AKHRI: Wareegto Culus oo Wasiirka Waxbarashadu Dul Dhigay Dugsiyada Gaarka Ah

 

Wareegtadan Ayaa Haddii Ay Dhaqan-gal noqoto Dhiirigelin Doonto Waxbarashada Dugsiyada Dawliga Ah

Hargeysa, (Togaherer) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Md. Cismaan Jaamac Aadan ayaa soo saaray wareegto uu ku joojinayo bixinta ruqsadaha dugsiyada gaarka ah, isla markaana uu xakamaynayo furitaanka laamo cusub oo ay yeeshaan dugsiyada gaarka ah ee hore u haystay ruqsadda. Wareegtadan oo nuqul kamid ah uu wargeyska HUBAAL helay ayaa iyada oo   dhammaystiranina waxa ay u dhignayd sidan:

“Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa ay qaranka masuul uga tahay hirgalinta adeeg Waxbarasho oo tayo leh si waafaqsan siyaasadaha Waxbarashada Qaranka, Xeerka Waxbarashada Qaranka (Xeer Lr. 77/2018), Xeer-nidaamiyaha Waxbarashada Gaarka ah ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, iyada oo Wasaaraddu ka duulayso duruufaha waxbarasho ee dalka gaar ahaan tayada waxbarashada iyo hubinta halbeegyada goobaha waxbarashada ee dalka, waxa laga bilaabo taariikhda ay warqaddani soo baxday (2/12/2018) aan go’aamiyay, ilaa amar danbe, in la joojiyo in ruqsad cusub la siiyo dugsiyada gaarka ah(Private Schools). Waxa kale oo la joojiyay in dugsiyada gaarka ah ee Ruqsadda haystaa ay furtaan laamo cusub (New branches).

Waxa la farayaa dhammaan Guddoomiyayaasha Waxbarashadu in ay fuliyaan amarkan, cid kasta oo ku xadgudubtana ay Agaasimaha Guud u soo gudbiyaan, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado. Masuuliyiinta Laamaha kale ee Dawladda waxa aannu ka rejaynaynaa in ay nala hirgaliyaan go’aankan, si loo hubiyo tayada Waxbarashada ubadkeenna.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso