Waxaan Shaki Ka Taagnayn Dulmi Bulsho Oo Dhinac Walba Ahi Ka Jiro Somaliland Iyo Gebi Ahaanba Qaraarada Africa Iyo Dunida Carabta
Marka Laga Hadlaayo Fahanka Dawladnimada Iyo Arimaha Bulshada Wey Adagtahay In Muwaadinka Caadiga Ahi Wada Fahmi Karo Soomaalida Waxa U Raacay Siyaasigii Oo Dadka La Garaad Ah
Marka Sawirka Weyn Ee Somaliland Si Balaadhan Loo Fiiriyo Waxaa Kusoo Baxaaya Labo Dawladood Oo Is Barkan Midi Qalfoof Tahay Ta Labaadna Tahay Dawladda Dhabta Ah Ee Xukunta Dalka ´Xaqiiq Maaha Waa Aragtidayda`
Waxa Abuuray Dhibtan Hirdanka Nolosha Iyo Soomaalida Oo Deg Deg U Qaadatay Magaalaytii Iyo Ilbaxnimadii Dawladnimada Abuurtay
Cudurada Ka Dhashay Ilbaxnimadaa Ayaa Dawlad Labaad Oo Dalka Ka Shaqaysa
Qolo Waxay U Yaqaanaan JEEGAAN Oo Keliya
Qolo Kale Waxay U Haystaan GANACSATADA
Iyo Wadaadka Ikhwaanka Oo Iyagu Ka Nidaam Iyo Habaysan Dadka Caadiga Ah “Iyaguna Waa Dawlad Kale Qormo U Baahan”
Waxaan Hubaa Dawladan Labaad Oo Qaybaha Nolosha Oo Dhan Xididadeeda Raacay In Yihiin Cida Keliya Ee Wadankan Ka Dheefta Sir Iyo Caad
Waxay Leeyihiin Qaybaha Bulshada Oo Dhan Deegaamada Somaliland Dhan Balse Waa Lakala Badsadaa Waxaa U Badan Reer Hargeysa …
Hogaamiyaha Dhabta Ahi Ee La Isku Raacsan Yahay Diinteena Xaniifka Ah Iyo Inta Danaysa Arimaha Bani’aadmka Waa Siyaasiga Daneeya Ama Maareeya DULMIGA BULSHO Ee Lagu Hayo Inta Badan, Daneeya Baahiyahooda , Cadawga Koobaad Leeyihiin Ka Saara “JAHLIGA”
Faqriga Iyo Gaajada,Cunsuriyada , Akhlaaq Xumada, Cudurada Laabta Ku Hilan Xin Iyo Xasadka Iyo Calool Aan Fayoobayn , Cudurada Nafsiga Ah … Waxaaba Waxa Keena Dawlada Labaad Ee Keligeed Khayraadka Dalka Maamulata
WAA KAA HOGAAMIYAHA GOBTA AHI U NAXARIISTA MUWAADINKA DULMAN BAAHIYAHOODANA BUUXIYA “ALLAA IGA OG”
Maxamed Xoosh