Cunaha, afka, labada dul, dhuunta-hawada, sambabada iyo labadiisa qaybood “Bronchi”–oo ay ka sii farcamaan “Bronchiolus” ugu danbaynna u sii qaybsama hawo-qaybiyayaasha “Alveoli” waa marinka ay marto hawada “neefta” makhluuqaadku ka soo nuugo deegaanka ku xeeran. Waxaana loo yaqaanna “Oxygen”. Neeftani waa nolol koriyaha koowaad ee aanu aadmigu ka maarmi karin ilbidhiqsiyo gudahood. Nololina ma suurawdo Oxygen la’aan. Waxaana marin u ah xubnaha aan kor ku soo xusay si’ neeftu “Oxygen” u gaadho tifaafyada ku xeeran sambabada gaar ahaan “Alveoli”.
Ugu horrayn waxa ay Neeftani “oxygen” raacdaa dhiigga iyada oo kama dambaysta sal dhigata unugga ugu yar ee jidhka aadamuhu ka yagleelanyahay. Gaar ahaan, xubin yarada loogu yeedhi ogyahay ‘mitochondria’. Bartaas oo ay neeftani kaga qayb qaadatado soo saarista tamarta jidhka aadamaha dhaqaaajinaysa min unug ilaa xubin si’ ay nolol maalmeedka aadamuhu ugu fududaado. Neeftani waxay la falgelaysaa cuntadii uu qofku gasiinka ka dhigtay. Gasiimada uu quuto iyo hawada sambabadu soo noogaan waxay udub dheexaad u yihiin nolosha aadamaha.
Haddaba, waxa jira noole looyaqaanno “Normal flora”. Kuwaas oo ay degsiimo layaab leh u tahay hawo mareenku. Noolahani waxay si’ baaxad leh ugu nool yihiin hawo-mareenka aadmiga sida hunguriga, afka iyo labada dul. Labada dul waa barta ugu kharta badan hawo-mareenka. Waxaana si’ caadiya u deggan noolayaasha streptococus, corynebacterium iyo staphylococuss. Dulinka ugu badanina waa staphylococuss aureus. Sida dhacdana waxa cisbitaalada ka dhacday xanuunada ay keento staphylococuss aureus in ay ka dillaacaan. Waxaana lagu arkaa carruurta ku dhalata cisbitaalada ‘newborn nersury’.
Noolayaasha ku nool cunaha waxaa kamid ah, viridans, streptococi, neisseria groups, iyo staphylococuss spidermidis. Noolahani waa wax mayeelo. Waxa uu si caadiya ugu noolyahay xuubka sare ee isku xidha dalqada iyo hawo-mareenka. Waxaanu si’ dabiiciya u joojiyaa noolayaasha dad cunka ah ee hawada soo raacay. Waxaanu teed adag u yahay aadamaha uu ku noolyahay. Afka marka la joogo waxaa si baan ugu nool streptococus mutans; oo ah qayb kamid ah viridans group. Waa noolaha ugu badan ee sababa suuska. Qaybta iliga aadamaha ka mid ah ee looyaqaanno “enemal” ayey ku samaysaa koorrin ‘colonization’ iyada oo aakhirka ku samaysa xanuunka looyaqaanno enemal plaque. Kadib markay iliga ku sii daysay kiimikooyinka looyaqaanno acid. Kiimikadaas oo iligii ka saaraysa dhammaan macdanihii adkaynaayey oo uu xorshosh noqdo aakhirkana burburo. Nooca bacteeriyada looyaqaanno streptococus sanguins; waxay ka sii faa’iidaysata qofka suusku burburiyey ilkihiisa iyada oo si’ qumaatiya u raacada xididad dhiiga aakhirkana gaadha wadnaha. Wadnaha waxay ugu danbayn ku keentaa “infective endocarditis”.
Noolaha “Eikenell corrodens normal flora”–oo ku nool afka aadamuhu. Waxa uu sababaa xanuun mar qof la dagaalamo qof kale ama uu qaniino.
Ugu danbayn, noolayaasha “Bacteriyada” bacteriods, prevotella, fusobacterium, clostridium, iyo peptostreptococcus waxay ku noolyihiin meelaha hoose ee cirridada kuwaas oo aanay deegaankooda gaadhin hawada uu qofku qaadanaayo, waxaana loogu yeedhaa noolaha aan oxygenta arag weligii. Noolahani waxa uu ku sababa sambabo xanuun qofka aan in badan afkiisa cadayin ama aan nadiifin.