Maamulka Mexico ayaa musaafurinaya illaa 5-boqol oo ruux oo muhaajiriin ah oo isku dayey in ay ku soo xoomaan xadka Mareykana,sida laga soo xigtay Wasiirka Arimaha Gudaha dalkaasi.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi ayaa sheegtay in dadka muhaajiriinta ay isku deyayaan in xadka ay uga tallaabaan si sharci darro ah oo rabsho wata ,taasi ayaana keentay go’aanka dowladda.
Kumanaan askari oo kamid ah Cidammada ilaalada xadka ee Mareykanka ayaa muhaajiriinta u adeegsaday sunta dadka ka ilmeeysiisa,si looga hortago qulqulka dadka iyo rabshadaha.
Madaxweyne Trump ayaa si weyn uga soo horjeeda qulqulka dadka soo galootiga ee dalkiisa galaya,waxaana la sheegaya in ay soo jareen musaafo dhan 4 kun oo Km