadhka waawayn ee 1000 shilling iyo 5000 shilling. Waana markii ugu horeysay ee noodhadhkani ay ka mid noqdaan hab wareega lacageed ee dalka, waxanay meesha ka saareen lacagtii yar yard ee 100 sh ugu danbeeyay, oo hadda gabi ahaanba suuqa ka baxday. Sidoo kale waxa hadda dadku aanay aad ujeclayn noodhka 500 shilling, una muuqata noodh aad udaalay, jeexjeex badan iyo dayacaadi ka muuqato. Waxay ahayd in noodhka gaboobay ee wasakhoobay suuqa laga saaro oo mid cusub oo lamida lagu soo bedelo, lakin baanka dhexe Somaliland loogama baran shaqada.!
Dadka falanqeeya siyaasada lacagaha, ayaa aaminsan haddii lacag waawayn lasameeyo inay lacagtii yaryaryd meesha ka baxayso, taasina ay tahay sixir bararka laftiisa. Tusaale ahaan, Somaliland xabadda xanjada iyadoo lagu iibiyo 100 Sh ama wax ku dhaw, ayaa qiimehedi noqday 500 sh markaliya, waayo 100 sh ayaa suuqa ka baxay, waxana bedelay noodhka 500 sh oo ahaa noodhka ugu dhaw ee bedeli karaayay.
wadanka ingriiska ayaa waxa ka taagan maalmahan dood ku saabsan in meesha laga saarayo lacagta ugu yar wadanka Ingriiska ee ah hal beenso iyo laba beenso(one pence and two pence). Lacagtan yar yari waxba hadda laguma iibsan karo, oo tirada ayunbay buuxisa(unit account). Xabadda nacnaca ah ee ugu jaban waa 10 pence!. Lakin dad badani waxay warwar ka qabaan in arintani keenayso sixir barar, haddii meesha laga saaro lacagtan yaryar!. Inkastoo Baanka England ku doodayo inaanay wax dhiba keenayn lacagtaa yaryar ee habwareega lacagta dalka laga saarayo.
Dadka qaarkood ayaa ku dooda lacagta faraha badan ee Kulmiye soo sameeyay loogu talo galay dhaqaalaha wadanka oo aad ukoray, xiligii Madaxwayne Silanyo iyo lacagtii hore Somali shilling ka oo laga bedelay Magaalada Burco. Runtii waa arin jirta, oo dhaqaalaha dalku wuu kobcay mudadas, lakin dhaqaalyahanadu waxay rumaysan yihiin inaanay marnaba lacagta cusub ee galaysa habwareega lacageed aanay ka badan boqolkiiba sadex marka loo eego GDP ga(3% of GDP). Dhinaca kale, Burco lacagti Somaliya waxa laga bedelay sanadkii 2011 kii lacagtan xad dhaafka hina waxay inagu soo butaacday sanadkii ugu danbeeyay 2017 kii.
Haddaba tirada guud ee lacagta Somaliland shilling ee wareega lacageed ku jirta maanta lama yaqaano, baanka dhexena sir ayuu ka dhigay waligiina mashaacin, si marka uu doono lacag xaddhaafa suuqa usoo galiyo. Baananka aduunka ugu fiicani way baahiyaan sandkasta lacagta guud ee wareega ku jirta, lacagta cusub wareega soo galaysa, lacagta xumaatay ama googoday ee wareega laga saaray iyo wixii macluumada ee lamida.
Lasoco qaybta 4aad……………..wixi talo iyo tusaala………soredcent@gmail.com