Warsaxaafadeed ay soo saareen odayaasha musdambeedka jaallidaha reer Somaliland ee deggen carriga ingiriiska kuna muujinayaan golaha wakiilada xadhigga lagu xidhaayo xusulladooda ayey ku sitaan xeerka booliska xeerka kufsiga

Bismillaahi Arramanirraxeem.

Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh

Warsaxaafadeed ay soo saareen odayaasha musdambeedka jaallidaha reer Somaliland ee deggen carriga ingiriiska kuna muujinayaan golaha wakiilada xadhigga lagu xidhaayo xusulladooda ayey ku sitaan xeerka booliska xeerka kufsiga

Waagii beryaaba waayo leh damiirkii muslimku mee?

Xeerka kufsiga gabdhaha sharafta

Waxaa fajiciso iyo amakaag nagu noqotay golaha wakiillada wakhtigoodu gabaabsiga yahay taariikh xumada ay kala tegayaan dalka jamhuuriyadda Somaliland sida la wada ogyahay ummadda somalidu shacab muslimiin ah golaha wakiilladu xeerka ay ansixiyeen ee ah xeerka dalka u yaallay ay ka gudbeen iyaga oo meel mariyey xeerka hablahooda iyo dumarka sharfta leh ee reer Somaliland iyaga oo u banneeyey in ay habloodu sinaystaan mee dhaqaknii wanaagsanaa ee ceeb ka saliimka ahaa

Xeerka booliska

Qodobka labaad xeerka booliska ee horyaalla ee ah in ay boolisku dilaan muwaaddin aan hubaysnayn oo aan dalka cadaw ku ahayn waran kugu soo noqon doona lama rido idinka ayaa khilaafkiinnu badanyahay oo taas halis ugu jira

Talo soo jeedin

In ay faraha kala baxaan xeerka dalka u yaallay diinteenna ee wananaagsan ku salayasan.
In aan laga cadhaysiin allaha inna abuurtay si aanu raxamddiisa uga qaadin ummadda aad metelaysaan iyo idinkaba haddaa tihiin golaha wakiillada laysku helimaayo marka ilaahay ramadiisa la noqdo haddana roob doon la tukado aayad qura,an ah Allah innogu sheegay wixii xumaan idinku dhaca waa wax aad gacmihiina ku doonateen
In la degdeg loo qabto labada doorasho ee golaha deegaanka golaha wakiillada iyo golaha odayaasha fadhiidka ah ee golaha guurtida.
In ay dhallinta bulshada reer Somaliland odayaasha qabyaaldda ku qadhaabanaya ka digtoonaadaan kana feejignaadaan kala qaybinta aanay dani dhallinta ugu jirin idink ayuu dalku idin sugayaa la kaashada Allaha idin abuurtay idinka oo fikiraaya dabka idinku hareeraysan iyo mustqabbalka iyo horumarka dalkiinna
Madasha wada tashiga waygabeen kaalintoodi ma waxay inta xeedho iyo fadhaal kala dhacan waxaa laidiinka la diinka baahanayahay in ay beelaha reer Somaliland kulammo u qabtaan lagaga bogsanaayo kala fogaanshihii danaystuhu ku abuuray.
In madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Musa Bixi Cabdi cafis madaxwyne u fidiyo maxaabiista aan maxkamaddu wali aany xukun ku ridin ee jeelaasha lagu illaaway.
In la badiyo cabdsida Allah.
In ay beelaha Somaliland ka koobantay ay ogaadaan in aanay kala maarmin dalkana wada leeyihiin.
Ha ku adkaysan wax adiguba aanad yeesheen

Ogow qofka aad dulmido in ilaahay kaaga aar goyndoono oo maalintiisa xagga Allah ka heli doono

Ha samayn wax adigaba lagugu in sameeyo aanad yeesha

Ha ka dhiman xagga akhlaaqda wanaagsan daryeel dadka baahan

Deeq Cabdi Digale

Advertisement

Ku Xayeysiiso