Madaxda Siyaasiga ah Waxay Bulshadeenu u Taqaan Inta Xilalka Haysa Ama Soo Qabtay Ama Xubnaha Saraakiisha Ka Ah Xisbiyada Wadanka Ka Jira
Dalka Dhibaatooyinka Haysta Ee Aanay Bulshadu Dareensanayn Waxa Ka Mid
Waxa Isku Garaad Iyo Aqoon Ah Madaxdii Bulshada Hogaanka u Qaban Lahayd Iyo Shacabkii Caamada Ahaa Ee La Hogaamin Lahaa !!!
Bulshooyinka Dunida Ka Jira Marka Laga Faaloonaayo Arimaha Xidhiidhka la Leh Nolosha Bulshada, Siyaasi, Dhaqaale,Diin,Aqoon,Dhaqan,Cudurada Bulshooyinka Ka Dhex Dhasha …… Waxa u Xil Saaran Inta Madaxda u Ah Ama Hogaanka u Haysa Dhinac Walba
Waxaan Aad uLa Yaabay Dhawr Nin u Sharaxnaa Kuraasida Ugu Saraysa Dalka Oo Tacab Badan Kaga Baxay Siyaasida Siday u Hanan Lahaayeen Kursiga Ugu Sareeya, Dhawr Jeer oo Kala Duwan Ka Maqlay Waanay Ku Celceliyeen odhaahda
Soomaalidu Waxay Tidhaa “Siyaasadu Cadaw Joogta Ahna Ma Leh SXB Joogtana Ma Leh , Balse Dan Joogta Ah Ayay Leedahay” Isagoo Ka Dhigaaya In Soomaalidu Dhaqan u Leedahay Odhaahdan Ama Ay Tahay Maahmaah Dhaqanka Soomaaliga ah Ku Jirta , Hadalkan Waxa Iska Lahaa Siyaasigii Weynaa Ee Reer Ingriiska Winston Churchill !!!
Madaxweynaha Waraysiyadiisii Markii Dalka la Soo Galay Hadaad Dhagaysatid Ayaad Ogaan Siyaasada Siduu Ku Ahaa “Berigigaa Ayuu Doonaayay Nidaamka Xisbiyada Badan,Dimuqraadiyad, Saxaafad iyo Ganacsi Xor Ah,Sadex Ha,yadood oo Is Ceshada…..
Waxaan Aayo La,aantooda Ka Yaabay Umadda Ninka Hogaanka Siyaasada Isku Soo Qaaday Aanu ABC SIYAASADA Uga Baxsanayn Ama Diyaar u Ahayn Inuu Wax Barto Isagoo Isku Haysta Inuu Figtii Ugu Saraysay Gaadhay
Garaadka Siyaasiga ahi Kuma Dhismo Sanad Iyo Toban Dawladaha Qaar Si Bulshadu U Kala Garato Siyaasiga Hogaamin Kara Iyo Waxa Laga Rabo Waxay Qaadatay 150 Sano, Aqoontu Waa Wax Is Urursada Oo Isbiirsada
Waxa Hubaa Keliya In Jihadii Saxda Ahayd Loo Socdo
Maxamed Xoosh