Tirada dhimashada Suxufiyiinta caalamka oo korodhay

Xidhiidhka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta (IFJ) ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in Saxaafiyiin   iyo shaqaale Warbaahineed oo gaadhaya 94 la dilay sanadkaan sii dhamaanaya ee 2018-ka.

Warbixintaan oo sanadkiiba mar laga sii daayo xarunta xidhiidhkaasi ee magaalada Brussels dalka Biljam,ayaa lagu xusay in Saxaafiyiin iyo shaqaale Warbaahineed ay u dhinteen dil la bartilmaameedsaday,qaraxyo,xabado la isweydaarsaday iyo shilal dhacay sanadkaan.

Lix ka mid ah dadkaasi dhibanayaasha ah ee la dilay ayaa warbixinta lagu sheegay in ay ahaayeen Haween,halka 3-shaqale lala xidhiidhayay shil.

Tirada dhimashada sanadkaan waxa ay ka sareysaa tii sanadkii 2017-dii ee la diiwaangaliyay ,taas oo gaaadheysay  82,waxaana dhimashada hadda la tilmaamay in ay tahay 84 suxufi iyo 10 shaqaale warbaahineed.

Madaxa Xidhiidhka  Caalamiga ah ee Suxufiyiinta Philippe Leruth ayaa ka codsaday Qaramada Midoobay in la ansixiyo ama la dhaqangaliyo cahdi ilaaliya amniga iyo badqabka Saxaafiyiinta.

Tirada dhimashada ee shaqalaha warbaahinta sanadkaan

Afghanistan: 16

Mexico: 11

Yemen: 9

Syria: 8

India: 7

Pakistan: 5

Somalia: 5

United States: 5

Philippines: 3

Ecuador: 3

Brazil: 3

Colombia: 2

Palestine: 2

Guatemala : 2

Advertisement

Ku Xayeysiiso