Bilicdii hargaysa maanso by hal-abuur qoraa xamse riiraash
Baladkan hargaysi
Waa cad ceed bayaantee
Loo bogay dhankeedee
Baydadkaygan ila dhugo
Buurtan gacan libaaxiyo
Adnadaa bidhaantiyo
Bilic xaawo laydaa
Bal sidaa U daymoo
Meesha aadan baradhiyo
Barxadaa staar iyo
Ay boodh dhankiisiyo
Bundadaa xawaadliyo
Idaacada baxaysana
Bal xageeda sii eeg
Xaafadaasi kood -buur
Biriijkaa jig -jiga yar
Stadium baahsaniyo
Bartankaasi qudhac dheeriyo
Biyaha qul qulayana
Bal sidaa usii dhuggo
Xadaaradii bislaatoo
Baryo hore jireysiyo
Bunuudiyo hunuudii
Bildhinkii dhisaayeen
Baaqigoodii sii arag
Culimadii burhaantiyo
Balaaqada Ku dheeraa
Dirir Iyo bahdiisuna
Meeshanay kasoo baxeen
Balaayadu siday tahay
Hargaysaay Ka Bari noqo
Salaam
Hamse Riraash