Marka hore salamu lahi calaykum.
Sheekadan oo aan qoray sanado ka hor. Waqtigaa waan mal dahay fasiraadeeda lkn shirkan jabuuti ee lagu sheegay dood u dhaxaysa Somaliland iyo Somaliya ayaa sababay fasiraadeeda.
Xayawaanka waxa loo qaybiyaa, duur joog (wild animals ) iyo dad la jog (domest ic animals ).Duur joogta waxa kamida dugaaga dad iyo xoolaba halis ku ah waxana ka mida .. Shabeelka, Libaxa, iyo kuwa kale, waxana ugu halis badan oo xataa lagu shee ga inuu boqor u yahay dugaaga kale bahalka la yidhaa Libaaxa.
dad la joogta oo loo yaqaan duunyo’ waxa kamida Geela, Lo’da iyo Adhiga, waxa intaa soo raa ca kuwa dadkeeni hore u adegsan jiren gadid ahan, sida Fardaha, iyo dameeraha.waliba waxa ugu mudnaa looguna jeclaa xoolaha la dhaqdo Geela,
hadaba si guud hadii loo eego noolaha naaslayda dhamaantii waxay ka simanyihiin marka ay dhashaan shayga u horeeya ee ay quutaan inuu yahay caanha Hoyadod.
oo ilaa inta ay ka gaadhayan ababka ( waqtiga ay cunto cuni karaan ) oo marka danbe waxa look ala baxaa Cows Ku nool iyo Cad ku nool.
tusale Dugaagu ma quuto Cawska, halka xooluna aanay quudan cadka (hilibka)
hadaba sidaas oo ay tahay marxaladdaa nololeed ee noolaha yari ku nool yahay ma oga waxa hoyadii ku nooshahay. Oo war iyo wacaal kama hayo in hoyadii caano cabto, caws cunto, ama cad cunto.markuu il iyo baal saaro wuu ku ordaa wuxuuna beegsadaa halka uu ka dhamayo caanaha hoyadi oo ah naasaha
malaha wan ku dheeraaday sharaxa ee aan usoo daadago maqaalkayga.
waa sida ay tahayba’e xoolaha lama raaciyo Nirgaha, oo ah Geela dhashoda, Waylaha oo ah lo’da iyo maqasha oo ah adhiga dhalankooda ah. waxay inta badan joogan meel u dhaw xerad oda ama ardaaga reerka leh dunyadaasi. Waxayna ku sugaan waqtiga ay soo noqon doonan hooyoyinkod. duurjoog iyo dadla jogna way ka simanyihin midaasi. oo noolaha dibadgal ahi wuu qadhab tagaa isago ubadkisana uga sii taga meel uu ku ogyahay..
hadaba maalin aya waxa dhacday in libaax yar ( caga baruur ) oo aan wali ababin kalidina ah usoo dhaqaaqay meel ay joogaan, Nirgo, Waylo, iyo maqal. geed ka ag dhawaa goobta ay joog een ayuu iska hoos fadhiistay. Wuu daawaday isaa oo is waydiinaya waa maxay noolahani ?
wayo ? hooyadii iyo walaaladii cid aan ahayn muu arag mana maqal. Isna Waxa arkay oo u yimid Ni rig kamida nirgihii meesha joogay oo arkayay Libaaxan yare e geedka hoo fadhiya kalidii, isna sidoo kalena layaabana ….. geedkii aya la wada fadhiistay in cabaar ah waa la sheekaystay
sheekadooda waxa ku jirtay caanaha ma cabtaa.? Iyo Haa….adna ma cabtaa … ? iyo sidoo kale haa… Kadib waa la kala socday oo Libaaxii yara wuxu dib ugu laabtay halkii uu ka yimid.
nirigiina sidoo kale goobtisii ayuu ku noqday. Laakiin wax balan ah lama kala qaadan. Ee is barasho iyo malaha ciyaar caruured arintoodu may dhaafin. malintiibaana isugu horeysay isuguna danbaysay……. Oo Maxaa U sobobay in la isu soo xiisi waayo oo laisu soo noqon waayo…….waa yaab… BAL ADBA . …………
waxa dhacday in Nirigii yaraa Hoyadii uga sheekeeyay saaxiib cusub oo ay maanta is barteen astaamihiisii iyo siduu u eeka … hadiiba Hoyadii nirigu aqoonsatay ( waa Hashii dhashay niriga’ e ) wuxuu u sheegayaa inuu yahay dhal Libaax oo malaha ah cadawgoda koowaad ee aakhiro u diri kara.ayay booday hurdadii iyo daalkii ayaa ka duulay… waxayna ku dardaartay oo ku tidhi…HOOYO:-
• Meeshaa uu kuugu yimid dib ha u tagina adi iyo asxaabta kaleba.
• saxiibkan aad soo baratay Abihii ayaa dilay Abahaa oo waliba cunay.
Waliba asxaabtaada waalidook iyo ehelkooda wuu laayay’ qaarkood wuuna cunay.
• Isaguna wuxuu doonaya inuu ku dilo adiga iyo asxaabtaadan kale oo uu idin cuno.
( iyado ula jeeda,asxaabta kale , Waylaha iyo maqasha. ) Nirigii yaraa oo yaaban ayaa Hooyadii ku yidhi ‘” …. Ee Hoyo, cunto ma cuno ee caano ayuu cabaa hadii aad markii noo iman lahayd waxaan siin lahaaba caanahayga badhkood.
… yaab iyo amakaag kadib Nirigii yaraa wuu aqbalay taladii hooyadii,asxaabtiisii kalena wuu u sheegay iyaguna warkii way is gaadhsiiyeen xataa Hooyoyinkod ayay ula taggeen oo sidii niri ga hoyadii oo kale looga raariday arintii. waliba waxa la tusay lafihii Ehelkooda oo meelo yaala y, looguna sheegay wakaa markhaatigii…..
KA SOCO DHINICII LIBAAXII YARAA IYO HOYADII..maxaa kala qabsaday iyagana….
Libaaxii yaraa ( cago baruur ) isna hooyadii ( Gool ) ayuu uga waramay saxibkiisa cusub iyo
asxaabtiisii kale oo noocyo badnayd aadna u qurux badnayd. goosha oo ah libaaxa yar Hoyadii, oo lagu xanto dabeecad xumo iyo cadho badan ayaa markuu warka u dhameeyay Ul u qaadatay libaxii yaraa. xoogaa markii ay yar ciqaabtay ayay ku canaanatay in fursada uu dayacay aanay dib usoo mari doonin.
Waliba waxay xasuusisay maalin uu ku yidhi Hooyo caanuhu maanta macaana.waxay ku tidhi caanaha waxa macaaneeyay maalintaa inuu ahaa Hilibkii nirigaa ehelkooda oo ay maalintaa mid kazoo cuntay…. Cajiib. Libaaxii yaraa ayaa yidhi : lakin Hoyo maxaad u cuntay. Gooshina aya ku jawaabtay : wiilkaygiiyow calafban ku lahaa’ oo fursadan aad daayacday oo kale ayaan ka fa’idaystay malintaa anigu………. Libaaxii yaraa wuxu hoyadii waydiiyay inay iyadu caano cabto, lkn waxay ugu jawaabtay in aanay caano cabin ee ay Dhiiga iyo Cadka saxiibkiis iyo Ehe lkiisu yahay noloshooda……Libaxii yaraa malinta wuxuu Ogaaday in saxiibkiis aanu dib u heli doonin maadaama ay kala yihiin Kaaf iyo kala Dheeri…………….
aan Fasiro sheekada,
Libaaxu waa Somaliya, halka Niriguna yahay Somaliland.
Labadan dal markii ay midoobayeen shardiga kaliya ee isu keenay wuxuu ahaa Somali nimo halka Libaaxa yar iyo Niriga yar saxibtinimadoodi ahayn Caanaha ma cabtaa.
markaa Somali ma tihiin iyo haa, ayaa labadii dawladood ee waqtigaa mideyay 1. Jully 1960. lkn la isma waydiinba maxaa inoo xigi dona ………
Niriga yar iyo Asxaabtisii waxa la tusay lafihii ehelkoodii ee Dugaagu cunay.
Ok da’yarta Somaliand waxay malin walba arkaan Xabaal wadareed laga soo faqayo maatidii uu gumaaday taliskii Siyad bare waana waxa kaliya ee laga dhaxlay Midowgii Somalia.
Niriga Hoyadii waxan ku matalayaa dadka usoo joogay dhibkii laga dhaxlay midowgii Somaliland iyo Somalia oo xog ogaal u ah, tacadiga, u dheeraa lafahan daadku soo saaray.
Goosha waxan uga jeeda Siyaasiga Somalia ee wali ku hamiyaya inuu mar labaad sameeyo ficilkii xukumadoodii hore u gaysatay shacabka Somaliland oo aad modo inay wali fursad kale radinayaan.
waad ku mahadsantahay waqtia aad siisay
akhriska sheekadan. ………………
wa bilaahi tawfiiq.
Mohamed Mohamud Ahmed ( M. Arts )
Gabiley Somaliland.
E-mail, maxamedarts1@gmail.com
Tel : + 252 63 4466498
Tel : + 252 65 9875050