Xanuunka Niyad-Jabka “Depression” iyo Iyo khatarta uu Qofkastaa Ugu Jiro. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash

Depression “Niyad Jab”. Waa xanuun haleela maskaxda. Waxaa is bedela curiyayaasha kiimikaad ee maskaxda. Hay’adda Caafimaadka Addunka “WHO” waxay xaqiijisay in uu yahay xanuunka koowaad ee saameeya dadka adduunka. Xunuunkani “Depression” cid gaara ma haleelo sida carruurta,  dumarka, iyo ragga. Waayeelka, ardayda, ganacsatada,  maalqabeenada aqoonyahanka iyo  fuqarada iyana si’ ba’an ayuu u saameeyaa. Si’ siman waxa uu ugu dhici karaa qofkasta. Sidoo kale,  “WHO” waxay sheegtay in tobankii nin ba hal qof ka cabanaayo xanuunkan. Halka shantii dumarana ay kacabanayaan laba kamid ahi. Sidaa darteed, Hay’addani waxay xaqijisay in dumarku kaga badan yihiin ragga.

Xanuunkan Niyad-jabka “Depression” waxaa ka cawda dadka qaba wadna xanuunka sida dhiig-karka, macaanka, qalalka, istereska, Aydhiska, kanserka  iyo kelya xanuunka. Kuwaas oo gundhig u ah werwerka ka soo gaadha in aanay rajo ka qabin in ay ka bogsanayaan xanuunkan ay la noolyihiin.

Saynisyahannadu waxay isku raaceen baadhid badan ka dib ‘in uu sababo xanuunkan bilawgiisa’ hidda ahaan in uu ka dhaxlo waalidiintiisa, xanuuno uu qabo oo niyad jebinaaya, murugo uu ka qaaday qaar ka mid ah eheladiisa oo dhibaato soo gaadhay, fal-denbiyeed loo gaystay, stress iyo heerka dheecaannada jidhkiisa oo is beddelay. 
Astaamaha lagu garto waxaa ka mid in in uu is-bedelo; hab-fekerka qofka,  dhankiisa, iyo dareenkiisa.

1. Dareenka oo is beddela, sida murugo joogto ah, rajo la’aan, cadho joogto ah, saaxiibbada oo uu qofku ka dhex baxo, qoyskiisa oo uu ka fogaado (dareenka galmada oo ka baaba’a).

2. Habfekerka qofka oo isbedela sida, feker badan, is-moodsiis joogto ah, go’aan qaadasho badan, dhacdooyin xaasaasiya oo soo maray oo si’ kedis ah kolba maskaxdiisa ku soo noqnoqda, is-dil uu ku fekero, isku buuq sababa isla-hadal.

Sidoo kale, waxa uu qofku isku arkaa; daal badan, xanuun aan la qeexi karin halka uu ku salleeyahay, cuntada oo uu yareeyo, miisaankiisa oo is bedela isaga oo bata ama yaraada, hurdada oo ku yaraata ama ku badata, iyo galmada oo uu ka caajiso.

Gunta iyo gunaanadka, xunuunkan waxa lagu daawayn karaa qofka oo beddela habka uu u noolyahay. Jimicsi badan, dhexgalka bulshada. Hagaajinta hab cunteedka qofka. Hurdada oo uu wakhtigeeda iyo xilligeeda ilaaliyo. Farxad badan oo uu qofku is tuso. Salaadda oo uu ku ilaaliyo masaajidka. Adkaarta. Qur’aan akhris badan. Ducada iyo ugu danbayn in uu xilli kasta waysada ilaashado.

Advertisement

Ku Xayeysiiso