Xarunta Xuquuqal Insaanka oo soo saartay warbixinta xaaladda xuquuqal insaanka Somaliland

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay sanad walba soo saartaa warbixin ay ku faah-faahinayso xaaladda xuquuqal insaan ee sanadkaas ka dhacday Somaliland. Warbixintu waxaay ku dhisan tahay baadhitaan iyo diiwaangelin Xaruntu samayso sanadka oo dhan. Ujeedadu waa in dawladda iyo shacabka Somaliland la siiyo talooyin.

Waxyaabaha horumarka ah ee sanadkan dhacay waxa ka mid ah in xayiradii laga qaaday wargayska caanka ah ee Haatuf oo xayirnaa tan iyo 2014. Waxa sidoo kale xorriyadiisii loo soo celiyay suxufi Maxamed Adan Dirir oo mudo dheer xidhnaa.

Dhibaatinka ay diiwaangelisay Xarunta Xuquuqal Insaanku sanadkan ee ay warbixintu koobsanayso waxa ka mid ah

1.      Dhibaatada haysata dadka bara-kacayaasha ah oo sii kordhaysa. Dadka bara-kacayaasha ah oo ay guryohoodii ka kiciyeen abaaro iyo dagaalada qabileed ee ka jira Sool iyo Sanaag waxa dhib wayni ka haysata goobaha ay degeen oo aan lahayn adeegyada aasaasiga u ah nolosha sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada, cuntuda, hoyga iyo amniga. Xeryaha bara-kacayaashu degen yihiin waa kuwo fog-fog. Dhulka ay degen yihiin badankiisa waxa leh dad gaar ah oo xoog kaga rara marar badan. Hoyga ay ku jiraan waa mid aan qobow, kulayl iyo roob celinayn. Dayac badan ayay ku nool yihiin. Nidaamyada sharci iyo siyaasadaha jiraana maaha kuwo u qaabaysan hab ay ku caawiyi karaan dadkaas, gaar ahaan dhibta ka haysta dhulka.

2.      Sanadkan waxaay Xaruntu diiwaangelisay xadhigaa 35 qof oo loo xidhay aragtidooda oo ay dhiibteen. Dadkaas waxa ka mid ah 28 suxufi iyo 7 qof oo aan suxufiyiin ahayn. Tiro sii kordhaysa oo dad ah ayaa lagu qabsaday sanadkan aragti ay ku qoreen baraha bulshada gaar ahaan Facebook ga. Xanibado iyo amaro dhib ku ah warbaahinta ayaa ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.

Marka la is bar-bar dhigo sanadkii 2017 iyo sanadkan, tirada suxufiyiinta la xidhay sanadkan ayaa badan. Suxufiyiinta iyo dadka kale ee la xidho waxa loo adeegsadaa Xeerka Ciqaabta Guud oo ah mid gaboobay oo ay lahady dawladii Somalia.

Dadka aragtidooda darteed dacwad ciqaab ah loogu oogay ee warbixintu faah-faahinayso waxa ka mid ah Naciima Abwaan Qorane, Maxamed Kayse iyo Boqor Cismaan Buur madow.

3.      Dawladda Somaliland ayaa wax ka bedel ku samaysay Xeerka Booliiska oo ahaa xeer ilaalinaya xuquuqda dadka shacabka ah. Xaruntu waxaay ogaatay in dadka la xidho badankooda aan loo marin hanaan sharci ah iyo inaanay helin xuquuqahooda aasaasiga ah sida inay la kulmana qareen, in la siiyo fursad iyo waqti ay isku difaaci karaan iyo in loola dhaqmo si karaamo leh. Mudo dheer ayay qaadataa in qofku dacwad lagu soo oogo iyo intay ay socoto oo sii dheeraataa. Dadka aan qareenad awodoodin dhib dheeri ah ayaa ku timaada. Waxaay Xaruntu aragtay dad ku cawday in Booliisku waxyeeli jidheed iyo hab dhaqan qaldan u gaystay. Dadkaas waxa ka mid ah caruur. Maqnaashaha aan la dhaqangelin Xeerkii Booliiska oo hada wax ka bedel lagu wado ayaa keentay inanay dadkaasi helin meel ay u cawdaan. Dadka la xidho badankooda lama geeyo maxkamad sida ay cadaysay warbixinta Booliiska ee sanadkan oo sheegtay in 28% keliya la geeyo maxkamad.

 

4.      Xeer loogu talo galay la dagaalanka kufsiga oo ay ansixiyeen golayaasha xeer-dejinta, madaxwaynuhuna saxeexay ayaan la dhaqan-gelin. Taas oo caqabad wayn ku ah dadka kufsigu ku dhaco oo loogu talo galay in xeerku u noqdo gargaar. Xeerkii wax lagu bedelayna ilaa hada ma jirto.

Warbixintu waxay kula talinaysaa:

§  Inay ixtiraamto xorriyadda cabiraadda ee ku dhigan Dastuurka Somaliland ayna joojiso ciqaabta ay ku qaado warbaahinta islamarkaana joojiso xadhiga. Dawladdu waa inay joojiso amarada iska daba imanaya ee faro-gelinta ku ah warbaahintu inay shaqadeeda gudato;

§  Inay dib ula noqoto wax-ka-bedelka Xeerka Booliiska ay ku samaysay, iyo inay dib-u habayn ku samayso Booliiska si loo abuuro nidaam booliiska ka madax banaan oo looga caban karo;

§  Inay ku samayso dib u habayn balaadhan hay’adaha caddaaladda si loo raaco halbeegyada lagu sugayo in nidaamka dacwad qaadistu uu yahay mid caddaalad ah sida ku cad dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah. Dib u habaynta waa in lagu sameeyo Booliiska iyo garsoorka si loo ogolaado dadka eedaysanayaasha ahi inay helaan xuquuqdooda si dhamaystiran iyo in loola dhaqmo muwaadiniinta si karaamo iyo ixtiraam leh.

§  Inay siiso dadka baro-kacayaasha ah adeegyada daruuriga ah. Adeegyadaas oo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada, amniga, sharciga, ilaalinta iyo fayo dhawrka. Baro kacayaasha degan dhul dad gaar ahi leeyihiin waa in la dejiyo goobo dawladdu siisay iyada oo laga kaalmaynayo waraaqaha sharci. Waa in la siiyo hoy islamarkaana ay dawladdu samayso qiimayn sal balaadhan oo ay ku ogaanayso baahiyaha jira oo dhan. Waa in la fuliyo siyaasahada iyo shuruucda la xidhiidha barakacayaasha, lana cadeeyo mawqifka sharci ee dadka ka soo baro kacay Somalia.

§   Inay joojiso xadhiga loo gaysto dad lagu eedaynayo denbi ay cid kale gashay iyo dadka loo xidhayo dacwado madani ah. Guud ahaan waa in la joojiyo xadhigga sharci darada ah oo loo raaco xadhiga sida uu dhigayo dastuurka Somaliland.

§  In dawladda Somaliland ay fuliso Xeerka Kufsiga; iyo inay la timaado istiraajiyad fulineed si loo xaqiijiyo in xeerku dhaqan galo;

 

Guleid Ahmed Jama

Acting Executive Director of Human Rights Centre, Hargeisa Somaliland 

Phone: +252634468227 Email: hrcsomaliland@gmail.com HumanRightsCenterHargeisaSomaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso