Booliska Turkiga oo haya cajalad maqal ah oo xaqiijinaysa geerida Khashoggi Gudaha qunsuliyada Sacuudiga

Illo amaan oo Turki ah oo ay heshay Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa xaqiijiyey In boliiska Turkigu hayo cajalad maqal ah oo caddaynaya dilka saxafiga Sacuudi Carabiga Jamal Khashoggi gudaha Qunsuliyada Sacuudi Carabiya ee Istanbul.

Ilahan ayaan wax faahfaahin dheeraad ah ka bixin  oo ku saabsan Cajalkan la duubay.

Waxaa la filayaa in xarunta dhexe ee qunsuliyada Sacuudi Carabiya ay baadhitaan ku sameyn doonaan kooxda baadhitaanka wadajirka ah ee Turkiga iyo Sucuudiga ee baadhaya Kiiska waayitaanka Khashoggi gelinka danbe ee maanta.

Wargeyska “Washington Post,” ayaa hore u sheegay iyaga oo ka soo xigtay saraakiil Maraykan iyo Turkiga, in Turkiga uu ku wargeliyay Mareykanka inay hayaan cajalad maqal ah iyo sawiro xaqiijinaya geerida Khashoggi ee qunsuliyada, ka dib markii su’aalo la waydiiyay jidh dilna loo geystay.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso