Barraxaadda Dab-damiska iyo Dib-u-eegista Boobkii Hore ee Deyrka M A Cali W/Q Siciid Gahayr

Tan iyo Ogos 2018ka waxa aan ka mid ahaa bulsho diiddanayd in muraad gooni ah loo weecsado qayb ka mid ah dhulka dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali, oo Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku ugu deeqday in laga dhiso dab-demiska Koonfurta Hargeysa. Runtii dab-demisku waa adeeg deegaanku u baahnaa. Waxa sidoo kale ka hadlay bulshada degmada Maxamuud Haybe. Mudaneyaasha Golaha guurtiduna waxa ay arrinkan wax ka weydiiyeen Wasiirka Hawlaha Guud. Sidoo kale waxa lagu faaqiday baraha bulshada.

 

Waxa kaar hore igu hayay qolalka ku meersan dugsiga ee aan dheefta haba yaraatee u lahayn bar-aqooneedka uu ku yaallo iyo bulshada midnaba. Waan ogaa markii la leexsaday, haddii aan maalintaas lahaan lahaa codka aan maanta leeyahayna, si mug weyn ayaan uga hortegi lahaa. Maadaama oo aan ka mid ahay ardayda wax ka baratay dugsigaas, isla markaasna aan markii dambe macallin ka noqday, qof ahaan saamayn gaar ah ayay igu leeyihiin xaaladaha la soo gudboonaadaa. Damiirka fayoobina innama fari karo in aynu ka gaabsanno ka-hadalka danta guud.

 

Dabayaaqadii 2010ka ayaan aroor hore tegay dusgiga Maxamuud Axmed Cali oo aan bare ka ahaa. Waxa si kedis ah noogu timi Marwo Samsam Cabdi Aadan Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacaliinta Sare ee Somaliland. Waxa aannu ka wada hadalnay dhibaatooyinka haysta dugsiyada dawliga ah oo M A Cali ka mid yahay. Xilligaas waxa ku sime ka ahaa Macallin Maxamuud Jaamac.

 

Maamulihii dugsiga Md Cali Axmed Balayax waxa uu safar caafimaad ugu maqnaa dalka Jabuuti. Bareyaal tira yar oo hiirtaas iskuulka ku heellanaa ayaan ka mid ahaa. Si gaar ah waxa aan u dareemayay baahida loo qabay in dayactir lagu sameeyo deyrka dugsiga ee dhinaca Koonfur Galbeed oo dunsanaa.

 

“Deyrka dugsigu waa uu dunsan yahay. Waxa aanu jeclayn in dib-u-dhiskiisa ay door ka qaadato wasaaradda waxbarashadu” ayaan ku idhi Wasiir Samsam. Waxa xilligii kala-guurka UDUB iyo KULMIYE deyrka dugsiga laga dhisay tobannaan qol oo ay dad gaar ahi leeyihiin. Wasiir Samsam waxa ay moodaysay in dugsigu dhismeyaasha kiradooda uu kabitaan dhaqaale ka helo “Miyaanay dugsiga wax ka soo gelin kirada qolalka?” ayaa ay tidhi. Waxa aan u sheegay in ay cid gaar ahi leedahay, isla markaana aanay waxtar u lahayn iskuulka. Iyada oo taas la yaabban, isla markaasna doorkooda ballanqaadaysa ayay soo gebagebaysay kormeerkii kediska ahaa.

 

Marka ay noqoto dareenkii ku xeernaa in cid gaar ahi wax ku leedahay dhismaha dab-damiska Koonfurta Hargeysa, waxa ay indhaha bulshadu eegayeen dhanka masuuliyiinta diiradda Hargeysa. Waxa arrinkaas shalay 29kii Sebtember 2018ka ka hadlay ku-xigeenka Duqa Hargeysa. Maayar ku xigeenka Caasimadda Md Cabdicasiis Maxamuud Xaashi (Cagaweyne) waan ku bogaadinayaa sida uu u barraxay tuhunkii ahaa in cid gaar ahi wax ku leedahay dhulka laga dhisayo dab-demiska Koonfurta Caasimadda Hargeysa, ee ku yaalla deyrka Maxamuud Axmed Cali. Waxa kale oo aan soo-dhaweynayaa in dib loogu noqdo lahaanshaha gaar ahaaneed ee qolalka ku xeeran dugsiga, oo laga yaabo in hal qof uu leeyahay toban makhsin, kuwana ay shan leeyihin,

 

Dadka guryahaas ku leh waxa ka mid ah:

1.      Engineer Xuseen Maxamuud Jiciir, Duqii hore ee caasimadda Hargeysa

2.      Sheekh Maxamed Cali Geeddi iyo

3.      Ganacsade Maxamed Jees Aadan (Deeq Jees)

 

Xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Bariga Maroodijeex, Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee Maxamuud Haybe iyo Dab-damiska ayuun baa ah dhismeyaasha danta guud ee laga taagay deyrka dugsiga. Inta kale waxa ay u baahan yihiin dib-u-eegis.  Wasaaradaha Waxbarashada iyo Hawlaha Guud oo kaashanaya Dawladda Hoose ee Hargeysa, waan ku guubaabinayaa inay dhulkaas maqan isla eegaan.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Advertisement

Ku Xayeysiiso