Soomaaliland waxa ay iibin kari laadahay guulaheeda dawladnimo oo ah qaar tijaabo fiican u noqon kara Afrika badankeeda. Nabada, furfurnaanta, qunyar socodnimada, dumuqraadiyada iyo in dadku isku tashado ayay tusaale fiican u tahay. Wax kasta oo ay samaysa waa mid iyada u gaar ah oo aan cidina filayn in dal yar oo dabada lahayo uu samayn karo. Soomaaliya waxa ay adduunka ka iibisa guul darooyinkeeda siddi loo maarayn laha oo ay si xirfadaysan uga dhaadhicisa, waxa ay abuuraan xidhiidho macquula iyaga oo ka fa´iidaysanaya haykalki dawladnimadii Soomaaliyeed ee ay ku shaqaystaan qolooyinka xamar ku gabada. Doorashooyinka dib u dhaca Soomaaliland waxa keena badana duruufo la fahmi karo waxaana lagu kaba awood yaraanta in ay doorasho la qabto si joogto ah iyo dhaliilo kale oo wax laga qaban kari laha. Reer galbeedku Soomaaliland waxa ay ka dhigteen jiir yar oo shaybaadhka jooga oo fikradaha cusub lagu tijaabiyo sida Dimuqraadiyada, furfurnaanta, qunyar socodnimada, cadaw jacaylka iyo waxyaalo kale oo badan laakiin in dalkani guulaysta kuma xidhna in la is ka dhiso adduunka oo aan aad ku arkaynba. Waxa loo baahan yahay in xeelada ciyaarta la badalo iyo ciyaartooygaba oo meelo cusub la sahamiyo. Tusaale ahaan dawlada Itoobiya oo aynu ka dhiganay saaxiibka koowaad aadna u caashaqnay waxa ka batay caashaqi koonfurta Soomaaliya oo marki hore inagu caayi jiray. Itoobiya waxa ay gorgortanka ku gashay xidhiidhki fiicna ee Soomaaliland dhistay si ay Soomaalida gacanta ugu dhugto, tani yaab badan male oo siyaasada asalkeeda ayaaba siddaas ah, Soomaalilandna waa in ay gododka badsata oo haddi meeli is yara xariifiso ay ka yara guurno si fahmo cusubi u abuurmo. Tani waxa ay u baahan tahay farshaxan cusub iyo dadaal dheeraada. Dawlada waxa seegan waxyaalo yar yar oo wax badan qaban laha sidda Ahmed Shide Wasiirka Maaliyada Itoobiya iyo gudoomiyaha Xisbiga Soomaalida Itoobiya oo reerkooda qaar Soomaaliland dego oo wasiir-ku-xigeen ku lahaan jiray in xilkoodi ama mid ka sareeya la siiyo si loo dhex maro, reerkaasi maanta furaha Itoobiya iyaga gacanta ku haya.
Siyaasada Soomaaliland ee caashaqa ku dhisan shaqayn mayso oo waxa tusaale inoogu filan caashaqi Itoobiya iyo Ingiriiska dhex maray mudada dheer oo wakhti badan ka lumiyay ee danaha dalka ha lagu gorgortamo oo cid kasta oo ay iskaashan karaan xidhiidh fiican halala sameeyo. Caqabadahu Soomaaliland waxba ma yeelaan ee halala jaanqaado isbadalada iyo dabaylaha ka socda geeska Afrika oo kaartooyin cusub ha la isticmaalo tijaabo ahaan, mar kastana dib u qiimayn ha lagu sameeyo oo kuwa shaqeeya ha la qaato kuwa kalena hala badalo ama hala iska guuro. Siyaasadaha adduunku jacayl ma aha ee waa wax is waydaarsi, mar mar arrimaha diimahu waa ay shaqayn karaan sida taageeradi ay South Sudan ka heshay adduunyada Kiristaanka ah si ay uga madaxbanaanaato Sudan laakiin Soomaaliland cidi diin ku taageeri mayso ee arrimo dhaqaale iyo xeebteeda siyaasad ahaan ha uga fa´iidaysato. Dhanka kale raadco ha loo galo saaxiib wayn oo wax jiidi kara sidda Ruushka, China, Iran iyo Israa`il oo biiga hala dhaafo.
Hassan Hussein Abdi (Haydar)
La-taliye iyo Cilmi baadhe