Maxaa kala haysta Madaxweyne Muse biixii iyo Jelayaashii qarsoonaa ee ku caanbaxay dukaameysiga danta guud ee dalka ? qalinkii Arahman Fidhinle UKA


Musuqa iyo  maal-urursiga  illihii dhaqaalaha ee dalka lagu boobay waa Taariikh- Taariikhduna waa Tooj lagu iftiimsado mustaqbalka si looga leexdo  Taariikhdaa madow ee hore dalka uga dhacday. Dastuurka qaranka JSL ayaa inoo cadeeyey in Siyaasada guud ee dhaqaalaha Somalilaan uu ku saleysan yahay Mabaadiid’a Suuqa xorta ah ee aan qof iyo qofaf toona loo xidhi karin . Hadaba waxaa dhacday in shaqiyaad gaar ah shuruucda dalka loo jebiyey oo kooto loogu xidhay illihii dhaqaalaha qaranka anfici lahaa. Dawladnimaduna waa in la illaaliyaa hantida ummadda, Diinta iyo dhaqanka,waana in la horemariyaa baahiyaha aas-aasiga ah iyo  ee adeegyada bulshada. 

Dhacii badheedhka ahaa ee hantidii ummadda ku dhacay iyo fadhateysigii  dalka ku habsaday  kumay koobneyn oo keliya  lacagihii sida xariifnimada leh loo leexsaday  balse waxaa laysku wada raacay in aan beydh iyo binni loo reebin dalka ee  sife gacan-wadaag ah hantidii ummadda loo boobay. Buuga Xirsi X Hassan qoray wuxuu cadeeyey in laga fii’ideystay awoodii madaxweynaha, waxaana uu daaha ka fayday xantii badneyd ee suuqyada Soomalilaan laysla dhexmari jiray.  iyada oo laga faai’deysanayo awoodihii dastuuriga ahaa ee qaranku lahaa ayaa la qaybsaday laguna tagri falay Hantidii guurtada iyo maguurtada aheyd ee ummaddu wada laheyd oo dhan.

1- Musuq-maasuqii  lagu sameeyey dhamaan maareyntii  maganta,moorada iyo midhihii dawladnimo, ayaa ilaa maanta xukuumada cusubi maareyntoodii la daaladhacaysaa, waxaana arintan ka sii daran boobkii dhulkii danta guud iyo siyaabihii qalinka loogu xaday hantidii  qaranku wada lahaa, taa  soo u saamaxday  Gafaneyaashii dhiiga ummadda jaqay in ay weli soo indho-cadaadaan si ay ugu sii dheganaadaan  naasihii irmaanaa ee qarankani lahaa.

2- Waxaa la wada ogyahay in  jileyaasha qarsoon iyo jinni boqoradooda lagu wareejiyey Rusqado iyo heshiisyo aad u badan oo aan lagu qeexin xeer nidaamiye dawladeed  ku waas oo abaal celin malaasan laysu siiyey dhamaan illihii dhaqaalaha ee dalka dakhligiisa kabi lahaa ee kor u soo qaadi lahaa. Waxaa hubaal ah in maanta Somaliland qaranimadii iyo dantii Caamka aheydba ay luntay oo meesha ka baxday.

3-  Beratanka iyo bun-tirsiga ka dhexeeya jilayaasha qarsoon qudhooda ayaa sababay in dhacdooyin tiro beelay iyo dhiilooyin is barkan maareyntooda lagu fashilmo mudadii kulmiyihii hore dalka hagaayey arintan oo dhaawac iyo dhiig-bax gaadhsiisay magac-samaantii haykalka Dawladnimada Somalilaan 

4-  Qabyaalada la maalgashaday iyo isqawleysiga qaawan ee doorashooyinkii dalku ku dhaceen hore iyo danbeysaba waxay sababtay kala qaybsanaan baahsan oo quluubta shacabka  kala fogeysay taa soo  sababtay soona dedejisay  Caro-qaad kii shir beeleedyada iyo sii bacrimintii qabyaalada ku saleysan is-xulafeysiga la magac baxay Jeegaanta malaasan ( Rainbow coalition )..

5- Jilayaasha qarsoon ee aan kor ku xusay oo isugu jira Shirkadley, Sheerley,Dukaanley, Danley, Dulugley iyo Dabatooyin kale oo dantooda oo keliya raacda ku waas oo  dalka hore ugu degay oo dam ka siiyey mudo xileedkii Xukuumadii Siilaanyo ayaa hadana  ilqoodha Muse Biixi ku soo eegaaya ka dib  markii handaraabka lagaga jiiday xaruntii madaxtooyada oo markii hore u ahaan jirtay degel ay mayracdaan casarkii, subixiina ay habaqleysi iyo hormo qamaam ku soo galaan.

6-   Sifeyaashii  qaribanaa ee qabyaaladeysnaa ee ay u dhacday Doorashadii madaxtooyada ee 13-kii November 2017 waxay dalka ku reebtay dil-dilaac iyo diif badan maadaama ay ummaddu wada daalacatay in aan xisbi loo codeyn ee qolada iyo qabiilka loo codeeyey. Qaanuunkii dhisme siyaasadeedkii dimuqraadiga ahaana uu isu bedelay qabyaalad. codkii muwaadinka xorta ah ay la wareegeen  qabali iyo qaraabo oo ay meeshii ay rabeen ku riteen, taasina waxay shacabkii Somalilaan ku reebtay qawdhan iyo qabyaaladii oo dulca sii furatay, Cadaawe siyaasadeed, Colaado degamsan iyo isu jabhadeynta maanta taagan oo khatarteeda leh.

7- Qarrada Siyaasadeed iyo jiritaanka qaanuunada qabyaaladeysan ee Xisbiga Kulmiye tiir-dhexaadka u ahaa ayaa  hoos u sii dhacday maadaama shacabka badankiisu  isku qanciyeen in hadii: “Cod doorasho laba qabaa’il oo waaweyni ku xulufoobaan ay ka dhigan tahay  in aanay dadka intiisa kale kursiga  si fudud u fuulin weligood” arintaa oo ay hoosta kaga lingaxan tahay qaan-sheegashada quusta laga taagan yahay ee ay ku leeyihiin “Waa markayagii ee kursiga gudoomiyaha nagu soo wareejiya”  Waa arnin khatarteeda leh hadaan wax laga bedelin waqtigeeda dhaw.

8-  Waxaa Kulmiyaha cusubi uu shaaca ka qaaday  in Malaayiin doolar  lagu lunsaday Mashaariicda Biyo gelinta Caasimada Hargeisa, waxay arintani keentay in ay inaga aamin baxaan deeq-bixiyeyaashii lacagtaa fidinta biyaha  inoogu yaboohay taasina waxay  macanaastay oo marin habaabisay maareyntii macnihii dawladnimo. Heshiiskii Somalilaan iyo Imaaraatigu wada galeen ee Dekeda iyo Saldhiga Berbera lagu wareejiyey isna kumuu iman go’aan wadareed cokan, muuna aheyn mid daahfuran waxaana ka soo baxay mad-madow farabadan oo aan la kala garaneyn muddada ay wax kala soconayaan ee la bilaabi doono wixii lagu heshiiyey.

9-  Qaloocii galay Qorshe howleedyadii horumarinta iyo higsiga qaranka ee ( 2012 –  2016 ) oo wada fashilmay  iyo mashaariicdii Dawladaha hoose ee GPLJ ( Joint programme) oo  wada hagaasay taa soo ku adkaanaysa  in kulmiyaha cusubi isna toos u saxo mudo kooban  Qorshaha cusub ee higsiga qaranka ( NP2) maadaama aanu qorasha cusubi isna ku saleysneyn hantida  faraheena ku jirta ee weli khawaajiyiinta aduun laga raajicinaayo..

10- Guntii iyo Gebagebadii qormadan :  Waxaa Kulmiyihii hore dalka kaga tegay habab qaloocan oo qarsoodi ah oo danta guud ee dalka lagu qaybsado, Cadaalad daro  iyo Cibaarooyin  badan oo dalka lagu dhacay oo weli inoo huursan, Taa saana shacabka u cadeysay in caaqidadihii Siyaasadeed ee  xukuumadii  hore ee kulmiye   ku dhisneyd oo keliya hab-dhaqanka Xulafeysan ( Clan politics / Jeegaan malaasan)  iyo gacan-wadaag si loo jumladeysto dhamaan joharadii ummaddu wada laheyd. Waxaana ilhii dhaqaalaha ee dalka oo dhan laga yeelay heshiisyo iyo  Rusqado dad gaar ah u xidhan oo aan cid kale la siin Karin (Exclusive ). Waxaa hadaba Madaxweyne Muse Biixi looga Fadhiyaa in uu dhamaan illihii dhaqaalaha ee hore loo qaybsaday  uu gacanta dawlada ku soo wada celiyo  si kefedii miisaanku  qaranka dib ugu soo noqoto.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq

Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)

Qalinkii : A/rahman Fidhinle

Intensive ED BD PA

United Kingdom

Advertisement

Ku Xayeysiiso