Siyaasiga ahna Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay Doorashadii maanta lagu doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ,sidoo kalena ku sheegay in ay tahay hordhaca doorashada lagu wado.in ay Somalia ka dhacdo 2020.
Hadalka Siyaasi Cabdi raxmaan ayaa u dhignaa Sidatan:-
Waxa maanta Baydhabo ka dhacday ma ahay doorasho, laakiin waxay sawir horudhac naga siinaysaa sida ay nala maagan yihiin kooxda talada haysa doorashada 2020 ka. Hadii la leeyahay si musharaxa aan wato u soo baxo waxaan dilayaa 30 ruux, waan xabisayaa cidii isku dayda in ay la tartanto, waxba igama gelin talada gudoomiyihii Baarlamaanka, xildhibinaadii labada Aqal ee deegaanka ka soo jeeday, odayaashii dhaqanka iyo beesha Caalamka. Waxaa hubaal ah in Baydhabo mar kale sanadka soo socda ay doorasho ka dhici doonto.
Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu saaxibkii
C/kariin Guuleed u dhisayey Galmudug wax kasta wuu la garab istaagay, laakiin wuxuu ogolaaday in si furan oo xoriyad leh loola tartamo. Waa tii ay wareegii hore isku ag dhaceen isaga musharaxii mucaaradka Xildhibaan Axmad Fiqi. Ma filaayo in Madaxweyne Farmaajo doorasho diyaar u yahay sanadka 2020 ee waa in inagoo wadajirna talo ka yeelanaa in aanan sugin tan maanta Baydhabo ka dhacday in ay nagu timaado 2020ka.