BOROBOGAANDADA IYO QABYAALADDA IS HUWANI WAA AAFO INNA HAYSATA.
Camar Axmed Cali. Q/ 4aad
Qormadani waxay ka mid tahay qormooyin dhowr ah oo aan si kooban ugaga hadlayay dhibaatooyinka ay innagu hayaan kooxaha qabyaaaladda ku adeegtaa, iyo sida ay wararka malo awaalka iyo hubsiimo la’aantu u yihiin falaadh ku taagan geedi socodka horumarineed ee ay S/land higsanayso.
Qormadan maantu waxay si guudmar u iftiiminaysaa mushkiladaha isbarkan ee aynu ka dhaxalnay isticmaalka baraha bulshada, ku waa soo haddii aad u kuurgasho waxa lagu soo bandhigayo, ay kuu muuqanayso in aragtida iyo aaraada taala, gayigeena anay ka turjumaynin baahiyaha dhabta ah ee aynu la qama-dhacyoonayno.
Isticmaalka baraha bulshadu waa arrin ku cusub sooyaalka warbaahineed ee ay Somalidu leedahay, gaar ahaan marka la eego hababkii qadiimiga ahaa ee ay Somalidu wararka iskugu gudbin-jireen, iyada oo la odhan karo baraha bulshadu waxay inoole yimaadeen khasaare iyo faa’iido is-garabyaal, oo cidwaliba meel ula dhaqaaqday, hadana waxay xaqiiqdu tahay, in ay baraha bulashu yihiin aalad wax lagu toosi karo, haddii loola kici-lahaa xagga wanaaga iyo wax toosinta, sidoo kalena aynu ku gaadhi-lahayn guulo badan oo ay maanta shacabkeenu tabayaan.
Tusaale ahaan haddii loola kici-lahaa in lagu wacyigaliyo bulshadeena, iyada oo lagula dagaalamayo waxyaalaha lugta jiidaya horumarka ay bulshada S/land higsanayso, sida qaybaaladda, qaadka, iyo wax kasta oo himiladeena dabar ku ah.
Waxa kale oo looga faa’iidaysan karaa in lagu ogaado wax kasta oo la xidhiidha aqoon iyo waayo aragnimo kaa dahsoonayd, taa soo sare u qaadi karta heerka fahankaaga masgaxeed iyo sida aad wax u arkayso.
Waxa’se hubaal ah, in aynu baraha bulshada u isticmaalnay dariiq aan ahayn kii xalaasha ahaa, islamarkaana aynu u adeegsanay dardargalinta qabyaaladda iyo kala qaybinta bulshadeena, taa soo inna dhaxashiisay tafaraaruq iyo kala daadsanaan weyn oo bulshadeena ka dhex muuqata, waxa taa ka siidaran markaad aragto sida baraha bulshada loogu faafinayo warar lagu carqaladaynayo midnimada, wadajirka iyo wax wada-qabisga bulshadeena, iyada oo loogu badalayo, qulqulatooyin iyo ismaandhaafyo u dhexeeya beelaha walaalaha ah.
Arrmahan waxa loo sibirsaari-karaa Somalida oo dhaqan ahaan ka soo jeeda bulsho ay qabyaaladdu si weyn ugu lamaan tahay ( tribal society), sidoo kalena ay u tahay halbeed ay ku cabiraan, hadba waxa ku soo kordha geedi-socodka noloshooda .
Somalidu waa bulsho borobogaandaha iyo hubsiimo la’aantu ay u tahay tilmaan lagu yaqaano, islamarkaana ay ku yar tahay xaqiiqo-raadinta iyo ka fiirsiguba.
Sidaa soo ay tahay, hadana waxay xaqiiqdu tahay in baraha bulshadu yihiin meesha ugu balaadhan ee laysku waydaarsado afkaarta iyo aragtiyaha la kala aaminsan yahay, taa soo ka dhigi karta meel haddii si xilkasnimo leh loo adeegsado wax badan lagu toosin karo. Waa’se haddii ay inna gubayso han iyo himilo toolmooni.
Nasiibdaro’se taasi maydhicin oo baraha bulshadu waxay noqdeen meel lagu naaxiyo laba arimood oo aan midna dani ugu jirin bulsho ay daashadeen saboolnimo iyo maamul-xumaani;- waa ta koobaade marka horeba waxa lagu soo bandhigaa waa buunbuunin iyo borobogaando aan ku salaysnaysnin runta biyo-kama dhibcaan ah ee meesha taal.
Waa mida labaade cidkasta oo ku adeegata damaca qabyaalada waxay u tahay fursad iyo jaanis ay ku hantiyaan dhagaha iyo quluubta cidda ay la hadlayaan, iyaga oo ay dulucdoodu tahay in ay gaadhsiiyaan fariin xambaarsan eroyo dhiilo leh oo bulshada midnimadeeda lagu dhaawacayo.
Marka aad furto barta aad ku leedahay bogga internet-ka, waxay ishaadu qabanaysaa sawiro iyo qoraalo ka turjumaya siday inoogu xididaysatay qabyaalada ragaadisay horumarkii bulshadeena, iyo sida ay u dulaysatay garashadii iyo caqligii fayoobaa ee RABBI inagu galadaystay.
Hadaba waxaan maqaalkaygan ku soo gabagabaynayaa, haddii baraha bulshadu inoo noqdaan meel lagu barbaariyo aragtiyaha saboolka ah ee bulshada lagu marin-habaabinayo, haddii baraha bulshada inoo noqdaan meel aynu ku badalno goloyaashii ay Somalidu la fadhiyi’ jirtay muranka iyo qabiil ku faanka, haddii baraha bulshadu inoo noqdaan meel aynu ku faafino cayda iyo afxumada dadka loo gaysanayo, haddii baraha bulshadu inoo noqdaan meel lagu soo bandhigo wax kasta oo RABBI inaga xaraamyeeley, haddii baraha bulshadu noqdaan meel aan la hayn sharci lagula xisaabtamo cidkasta oo ku xadgudubta sharafta iyo karaamada dadyowga kale, waxa hubaal ah in aynu ka dhaxli-doono, xaalado kasii cakiran tan aynu maanta la goobyaalayno.
By Cumar AxmedCali.cumaraxmed331@gmail.com/0634244802.