Tirsiga Soomaaliga Qaybtii 2aad
Tirsiga Soomaaliga
Gu’ga
gu’gu waa xili roobaadka uu da’o roobka ugu badan, waana waqti barwaaqo ah, waxa dhala xoolaha sidoo kale waxa la qotaa beeraha si loo beerto dalagyo kala duwan, wuxuu ka kooban yahay saddex bilood (abril, may iyo juun).
Xagaa
Xagaagu waa waqti aad ukulul marka lags eego goobalada qaar, sida xeebaha oo xiligaa laga xagaa baxo.
Halkase goobaha qaar aanay lahayn kuleyl laga cabankaro.
Xagaagu wuxuu ku beegan yahay bilaha (julaay ogosto iyo sebtenbar).
Dayr
dayrtu waa waqtiga uu da’o roobku hasayeeshee waxa ka badan roobabka da’a gu’ga.
Waxayna ku beegantahay bilaha ( oktoober noofeenber iyo diisanber).
Jiilaal
xilliga jiilaalku waa waqtiga ugu qabow dhulka soomaalida, waana qalayl mana da’o wax roob ah waxyna ku beegantahay bilaha (jeeni-wari, feebar-wari iyo maaris).
Bilaha soomaalidu tirsato inkastoo aad arki karto bilo ka duwan kuwan waxaan raadsaday bilaha ugu xooga badan ee soomaliada waxaana kamida kuwan hoosku xusan.
1. Serma-weydo (30 cisho)
2. Cawl (31 cisho)
3. Dirir-sagaaleed (30 cisho)
4. Dayr-holholeed (30 cisho)
5. Gudban (31 cisho)
6. Danbansane (30 cisho)
7. Xays (30 cisho)
8. Todob (31 cisho)
9. Diraac (30 cisho)
10. Samaalaho (31 cisho)
11. Bil-karameed (30 cisho)
12. Waran-waare ( 31 cisho)