Madaxweyne ilaa shacab waxay jecel yihiin in sharciga lagu dhaqmo haddana ficil koodu waa qabyaalad..Q.2aad

Madaxweyne ilaa shacab waxay jecel yihiin

           in sharciga  lagu dhaqmo haddana ficil koodu

           waa qabyaalad..Q.2aad

Saaxiibaday macalinkii iyo ganacsadii ayaa salaan kadib markiiba hadal dood u eg hadana muran ah ayay bilaabeen.Isku mar ayay hadlayeen haddana way is-maqlayaan,cabaar ayaan dhegaystay.Waxay isku hays teen saami qaybsiga gobolada ee wakiilada iyo doorashada.Macalinku waxuu ku doodayay oo uu ku lahaa ganacsadaha,waar saamiga halkaa inoo dhigoo waxa ka horreeya doorashooyin kan mar walba dib u dhacaaya ee caadada inoo noqday ma xakamaynaa oo ma ku dhaqanaa

dastuurka,ma fulinaa qodobka mudday naya doorashooyinka oo dhan.Ganacsada-huna waxuu ku lahaa waar saami qabysiga oo laysla qaato mooyee doorasho lama qaban karo,waar dalkan waa la wada lahaa oo beelo ayaynu ku heshiinay,maantana dalkii cid gaar ah ayaa siday doonaan u maamulata,waana beesha dhexe sidaana waanu ka daalay oo inbadan ayaanu is-lahayn mar uun bay caqli yaysan doonaani dulqaata annagoo eegayna dalka iyo midnimada shacabka.Macalinkii ayaa isna qaatay hadalkii oo ku lahaa waar horta dalka waa la wada leeyahay,cidna lama duudsiyo,waana loo simanyahay, heshiiskii beelaha iyo wada tashigiina waqti goodii waynu ka soo gudubnay,markaa maaha inaynu halkii uun kuududno oo aynu sida xanjada ku dhigno uun wada tashi iyo isu tanaasul ayaynu halkan ku soo gaadhnay,waana sababta aynu uga leexanay ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda dalka ee aynu ugu galgalanay dimuqraadiyadii aynu qaadanay,dastuur kana aynu qoranay,waana ta dib inoogu riixday inaynu beelo u kala baxno oo aynu aasno dastuurkii iyo shuruuc diiba.Xataa waxay innagu tallaashay xisbiyadii qaranku inay isu rogaan qabiil,kana hayaa maan ku dhaqanka xeer hoosaad yadooda,xeerarka kale ee khuseeya iyo dastuur kiiba.Waar nin yaw horumarka waxa lagu gaadhaa waa ku dhaqanka sharciga xukuumad iyo shacaba,waxaa aynu isu daba wareegaynaa ee  doorashooyinka mar walba u dhaafino muddada ku cad dastuurka,una raacno wadiiqo sharciga baal marsan oo aynu jidaysanay ahna heshiis xisbiyadu isla gaadhaan una gudbiyaan guurtida,iyana kordhin aan sharci ku salays nayn ayay u gudbiyaan maxkamada dastuuriga ah.La yaabka ugu waynina yahay maxkamadii ilaalin lahayd ku dhaqanka sharciga ee laali lahayd heshiiska xisbiyada ee baal marsan dastuurka ayaa ba ku raacda.Intii ay saaxibaday murma yeen dhawr jeer ayaan isku dayay inaan aragtidayda ku darsado,way ii joojin waayeen,markaa saan ka tegay,dhexda markaan marayo ayuu ganacsada hii ila soo hadlay oo igu yidhi: waar goor maad naga tagtay? Saw taan nabadeey idinku idhi ayaan ugu jawaabay.Markuu xidhay mobilkii ayaan anigu isla hadlay oo aan idhi: shaw nimanku kumay dareenba inaad ka tagtay.Garoo arrinka saaxibaday ay ku xiiqeen nuxur kiisu waxuu ahaa uun sharcigii iyo qabyaaladii oo legdamaya.

La Soco qaybaha danbe…..

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso