HAL KU DHIGA WANAAGSANI WAA HANAANKA BULSHADEENA

Waa qoraal kooban oo macna wayn xambaarsan Sidoo kale waa halku dhigyo ay Asteeyeen Dad kala duwan oo dunida ahi , oo aan qalinka kuyara ururiyay.

* waxaynu dedaal iyo qiimo ku bixinaa badalida dharka, inakoo raadina kuwa ugu qaalisan ama ugu fiican , laakiin waxaynu Hilmaanaa in aynu qiimo ku bixino badalida Dabeecadaheena Guracan.
* Saadaalinta Xumaanta dadka waxaa ka haboon faafinta Wanaagooda iyo guulaha ay gaadhaan.
* Erayga wanaagsani waa Furaha lagu Furo quluubta dadka waana Furaha orginalka ah.
* Hadii aad doonayso inaad ku qanciso Dadka fikirkaaga waa inaad ogaataa sida ay iyagu ufikirayaan.
* Hadii aad doonayso inaad noqoto hogaamiye waa inaad ogolaataa in adiga lagu hogaamiyo.
* Ogow Hidaha iyo dhaqankaagu waa Qurudaada iyo hantigaaga lkn maaha Xabsigaaga.
*Dulqaadka iyo samirku waa qayb ka mida Geesinimada, lkn Aargoosashadu waa qayb ka mida dhaawac geesinimaada.
* Dadka oo aad ula dhaqanto Sida aad adigu Doonayso maaha farxadaada lkn dadka oo aad ula dhaqanto sida a yihiin waa Faraxada noloshaada.
* Noloshu kuu saamixi mayso inaad hesho wax walba oo aad jeceshay , lkn waa inay kuu saamaxdaa inaad ku qanacda wax walba oo Alle qayb kuu siiyay.
* Ogow weelka quruxda badani Cuntada uma sameeyo Dha-dhan macaan oo ugaara lkn Hadal Qurxooni wuxuu dha-dhan macaan usameeyaa qalbiga.

By. Abdirashid Awmuse Aadan.

(rashaad055@hotmail.com)

Advertisement

Ku Xayeysiiso