Daawo: Madaxweyne Biixi oo Maanta Kulan Qado ah ku maamuusay Xubnaha Golaha Wakiilada Kuna Sheegay Kulankan Mid Ay xidhiidhkooda ku kordhinayaan

Daawo: Madaxweyne Biixi oo Maanta Kulan Qado ah ku maamuusay Xubnaha Golaha Wakiilada Kuna Sheegay Kulankan Mid Ay xidhiidhkooda ku kordhinayaan

 

Madaxweynaha Somaliland Oo Hadhimo-Sharafeed U Sameeyey Xubnaha Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa-15-12-2018-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  maanta hadhimo-sharafeed u  sameeyey xubnaha aqalka golaha wakiiladda Somaliland.

Munaasibadda hadhimo-sharafeedda ah oo ka qabsoontay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayey ujeeddadeedu ahayd sidii loo dardargelin lahaa wada-shaqaynta iyo isku xidhnaanta goleyaasha wakiillada iyo xukuumadda,  waxana kasoo xaadiray ku dhawaad 80 (Siddeetan) mudane oo ka tirsan aqalka golaha wakiillada oo ay hormood u yihiin shirguddoonka golahaasi.

Madaxweynaha iyo xubnaha aqalka wakiillada, ayaa intii hadhimadu socotay wadaagay kaftan iyo wada sheekaysi furan oo dhinacyo badan leh, waxana intaas kaddib kelmad kooban oo mahadnaq ah halkaas ka jeediyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta hay’adaha fulinta iyo sharci-dejintu, carrabkana ku adkeeyey sida ay madaxweyne ahaan uga go’an tahay sii xoojinta wada-shaqayntaasi, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta qadadeennu waxa ay ahayd inaynnu kulanno oo is aragno, waayo waxa aynnu nahay laba hay’adood oo dalka xil weyn u wada haya oo isku sidkan oo aannu midna midka kale la’aantii dhaqaaqaynin, waxana aan doonayaa inaynu xidhiidhkaanna hagaajinno, inkasta oo uu aad iyo aad u wanaagsanaa intii aynnu wada-shaqayninaynay, haddana inaynnu sii wanaajinno, xaggayaga ixtiraam iyo wada-shaqayn wanaagsan iyo qaddarin wanaagsan baa taalla. Aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin sida mugga leh ee aad uga soo qayb-gasheen, waanna aannu idin soo dhaweynayaa, wada-shaqayn wanaagsanna waan rajaynayaa si aynnu qarankeenna ugu shaqaynno.”

Munaasibadda hadhimada uu madaxweynuhu ku maamuusay xubnaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kusoo dhammaatay jawi deggen iyo is faham, waxana ay labada dhinac muujiyeen inay sii laban laabaan wada-shaqayntooda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso