Codsi:Rag caydh ka qaata yurub ayaa rogaaya dalkii. By Xaaji Ibrahim Xabbo

Ujeedo : Codsi.

Ku Wasaarrada Arimaha gudaha ee Somaliland.
Ku Sirdoonka Qarranka Somaliland.
Ku laamaha Amniga.ee Somaliland.

Bi fadlakum.waxaan.si xushmadleh idiinka codsanayaa arintan oo iga ah tallo.

Waxaa jira qaar sheegta Qurbo joog oo dayacay naftoodii, ti caruurtooda,tii kuwa la dhashay oo ku soo dhex dhacay sida Duqsiga Xisbiyada & Doorashooyinkii Dalka ayaga oo aan Caqli, Cudud & Cod toona ku biirinahayn.

Dadkaasi waa dad caydh ka qaata Qurbaha oo ku qaata weliba si tuugo & been ah oo noqonaysa xaarraan.maqdac ah.

Waa dad marka horeba siday ku joogaan Dalalka ay Daadduunka ku yimaadeen ay tahay been , khiyaamo iyo wax wada khaldan.oo aan sax ahayn.

Waxa yar ee beentaa iyo wax is weydaarkaas lagu siiyo ayey markay isku dhex karis & Baasto kaga dhergeen ee ay qado xun oo Gunimo ku soo gashay cuneen kibir, af xumo,.naxali & Xumaan oo dhan ku soo xawileen guryahoodii ay asal ahaan ka yimaadeen oo ah Somaliland.

Waxa ay taribayada k xumeeyaan.oo wax moodaya boqollaal dhalinayaro ah oo moodaya wax nool.oo aan waxba hoos u ogayn.aqoon fiicaana aan.u lahayn.

Waxaan.u kalla qaadayaa laba kuwa Madaxa weynayaasha sheegtay ee dibad wareega aha ayagu waa dambiilayaal oo Xeerka ayaa qabanaaya.

Waxa aan waxba ahayn ee aan meelna waxba ka tari karin ee Asal Ma doorshaha ah haday Dalkii yimaadaan.Dawladu yaanay xidhin oo aanay wax ka dhigin.waxaan waxba ahayn..

Waa Magac raadis oo waxay ku faani doonaan.in Siyaasad loo xidhay Sidii Hadraawi,.Cabdi Qays iyo in badan.oo.kale oo ka hadli jirtay macno & xaqiiq jirtay.

Bi fadlakum ilmaadeeryaal Dawladeey Maatida gadhka leh markay Dalka timaado ma istaahillaan.in.la xidho ee ha inagu xidhina oo taariikh aanay istaahilin.ha u samaynina.

Please & please ignore garreeya oo waxba ha ka soo qaadina. haday yimaadaan.& haday joogaanba.

Waa mahadsanid tihiin.

Xaji Ibrahim.

Advertisement

Ku Xayeysiiso