Kenya: kooxo hubeysan oo geystay afduub & dhaawacyo kale

Kooxo hubeysan ayaa qafaashay qof talyaani ah oo ka mid ah shaqaalahae ka howlgala NGO-yada,isla markaana dhaawacay shan ruux ,ka dib kolkii ay rasaas ku fureen dadkaasi oo ku sugnaa gobolka xeebta ah ee Kilifi oo ka tirsan daka Kenya,sida ay ku warameen ciidamada Boliiska.

Kooxahaasi  oo ku hubeysnaa qoryaha AK-47,ayaa rasaas la beegsaday dadkaasi oo jogay xarunta ganacsiga Chakama ee Kilifi ,kaas oo 80-km galbeed ka xiga magaalada Malindi .

Kooxdaasi waxa ay qafaasheen haweeneey  Talyaani ah oo 23 –sano jir ah,kana mid aheyd shaqaale si mutadawacnimo ah uga shaqeynaayey ey NGO-ka howlgala halkaasi.

Dadka dhaawacmay oo da’doodu u dhaxeysaa 10 illaa 23­-sano jir,waxaa la tilmaamay in hal ruux ay culus tahay xaaladiisa caafimaad,ka dib markii loo qaaday cisbitaal.

Weli ma cadda kooxdaasi iyo halka ay u dhaqaqeen ,waxaana jira dadaallo lagu baadigoobayo dadkaasi oo ay wadaan ciidamada Boliiska.

Advertisement

Ku Xayeysiiso