Shiinaha ayaa dhammaystirtay qayb ka mid ah buundada tareemada ee ku taala Amur River, kaas oo isku xidhaya gobollada Cibraaniga ah ee bariga Ruushka iyo Gobolka Heilongjiang ee Shiinaha.
Warbaahinta ayaa sheegtay in biriij tareenkani noqonaya kii ugu horeeyay ee wabiga laga hirgaliyo una kala gudba dalalka Ruushka iyo Shiinaha.
Shiinaha ayaa bilaabay dhismaha qaybtiisa ee buundada bishii February 2014 dherer ahaan waa 2215 mitir, dhulka Shiinaha waa 1886 mitir inta kalena waa Ruushka, Sanadkii waxa maraya 21 milyan oo ton oo shixnad ah.
Buundada cusub waxaa loo isticmaali doonaa dhoofinta birta, dhuxusha, bacriminta macdanta iyo alwaaxda laga helo Ruushka ilaa Shiinaha waxaana lagu wadaa bilawga tareenkan, xagaaga 2019.
Warqabadka ToggaHerer