Ciidamada Israeli ayaa Marinka Gaza ku dilay 7-Falastiiniyiin ah ka dib kolkii howlgal qarsoodi ah iyo duqeyn xagga cirka ah ay la beegsadeen saraakiil ka mid ah ururka Xamaas.
Sarkaal ka tirsan Xamaas Ghazi Hamad ayaa sheegay in Unug ka socda ciidamo Israeli oo wata Gaadhi kuwa shicibka ah ,isla markaana ay dusha kala socdaan diyaaradaha wax duqeeya ay gudaha u soo galeen koonfurta magaalada Khan Younis,halkaana ay ku dileen Nour Baraka,kaas oo ah taliyihii Guutada al-Qassam garabka hubeysan ee Ururka Xamaas iyo sarkaal kale.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in rasaas dhexmartay labada dhinac kadib diyaaradaha dagaalka Israeli ay 40-gantaal ku dhufteen halkaasi,ayna ku dileen 4-shacab ah
Askari Yuhuud ah ayaa sidoo kale lagu dilay rasaastii ay isweydaarsadeen ciidamada Israeli iyo kuwa Xamaas.
Afhayeenka ururka Xamaas oo lagu magacaabo Fawzi Barhoum,ayaa cambaareeeyay weeraradaasi wuxuuna ku tilmaamay kuwo fulaynimo ah.