Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha
Qaybtii : 4-aad
Maalinkaas annigoo ku hamiyaya in aan ku wareego markab uu lahaa Ingiriisku, ayaan kula kulmay nin la socon jiray markab uu Ingiriisku lahaa hudheel ka mid ah hudheeladii markabkaasi, kaasoo, iiga sheekeeyey nin ay saaxiib ahaayeen oo habeen habeenada ka mid ah u soo galay, isagoo sita quraarad aad u weyn, ka dibna, waxa uu ii sheegay, marka uu dhinto in la gubo oo dambaskiisa lagu shubo quraaradii uu sitay, isla markaana aan geeyo tuulada xaraf.
Anigoo la yaaban sheekadaas, ayuu yidhi,:- Ninkaasi waxa uu qabay gabadh hindiyad ah oo uu aad u jeclaa, balse, aan wax caruur ah u dhalin muddadii ay wada joogeen, taasoo, markii danbena u geeriyootay xanuunka Kansarka oo ku dhacay, wakhtigan xaadirka ah waxa u yaala qolka hurdada uu seexdo quraarad weyn oo uu ku jiro dambas, gurada sarena uu ka sudhan yahay sawirkii gabadhiisa.
Saacado ka dib, waxa nalagu war-galiyey in markabku madaafiic uu ku ganay Laashash soo hujuumay oo ay saarnaayeen qowlaysato budhcad badeed ah, kuwaasoo uu wax-yeelo gaadhsiiyey mowjadihii iyo madaafiicdii uu ku ganayey markabkaas, muddo yar ka dib, haddana waxa nalagu war-galiyey in markabka ay ku soo waajahan tahay duufaanta loogu magac daray Siyaasadii siyaasigii Hadimo-taliska ahaa ee Cyclone Ismail Buubaa, duufaantaas oo waxyeelo badan soo gaadhsiisay qaar ka mid ah dadkii ku laydhsanaayey banaanka barxada weyn ee uu lahaa markabkii aanu saarnayn ee S-Dnal-Re.
Xaaladdu way adag tahay, oo maaha mid isha lagu sii hayn karrayo, markaad aragto hirarka mowjaddaha badda ee kacsan iyo xawaaraha dabeylaha xidhiidhsan ee ku socda xawli aad u dheereynayey, annagoo taasi ka warwarsaneyn, ayey haddana, nagu war-galiyeen waaxda saadaasha cimiladdu, in maalmaha soo socda ay nabdoon tahay saadaasha cimiladda baddu.
Waxaanu daawanaa duni cusub oo aan lahayn midabbada dhulka oo kale, waxaanu daawanaa midabbada xidigaha cirka ee basaliga, liimiga iyo cadaanka ah, maalinkiina shimbiro u wada socda kooxo-kooxo oo wadhfinaayey baalashooda, kuna haadayey duulimaadyo hoose.
Billihii ugu horeeyey waxaanu yeelanay adkeysi badan iyo waayo-arragnimo dheeraada, rajadayaduna waxay ahayd mid sii kordheysay maalinba maalinta ka danbeysa, annagoo dareensan in aanu ku dhex jirno sanduuq madow oo aan lahayn wax dabacsanaan ah, una diyaarsaneyn sidii dad dhoofaya oo kale,
Markabku wuxuu lahaa qawaaniin cudoon iyo xeerar dhaqan oo lagu kala saari jiray marka ay degenaansho la’aani ku timaado wada-noolaanshaha dadka saaran markabka guudkiisa, taasoo, tusaale iyo masaal loogu soo qaato habkii ay ku xalliyeen dhibaatooyin in badan ka dhex alloosnaa dad xasarad badnaa oo la kala illaalin jiray, la iskana illaalin jiray dhibkoodu in uu gaadho bulshadii kale ee degeneyd qaybihii kale ee uu ka koobnaa dabaqyaddii markabkii S-Dnal-Re.
Kulan wada-xaajood ah oo lagaga arinsanaayey, sidii xal loogu helli lahaa dhibaatadan muddada dheer soo jiitamaysay, waxaana ka soo qayb-galeen dad badan oo iskugu jiray, aqoon yahano, xeel-dheerayaal, xidaariyiin, salaadiin iyo suldaano.
Gabagabadii shirkaas, waxa go’aan lagu gaadhay oo la isla qaatay in la fuliyo fikir uu soo jeediyey, Xidaari ku takhakhusay cilmiga barashada dabiibka cudurada nafsaaniga ah, oo ku taliyey, in hal habeen oo kaliya la’wada mariyo rinji basaliya dhamaan guryaha ay degen yihiin dadkaas.
Markii habeen kaliyaata lagu dhameystiray hawshaas ee uu waagu baryey soona tooseen aroornimadaas, waxa uu indhahoodu qabtay midab basali ah oo aad u qurux badanaa, oo la mariyey dhamaan guryaha ay degen yihiin, arrintaas oo ku dhalisay inay la ashqaraaraan, iyagoo isweydiinaya, sidii ay suuro-galka u noqotay in hal habeen oo kaliya, san qadh la’aan loo wada mariyo rinji boqolaal kun oo guri? laakiinse, fikirkaas waxa uu dabiib u noqday xal u hellida dhibaatadii muddada dheer soo jiitamayey.
Sidoo kalena, waxa in badan dhagahayaga soo gaadhayey hadallo xanaf leh, kuwaasoo ujeedooyinkoodu abuuraysay, tacluus, taws, cunfi iyo xumaan, waxaana muhiim ahayd inay illaaliyaan ficiladda ay qaadayeen dareenadda maskaxdoodu, isla markaana, waxa haboon in tamarta hadalladaas ay u isticmaalaan inay ku baabiiyaan awoodaha dadaaladda aan faa’iidadda inoo lahayn ee ay isku dayayeen. …………. La soco………