Wariye Mooge: Maxaad siyaasadda u taqaan?

Wariye Mooge: Maxaad siyaasadda u taqaan?

Isaga: ,Moogow, maad i daysid, sideen uga jawaabi karayaa su’aasha aad i waydiisay; ma wxaad u jeedaa politics mise policy mise diplomacy; intuba af-somaliga waa siyaasad; haddana way kala duwan yihiin; haddii aad ujeeddo Politics, waxan u aqaan markaad muraad leedahay, matalan madaxnimo ayaad doonaysaa, ee aad u marto inaad ka hadasho wax dadka u dan ah; ama matalan mucaarid baad ku tahay nin madaxa, ama xisbi ama koox isku koobtay awooddii; waaa in aad u martaa mucaaridnimadaada in aad ka hadasho wax dan guud ah.

Wariye Mooge: oo markaa ma muraad shakhsi ah ayuu yeelan karaa qofka siyaasiga ahi?

Muraad kasta oo sharcigu ogolyahay (legitimate) waad doonan kartaa; madaxnimo in aad raadsato waa la ogolyahay; laakiin maxaa lagaa rabaa; in aad ka hadasho wax dan guud ah; tusaale anigu dhaqaaleyahan ahaan waxan ka aqaan xagga Political Economy ga (dhaqaalaha siyaasiga ah); adigoo xisbi siyaasiya ah ayaad doonaysaa in aad madaxnimo hesho, kana ridato nin ama xisbi kursiga immika ku fadhiya; waxaa lagaa rabaa in aad tidhaa shaqo la’aanta ayaan wax ka qabanayaa, adigoo soo bandhigaya shaqo la’aanta baahsan ee jirta ama sicir bararka; ka soo qaad dadkii baa sidaa kugu doortay; hadhawna shaqo la’aantii ayaad wax ka qabatay; markaa adigu muraadkaagu wuxu ahaa in aad madax noqoto; dadkana muraadkoodu wuxu ahaa in ay shaqo helaan; dee labadiiba way fuleen; markaa haddaad madaxnimo doonayso ka hadal danta guud iyo waxa dadka ka dhexeeya.

Wariye Mooge: oo hadda maxay dadku u yidhaahdaan ninkii hebel hadalkii buu badiyay ee muu iska aamuso, waxa la moodi doonaa inuu madaxnimo doonayo?

isaga: madaxnimo in la doonaa ceeb ma aha, waa arrin la ogolyahay, ee waxaad waydiisaa dadkaas, ninkaa aad sheegaysaan ma ka hadlaa danta guud iyo cidda qalloocisa dantaa ummadda, ma dhaliilaa, nafta ma u keenaa; haddii ay haa tahay, oo had iyo jeer uu ka hadlo danta guud, shaki kuma jiro inuu madaxnimo helayo; kuwan immika haysta xukunka waa suuragal in aanay soo dhawayn, laakiin mustaqbalka, haddii uu sii wado hawshaas uu hayo, oo uu si daacad ah, oo joogto ah u wado, waa la hubaa inuu madax noqonayo, goor ay noqotaba.

Wariye Mooge: ka warran hadday kuwa meesha haystaa u yeedhaan; ma aqbalayaa mise wuu diidayaa?

Isagii: Waar Moogow, horta su’aalo badanidaa; ballan baa lahaa; saacaddii way gaadhay; waxan haystaa 15 daqiiqo; waa intii aan ku gaadhi lahaa ballanta, ee halkaa ha inoo joogto maanta;

Cabdo; maamul wanaagga iyo dawladnimada

Advertisement

Ku Xayeysiiso