Gabaygan la yidhaahdo (QALIN NABAADDIINO) waxa curiyay Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan”Haldeeq” 23.10.2018 Hargeysa, waa gabay nabadeed uu u dirayo beelaha walaalaha ah ee dagaalku ku dhex maray deegaanka koofureed ee Gobolka Sool, waa Gabay waano tusaalayn iyo duco isugu jira, wuxu ku bilaabmay sidan:-
Haddaan arartu qiiriyo lahayn, qooddi iyo maan gal
Qasti iyo ujeeddiyo haddaan, gabaygu qoon taaban
Ama qodob anfaaciya lahayn, nolosha qaameeye
Qasif dunida qodax iyo ragaad, sun iyo qoof reebye
Qawl wacan lillaahida murtidu, way ka qoran taaye
Qalbigii damqanayaan hinqaday, qayladaa timiye
Qiirada qammuunyaan dibnaha, qawda ku hayaaye
Qaman-dhacada maan ledin illaa, xalay qarmaajoowe
Qajeelaa abwaan midu qaddimay, kuu quraaradaye
Anna qayday qaadaa-dhiggeed, qaafka maansada e
Inuu qaaddir qawlka caafimaad, qaran shifaw saaro
Bal inay qisoodaan tix kale, jeer aan kula quusto
Qabuul oo Siciidoow guddoon, qaalla bixinteeda
Qiire-qiire adduunkaa galaye, qalin dhamaadkiiya
Waw qardabo qasaariyo dadkay, qaylo joogto ahe
Qadyaan baan ka joogaa tollaay, soo qalladan waaye
Waa quruun iblays iyo malcuun, dhibayo qaandhuuse
Qawsar aan xishoonayn Rabbina, dib uga qoofaynin
Oo qori holcaayiyo ku raran, cudur qabiilaysan
Oo qabyaalad diintiisu tahay, xeerna qaban waayay
Oo qurbaawi xoolaha ku daray, dib u qadaad taabtay
Ayaa Qarafka gaastii sudhoo, mariyey qayraane
Alla qabay waakaa qarraqay, nolosha qayb wayne
Qayrkeed maxay dhinac degtaa, qaararkaa go’ane!!!
Afartaa qaraarkii murtida, qun iyo liishaan dheh
Qodkii Iidle qisadii Mukhtaar, qodobadii Boobe
Qasiidadii Batuun iyo Abwaan, qalin qorkiisii dheh
Qajeelaa abwaan midu qaddimay, kuu quraaradaye
Anna qayday qaadaa-dhiggeed, qaafka maansada e
Inuu qaaddir qawlka caafimaad, qaran shifaw saaro
Bal inay qisoodaan tix kale, jeer aan kula quusto
Bal aan qubanta maansada ku dayo, qiil u soo baxa e
Quluubtiyo dareenkii midaa, qaran ka beermaaye
Qoys waliba hadduu qoyska kale, qalo haldoorkiisa
Qayuurkooda haddii aano hebel, qaanso ugu miidho
Qaan-gaadh ma yeeshee qarqoosh, qaawan baa kaca e
Qudh muslina qofkii soo jaraa, qoon dhan buu rogaye
Qormo nabadi taalluu shidaa, qaxar ka oogaaye
Qaraabiyo xigaal baa is naca, qoysas wada yiille
Waa qasaare qoys iyo qabiil, qudh iyo reerkeede
Qabrigiyo qiyaamaha danbana, qaanyo waa olole
Mid qof dilay qudhiisaa ku filan, qaan bax nololeede
Iska qabo mid qaatila dad kale, haw qisaasina e
Qardoofadaan tirsanayaa ka badan, qaanka geedaha e
Ehel kala qalooday iyo asxaab, rixinki qaamawye
Maantana qaylaa cusube, qarankan dhiillaysan
Inta qoys agoomoowday iyo, qadayda yeedhaysa
Qaansada iyo leebkiyo warmaha, qaawan iyo maydku
Waa qaran jab yaal iyo dadnimo, qaaftay meel ba’ase
Waa qabar dadkaygiyo ku dhacay, qoonu leeyahaye
Qoob-saar qalloocaa ma sedo, duul qallaafa lehe
Qaynuun li’I quruun baan midnimo, guul ku qaabbiline
Qulux iyo adhaan daasad iyo, qaaqis baranayne
Bal qiyaasa intaad wiil qalladan, iilka qabadsiisay
Nasrigaaga kama quusan karo, ruux ku qirayaaye
Kuma qado baryada ruux qastiga, qaaddirow yidhiye
Culimada quraankiyo digriga, qaariyada diinta
Qaran baa gurmadayoo haldoor, qiimalaa tegaye
Qabarkiyo masiibadan adaan, kaa qabsanaynaaye
Xinjiraa qulqulayiyo Rabboow, dhiigan qubanaaya
Qasaaraha intaa taal ku qaboo, qiiqan kacay suuli
Rabboow qalin nabaaddiino iyo, samo ku soo qawlal
Nabad qun ugu waartiyo Rabboow, qodob heshiis raaci
Madar lagu qaboobiyo Alloow, qalin ku liibaani
Quluubtooda Allahayoow labeen, qabaw ku saysaami
Neecaw qushuucliyo iyo kalgacal, qubayso reexaani
Qunbbe subaga Eebboow ku qabo, qoomihiyo eelka
Qalbigooda Allahayoow ku beer, qabi walaaleeye
Waa qariirad doonniya wataa, qayb dhulkaan dego e
Allahayoow qarkaa iyo qarkaa, nabad ku soo qoofal
Ku quwee Allahayoow Ergada, Qawlsan iyo saaddiq
Qaneecada islaamkaa ibaray, qiriyo tawxiide
Mid qadhqadhaya ilmada ruux, quboo qalanqalyoonaa
Qalbi bebaya qalfoof tiicayiyo, dibin qammuunyaysan
Qof kurbanaya Addoon qaawan baad, ceeb ka qarisaaye
Waaxidul qahaar baad tahay iyo, qani la tuugaaye
Quwaddaadu adigay dhan tahay, lama qiyaasaane
Xaaladaha qarqoonka ah markay, qulunqulshaa gaadho
Qawi la cuskadaa baad tahay Rabbiga, qaada baahida e
Qafuura raxiim baad tahay Allaha, quudsha noolaha e
Magacaaga wayn baan qabsadee, lagu qaboobaaye
Kor u qaaday gacmaha qaawaniyo, qawl baryootana e
Allahayoow baryada haygu qadin, qaaddir baad tahaye.
Dhammaad
Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Haldeeq”
Hargeysa Somaliland
0634194095