TELESOM IYO TILMAAMAHA LA MAHADIYAY
Telesom waa Shirkada Kaliya ee ina hagta, ina barta Degmooyinka Dalka intooda badan sida aad sawirkan ka aragtaan.
Safarkasta oo aan baxo waxaan Jeclaystaa inaan Garto Degmo kasta oo aan marayo iyo inaan Barto inta ay ii jirto Halka aan ku socdo, markaan bilaabo safarkayga waxay indhahaygu qabtaan Boodhadh waaweyn oo lagu qoray magaca shirkadda “Telesom” marka ay indhahaygu Boodhadhkaas ku dhacaan haddana waxaan arkaa degmadda aan joogo iyo ta ku xigta inta ay ii jirto.
Shirkadda Telesom waxay degmooyin badan ka taagtay boodhadh waaweyn oo lagu xardhay magaca degmada iyo degmadda ugu dhaw ee ku xigta iyo masaafadda ay isku jiraan, taasi waxay dad badan bartay tuullooyin badan oo aannay hore u aqoon waxaannay Bartay Masaafadda ay isku jiraan Tuullooyinka iyo Goboladduba oo aan hore dad badani u aqoon.
Anigu waxaan ka mid ahay dadka Boodhadhka Telesom ka bartay inta ay isku Jiraan Degmooyinka iyo goboladdu.
Marka aad safar tahay waxa aad fahmaysaa in Boodhkani u taagan yahay Tilmaan Degmo iyo tusid masaafo, waxaannay markasta indhahaagu la Raac raaci doonaan meelkasta oo boodhkaasi ka taagan yahay adiga jecel inaad ogaatid Degmadda aad Maraysid iyo Ta kuugu xigta, waxaanad xaqiiqsanaysaa Inta kuu hadhsan iyo inta aad soo socotay waxaas oo wanaaga waxa innoo sammeeyay Shirkada TELESOM oo aan ka dhex arko Jaceyl Bulsho.
Shirkada Telesom ayaa noqonaysa shirkadda kaliya ee Talaabadan ku dhaqaaqday kuna guulleysatay tan iyo intii waddanka lagu soo noqday, ma jirto shirkad ku dayatay maadaama hawshani tahay mid aad u culus, oo u baahan dhaqaale iyo aqoon kaleba.
Mahadgaara waxa leh Maamulka guud ee shirkada oo hawshan si qoto dheer uga fikiray, una fuliyay waxaanan leeyahay waxaad qabateen Hawl qaran oo qiimaheeda leh, waxaad na barteen goboladdii dalka, waxaad na barteen intii ay isku jireen taasina dedaalkeeda iyo mahadnaqeeda idinkaa leh.
Runtii talaabadani waxay ahayd in laydinku Abaaliyo oo la idinku qiimeeyo waxaanan ogahay in maalin un la idinku maamuusi doonno waxtarka balaadhan ee aad dalka ka wadaan.
Telesom waxay ina bartay Magaca iyo masaafadda u dhexeeya magaallooyinka iyo gobolada.
Markaan halkaa marayo waxaan u samaynay Tixdan yar ee aannu ku Amaanay waxtarka Shirkadda TELESOM EE Tilmaamaha iyo masaafadda goboladda Dalka waanna tan:-
Magac iyo Masaafo : TELESOM ugu hagaag.
Telesoom tis qaaddoo
Tabantaabinteedii
Iyo tabaabushayntii
Tamuuxdaa ka badanoo
Waxay taabtay horu socod
Tubtii horumar waaroo
Tabaalada dadweynaha
Way toosisaayoo
Taageeradeedaa
Lagu wada tanaadee
Ma ogtahay tilmaamaha
Toobiyaha wadiiqada
Lagu taxaye teedsane
Ku tusaaya meeshaad
Time kaa marayside
Timiroow ma aragteen.
Farxaan Maxamed Suldaan “Rakad”
Farxaanmxd@gmail.
Berbera