“Madaxweyne Dalku Wuxuu U Baahanyahy Wasaaradda La Dagaalanka Qabyaaladda” Qore Maxamed Cabdilaahi Cige

Salaanta Islaamka Ka bacdi, dhamaanteen waxaynu isla qirsan nahay in dhibaatooyinka ugu waaweyn ee maanta dalkeena haysta ay ka mid tahay aafada qabyaaladda.
Waxaynu la soconaa qabyaaladda xadhkaha goostay ee meel walba gashay, oo aad moodo Sharci aan la dhaafi Karin.
Waxaynu la soconaa in qaybihii kala duwaanaa ee bulshada ay Aafaysay badankooda, haday culumo tahay, haday aqoonyahan tahay iyo haday tahay Indheer garad kalaba.
Waxaynu ogsoonahay in dhibaatada Somali halkaa dhigtay ee khayrkood ka reebtay ay tahay aafada qabyaaladda iyo is qaybinta dhexdooda ah.
Waxaynu markhaati ka nahay in rajadii ay bulshadu ka sugaysay horumarka iyo Hiigsiga fog ee dhalinyarada ahaa ay si xun u saamaysay oo maalin walba indhahaagu qabanayaan iyadoo ku sugan xaalada aanu jeclaysan Karin qofka damiirka lehi oo qoloqolo, Jilibjilib, Xaafadda Xaafad ukala baxeen.
Waxaad maalin kasta arkaysaa odayaal, Aqoonyahanno Tv-yada Fadhiya oo qaybinta bulshada iyo hadii aanu reer hebel nahay waxaas ayaanu samaynaynaa lasoo taagan.
Waxaad arkaysaa Arimihii Bulshada oo dhan oo lagu saleeyey Qabyaalada iyo reero, waxaad arkaysaa dadkii oo qaab beelaysan wax ku doonaya Mansab iyo Anfac kaleba, indhahaagu waxay qabanayaan badi dadkii oo aaminay qabyaalada oo ku xisaabtamaya haddaba meesha ay shaqo ama adeeg ka doonayaan in qolo uun lagu tagi karo.
Waxyaalaha ugu layaabka badan ee qaybaalada aad ku arkayso waxaa weeye in macaal Culumadii iyo Waddadii diinta ay qaarkood gashay oo ay dhexdooda ku arkaysa iyagoo is qabyaaladaynaya.
Dhibaatada Qabyaalada maha mid halkan lagu soo koobi karo dhibaateeda oo aynu markhaati ka wada nahay isla markaana maalin kasta aynu indhaheenna ku aragno.
Haddaba inagoo gunta iyo Gabogabada u gudbi doona waxaan ku talin lahaa marka hore inaynu yar iyo waaweynba u kacno sidii waxaa looga qaban lahaa.
Marka Xigta waxaan ka Codsan lahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland sidii wax looga qaban karo in looga hawl galo inagoo qaran ahaan isku tashanayna, waliba aniga waxaa il muuqata in madaxweynuhu Abuuro Wasaaradda Ka La Dagaalanka Qabyaalada, oo noqon doonta wasaaradda qaranka ku jihaysa garoon ku dhisan Walaalnimo, Wada Dhalasho iyo Nolol laga Suuliyey Qabyaalada iyo Nacayb.
Qore: Maxamed Cabdilaahi Cige
Madadaal222@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso