Kala fogaanshaha iyo xanaftii ka dhalatay doorashadii madaxtooyada waxa mas’uul ka ah ceebteedana leh xisbiga waddani gaar ahaan Guddoomiye cirro,dawada muftaaxeedana isagaa gacanta ku haya meel kale ayaan laga doonin
Qaybtii 2 labaad
sidii aynu ku sheegay maqaalkan qaybtii hore, dhowr maalmood ka dib markii ay codeyntu soo dhammaatay, sanaadiiq intii ay ku muusa-naabeenna loo tiriyey, ayagoo mar walba goob-joog iyo markhaati ka ahaa dhacdo kasta, waxa shir-jaraa’id oo wax yar uun u kale dambeeyey qabtay;
Mohamed Yaasiin oo ahaa ninkii laga helay book ka mid ahaa waraqihii codeynta,
Husein caydiid oo af-hayeen u ahaa xisbiga waddani, iyo Guddoomiye Cirro;
Halkaa waxay ka baahiyeen in doorashadii la boobay, madmadowba ay dhaaftay oo ku shubasho baahsen oo caddaan ahina meel walba ka dhacday, in ay dadkii xabaaluhuna codeeyneen, taasoo ay daliishanayeen buugaas kor ku xusan oo ay xadeen reer waddani si ay dhaliil ugu helaan guddigii u dhaarsanaa doorashooyinka.
Arrimaasi waxa caddaatay in ay ahaayeen been-abuur aan geedna loogu soo gabban, looguna talo galay in doorashada, dadka iyo dalkaba khal-khla lagu geliyo, waana dembbi qaran oo ilaa hadda taagen, xaqna ay tahay in lagu soo oogo.
Warkaa ay baahiyeen waxa uu sababay kacdoon isla daqiiqadi ka bilaamay Hargeysa, Burco ,iyo Ceergaabo kaasoo keenay dhibaatooyin naf iyo maalba leh, dad baa dhintay Allah ha u naxariistee, dhaawac badan baa yimid, hanti dadweynah ayaa burburtay.
Waxaa dhacay dhammaan waxa mus’uul ka ah saddexda nin ee iska daba-hadley ee reer waddani.
Ciidanka qaranku waxay u xil-saaranyihiin ammaanka dalka, dibad iyo gudaba. Haddii ay naftooda u baqaanna amar bay u haystaan in ay is-difaacaan.
Mr. Cirro, masabid, iyo si badheedh iyo qarda-jeexa ayuu ugu af-gobaadsadaa in ay dawladdu mas’uul ka tahay, taasina waa geed-marintii.
Bal aan dib u jalleecno oo is wayddiinno maxaa ka dhaxeeya waddani iyo guddida doorashoonka?
Sida la wada ogyahay garashada foyoobina garanays runtuna ay tahay waa tacaddi xad-dhaaf ah suuragalna ahayn, oo uu wado xisbiga xasaradda badan ee waddani, garina Allah yey taqaanne, waxa ay wadaan Reer waddanina waa wax laga xishoodo.
Waxa la yidhi islaamow run sheeg, islaamowna uga qaado; dad hadduu islaam yahay waxa keliya ee uu marka ugu dambbays uu ku qancaa diintiisa iyo kitaabka Ilaahay ummaddiisa u soo degiyey, iyo dhaarta loogu dhaartay amma uu midigta saaray kuna dhaartay, waa gar-darro qaawan iyo eedo raadis waxa lagu haystaa guddigan.
Haddii waqti badan ka hor la isku dhaarsan jaray Xala-fur, ama qoodh iyo xeraale, Is-ma lahayn
Weli waxa jira dad taa aaminsan oo dhaarta kitaabku la fudud yahay.
Su’aal kale haddii aynu isla eegno, haddii uu hoggaanka waddani xog caddaan ah oo la taaban karo looguna soo joogsan karo in uun hayo, maxuu u soo ban-dhigi waayey, in todobaad ka badan bay maxkamaddu sugaysay in xisbiyaddu soo gubiyaan haddii tabasho jirto dhinac kasta ha ahaatee,
Jawaabtu way fududdahay, waxaanay tahay, ma jirin mana jirto wax cabasha ah ama tabasho ah oo la hayey oo maxkamad lala hortagaa haba yaraatee ma jirin.
Waxa xalaal ah mar walba in la raaco distoorka iyo furuucdiisa, laakiin aanay noqon xeer jajab iyo goor walba muran la iskala hor jeedo.
Guddoomiye Cirro aad buu uga war hayaa distoorka dalka u yaalla, waana kii 12sano ka ahaa gud. Wakiillada, lana sheegi jiray in uu fara-fareeyey distoorka tiiyoon cidi la ogayn, sida ay golaha qaar sheegeen in ilaa 30 qodob aanay siddooday ahayn.
Hogganka xisbigaasi waxay heshiis ku yihiin in aan marna horreyso dambbayso aan afkooda laga maqal in doorshada laga helay, kuwii og in siddeedtan kun oo cod (80,000) laga badiyey, taasoo ay uga dan leeyihiin in ay xanafta iyo tuxaanta ay ayagu abuureen iska dadku sidaa u kale qoqobnaado.
Maandho ixsaan lagama tago eed haddaad faliye, ma raggaaasaa u socday dalka inay madax ka noqdaan.
Ayax degay hadduu meel ka kacao eelo kugu reebye wuxu aasay waagii beryeey ugax-dillaacaan:
Utunta iyo uur-xumada aad dadka ku dhex beeraysaan ma ogtihiin wax idnka iyo xisbigiina idiin noqon doona dhaxal aad dhigateen oo mustaqbalka idinku qaxi doona sidii waraaqihii cayda lagu soo qorayey eedku olalaysan wax bandanna idin yeelay haddaydaan ogayn.
La soco qaybta 3xaad
Waa Mohamed H. Abdullahi
Mohd Indhacawl