Xildhibaan Mahad Salad oo ka tirsan Baarlamaanka Dalkaasi Somalia ayaa u soo jeediyey Farmaajo inuu dhawro Shuruucdii uu ku dhaartay tusaalayaalna u soo qaadan Dalal kale nidaamkooda.
Qoraal Xildhibaabku soo saaray ayaa u dhignaa Sidatan:-
Madaxweyne Farmaajo waxaa laga rabaa in uu ilaaliyo shuruucdii uu ku dhaartay iyo dalkii uu u dhaartay ee tusaale nooguma soo qaadan karo nidaam federaal ee dalal kale kajira sida: Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Jarmalka iyo Koonfur Afrika!
Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku dhaartay: in uu xilkiisa u gudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto, dhawrayana Dastuurka qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, sida ku cad qodobka 96aad ee dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Dowlad goboledyadu ma ahan dowlado madax-banaan ee waa dowlad goboleedyo xubno ka ah dowlada federaalka waxaana waajib ku ah in ay u hoggaansamaan nidaamka dowladeed ee lagu heshiiyay, ilaaliyaana dastuurka qaranka iyo shuruucda kale dalka u yaalla. Sida ku cad dastuurka KMG qodobkiisa 54aad Xukuumadda Federaalka waxay u madax banaantahay oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneysaa:
1. Arrimaha Dibadda
2. Difaaca Qaranka
3. Jinsiyadda iyo Socdaalka
4. Siyaasadda Lacagta
Sidoo kale iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo dowlada federaalka waxaa waajib ku ah in ay fuliso una hoggaansanto qodobadaan dastuuriga ah ee ku cad qodobka 53aad ee dastuurka KMG:
1. Xukuumada Federaalka waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.
2. Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ah u saamaynayaan danaha khuseeya dowlad goboleedyada Xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda dowlad goboleedyada.
3. Xukuumadda Federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay ilaalisaa danaha dowlad goboleedyada.
Sidaas daraadeed, Madaxweynaha waxaa laga rabaa in uu ilaaliyo shuruucdii uu ku dhaartay iyo dalkii uu u dhaartay ee tusaale nooguma soo qaadan karo nidaam federaal ee dalal kale kajira sida: Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Jarmalka iyo Koonfur Afrika. Sababtoo ah nidaamka dowladeed ee Soomaaliya kajira waxa uu ku samaysmay xaalad gaar ah waxa uuna u baahanyahay in loo ilaaliyo si gaar ah. Lamana barbardhigi karo dowlado leh nidaam dimuquraadi ah oo qaarkood boqolaal sano dowlado soo ahaayeen, xag amni iyo xag dhaqaalena ugu horeeya dunida.
Hadii aan la ilaalin wixii aan ku heshiinay wax aanan heshiis ku ahayn horumar Soomaaliya uma keenayaan, kaliya dib udhac iyo inaan isdilno ayaan horseedaynaa ee dalka iyo dadka aan u turno mudane Madaxweyne.
Mahadsanidiin.
Hon. Mahad Salad