Duug-reeb Q/aad Hal-beega Maansada Iyo Hal muceedka Cabdiraxmaan Maxamed Cali Ubaxle

Duug-reeb Q/aad

Hal-beega Maansada
Iyo Hal muceedka
Cabdiraxmaan Maxamed Cali Ubaxle

Abdirahman Mohamed Ali Ubaxle, creator and poet. He was born in Kal-cas, a historic site in Saarar in the 1990s, and his mother is “Anab Ismaan Beeli-eeday”
She was born, six boys and nine daughters. The basic education level has been completed. Sh. Yusuf al-Gunneyn, Burco. He took high school, Sh. Bashir in Burao. His high school teacher and literature was Mohammed Ibrahim Warsame (Hadraawi). Afterwards, he went to a university in Burao University. Earlier, he began his career in 2002, one year later, he wrote poetry
After this incident, Iraq’s war on the other side is the art of the Mankind,

He opposes oppression that calls for independence, unity, goodness and patience.

https://youtu.be/FV6EQmKr9-g , https://youtu.be/IIX5pHjFq8c, https://youtu.be/dFCURfco6xU, https://youtu.be/YeHPfN6J5NU , https://youtu.be/Wm7tXkpJp6c , https://youtu.be/1DJaPrE7_tM, https://youtu.be/yzKFveZKuWs , https://youtu.be/ePH8f-S2Mfk , https://youtu.be/smtSE1CBQtM , https://youtu.be/7K7nMWSbgL4 ,

Cabdiraxman Maxamed Cali Ubaxle, Waa Hal abuur iyo Maansoole . waxa uu ku dhashay meel “Kal-cas” loo yaqaan, oo ah kal-biyood taariikhiya oo ka tirsan {Deegaanka Saraar] Hillaadii1990kii, Hooyadii Waa “Canab Cismaan Beeli-eday ”
waxa la dhashay isga, lix wiil iyo siddeed gabdhood. waxbarashadii asaasiga ahayd wuxuu ku dhamaystay dugsiga hoose dhexe ee
Sh Yuusuf al kawnayn, Burco. Dugsigii sare wuxuu ku qaatay, Dugsiga Sh. Bashiir ee Burco. Suugaanta curinteeda wuxa uu bilaabay 2002dii isagoo haloosiyey maansadii ugu horaysey oo ka hadlaysey qiimaha ay leedahay Maah maahdu,Taas oo uu ugu wanqalay maqal,isla sannad ka dib,
Dagaalkii Ciraaq markii uu dhacay ayuu dhacdadaasi maansadiisii Tisqaaday ee taabuday ka unkantay,intaa wixii ka dambayay waxa isasoo hirdamay hibadii aan hore loogu arag, wuxuuna hal-abuuray hawraar aan laga soo horkalaaban karin, halkudhegyada iyo hirarkii suugaantiisu
si is daba jooga ayey isu soo hadhaysay,habdhaceeduna waa haybaha isugu jira badwaynta suugaanta oo dhan.Waxa sidan yidhi Ibraahi Cabdi xirsi oo ay saaxiib yihiin una dhuun daloola taariikhdiisa.haseyeeshee C/raxmaan Maxamed Cali “Ubaxle” waa eray sameeye Af-maal ah oo
laysku habaaro hootadiisa sugaaneed wakhtigiisa.C/raxmaan Maxamed Cali Ubaxle, dhinac kale waa dankahadal ku xididaystay dhaqanka iyo suugaanta,hiddaha iyo sawraca,
waa hal-abuur ku gaamuray subcinta sugaanta,ubaxle waxa uu hal-abuurnimadiisa diirada
ku saara xaqa iyo danta guud,wadaniyadda iyo midnimada.walaaltinimada &wadanoolaanshaha, wanaag farista iyo xuma reebista ,u hiilinta dulmanaha.sinaanta iyo dhexdhexaadnimada. dhinac kale ubaxle waa hal-abuur aan ka gaban sheegista wixii danta guud lid ku ah, waa nin laqan oo fir fircoon.Ubaxle waa hal-abuur is-dhuldhigis badan oo aan hal-abuurnimadiisa goobkasta magac iyo maamus aan kaga raadin,waa ehlu-diin isla markaana dabeecad furan oo bashaash ah, Qore-Bashiir Raacdeeye

“Dhawrsan”
Maansadu waxa ay hoga-tusaale siinaysaa dhallinyarada maanta, gaar ahaanna hablaha. Asadoodanka fiican, habdhaqanka wanaagsan, dhawrsanaan iyo anshax sarreeya ayay ku hagaysaa hablaha. Waxa ay dareensiinaysaa waajibaadka saaran qof ahaan, qoys ahaan, qaran ahaan iyo qowmiyad ahaanba. Si mug leh oo aan la dhudhumin karin ayay u tusaysaa kaalinta ay bulshada kaga jiraan. Kaliya ma tusayso kaalintooda, balse waxa ay uga digaysaa raacidda laaca aan meelnaba gaadhsiisnayn iyo dhaldhalaalka nafta hogag qarsoon iyo haadaamo fog ka tuuraya.
waxay ku dhiirrinaysaa bulshada guud ahaan, gaar ahaanna hablaha, barashada cilmiga iyo aqoonta; mid maaddi iyo mid diiniba. Waxa ay bog dooxaysaa nolosha quruxda badan iyo sida gobonnimada ku jirto ee loo baahanyahay inay u fikiraan; oo ah hab kasta oo saamayn ku yeelan kara nolosha, sida: go’aanka, kalsoonida jacaylka, dad la dhaqanka, raaligalinta, dulqaadka, samirka iyo baarrinimada waalidka. Ka sakow halqabsiga Dhawrsan iyo hogatusaalaynta hablaha, si guud oo hoos iyo sarba leh waxa ay maansadu faraysaa bulshada dardar galinta iyo barbaarinta ubadka, ku boorrinta aqoonta, wanaagga iyo ku biirinta wixii dhiiri galin iyo waayo aragnimo ah.
Dhawrsan waxay tidhi:
Sida dhibicda roob dal dhammeeyay
Dhulkoo daadku uu mulacyeeyay
Dhoolguyeey dhirtoo midabaysay
Dhamas iyo sidii dhebi muuqday
Dhexyareey dhamays qurux sheegtay
Dhal gobeey dhabeel la ilaashay
Waxad tahay dhalaal midab goobay
Waxad tahay mid iin laga dhawray
Waxad tahay qof Eebbe dhammeeyey
Waxad tahay faceeda mid dhaaftay!
Dhibyareey habeen dhaladeeya
Dhidbaneey dhagdheer iyo sheeko
Ilmahaan yaraanta ku dheelin
Ama hooyo dheegga ku qaadin
Ama aanay heesta ku dhiirrin
Ama aanay naaska dhansiinin
Dhagdhacnaantu way han dishaaye
Anigaan dhammooy ku ammaanin
Anigaan intaada ku dhaafin
Dhab u sheeg xaqiiq la abbaaro
Runta iyo wanaag la dhagaysto
Murti iyo dhanbaal la xasuusto
Talo dhaxal gal aan la hilmaamin
Dhalsaneey haddaan ku idhaahdo:
Adigaan dhulkaaga ka roorin
Adigaan shisheeye u dhoofin
Adigaan dhis-dheer ku riyoonin
Ilbaxnimo middii dhalanteed ah
Quruxdiyo hawada dhaldhalaalka
Dhadhab iyo hungay noqotaaye
Dhallintiyo barbaarta ku taama
Dhudiyeey adaan u dhegtaagin
Wacdigiyo Quraanka dhagayso
Cilmigiyo aqoonta dhammayso
Dhankastaba kalsooni dhitayso
Ixtiraam dhammaan bulshadaada
Ubadkiyo dhallaanka ha hiifin
Dhaxdintiyo xigaalka ha goynin
Dhibirsami dadkoo dhan u muuji
Marka ay dhanaanniga gaadho
Marka ay dhawaawilan qaaddo
Marka ay dhibaato dareento
Dhagar bay haween ku xantaane
Dhirradhabto haynagu laynin
Dhuxda iyo war beena ha dhuuxin
Dhusdhus iyo wareeg ha ku raagin
Dhababacada haynagu jiidhin
Qosalkaagu yuu dhul fog gaadhin
Hadal dheerna yay kugu sheegin
Mar haddaan aroos la dhidbaynin
Mar haddaan lamaane dhismaynin
Mar haddaan xishood laga dheehan
Mar hadduu Waraabe ku dhuunto
Mar hadduu Dhurwaa ku shaqaysto
Mar hadduu dhan-xiir ku qudhaabto
Cishqigiyo jacaylku dhab maaha
Inta aan Libaax ku dhammaysan
Inta aan lagaa dhinac yaacin
Inta aanad dhiillo xanbaaran
Qalbigiyo naftaada ha dhiibin
Hana dhibin qof kuu dhimanaaya
Hana dhihin waxaan la jeclaysan
Hana noqon dhabcaal laga yaabay
Hana dhigin waxaad duni hayso
Ha-ka-biqin inaad calaf dhaafto
Haka dhurin qof dhuuni istaadho
Hana noqon dhul-jiif la hal-haysto
Dhukaniyo qof dhoohane mooga
Ha is dhigan dhaliisha ha diidin
Noloshana dhammays haka doonin
Ummaddaada hayska dhex saarin
Asturnaantu waa dhaqankeene
Dhawrsaneey xijaabka ku dhaado
Dhiriq iyo xumaan kaga dhawrso
Dhag xumaana hawba dhawaanin
Afartaa dheh dhiirrida maanso
Dhaxal iyo war aan la hanbaynin!
Maradiyo hugaagana dhiibi
Baradaadu yay is dhex oolin
Cadar iyo udgoon isku dhiiji
Dhaashiga wajiga haka daynin
Dhildhilnaanna yaan laga waayin
Dhiiqiyo sun haysku dhamooqin
Xinnihiyo cillaanka dhulkeena
Dhaymihiyo huruudda ha dhaafin
Indho kuusha dheehale hayso
Ilkahana dhuddooda ha doorin
Silis qoorta dheer ku hannaani
Fargalkiyo dhagaha ha hilmaamin
Afrataa dheh dhiirrida maanso
Dhaxal iyo war aan la hanbaynin!
Dhuldhiciyo gunaanadka heesta
Dhawaqiyo abbaarta sirteeda
Haddii aan dhammooy ku idhaado
Inkastoo dadkeenuba dhaado
Ama dhaaxba uu ku ducaysto
Wax la dhoqo dad baa ugu fiican
Ubax iyo dhallaan la barbaarsho
Dhedig iyo labkoo la hanuunsho
Dhaqan iyo xishood laga dheehdo
Dhiirashiyo aqoon lagu kaabo
Maanku waa miduu ku dhargaayo
Qarrankuna ku dheellitirmaayo

Jannadii Ifka!
Cabdiraxmaan M. Cali Ubaxle

Maansada Jannadii Ifka,waxay soo baxday horaanta sanadka 2018. Badda ay raacaysaa waa Heello gaar ahaana dhaanto, waa maanso qofkasta oo jacayl iyo waayihiisa la il daran hiil u ah, oo ka amaamudantay dhacdo runa ah , isla mar ahaanta dhalanteeka ka fog.waxay kaloo ku dhex qaadsiinaysaa, xasuus dheer oo dalxiis iyo dalsan qurxoon ku dhex gaynaysa, oo nafta iyo niyaduba ku degayso ,oo aad ku ildoogsanayso. Waxay wax ka iftiiminaysaa dhidibida iyo sii dhisnaanshaha dhabta ah, iyo waxyabaha burburka iyo bay hoofka horseeda.gunaadkana waxay tibaaxaysaa in haddii nolosha laysku fahmi waayo oo danta laysku afgaranwaayo dhamaadku yahay in aan lays qabqabsanuune lakala faataxaysto .

Indha johoradeey
Dhex-yarjalaqsaneey
Jinni quruxsaneey
Joogdheer haween
Jawhar toodiyeey
Sida kayn jiqiyo
Jeegaanta roob
Waad i jiidatee
Jannadii ifkaay!
Kolna ay jufoo
Jir ku hoorayoo
Jirda gooyihiyo
Cir ku jiifsadaay

Godan iyo jidhaan
Xareed jiifta iyo
Ubax jaad walboon
Laga jeesanoo
Ishii jeellanayd
Jiho kale nacdaay

Shimbiraha jalbeeb
Codka jiibta wacan
Isla jaan rogiyo
Raha jalawle iyo
Dhirtan jiiq lahee
Jamcinaysa hees
Baad la jaad tahoo
Maskax jaanisliyo
jidhkan daalaybaa
Judhii kugu nastee
Dhul jasiiradiyo
Jawi xiisaloo
Naftu joog tidhaay

Kol jarkii Tabciyo
Jidka Shiikh maraay;
Mar Jamaame iyo
Jubbadii dhexaay
MarJabbuuti iyo
Jigjigiyo Burciyo
Jeexii Booramaay
Marna jiidhahoo
La jarmaadiyoo
Joof guduudka iyo
Jeeraarradii
La jaleecayaay

Naf jacaylhayoo
Juuq-goys ah baa
Kula jaartayoo
Kuu jiidh go’dee
Tay u jeeshayee
U jirraysantee
La jibaadaysee
Jirinaysay iyo
Jeexeediyeey;
U jawaab kol oo
Ku jantay dhahoo
Jahadeeda eeg!

Qofka jaahilaa
Jarka laga ridaa
Jabyo ciil badoo
Jisihii dhaxlee
Sida jiilka kacay
Jinaweey ha noqon
Tu jikaar U nool
Jeeskii cuddoon
Raxmadduu ku jiro
Farxaddiyo jawiga
Jeesjees ka dhawr

Nin jibbaysanoo
Jaahwareersan iyo
Jin-maryoolihiyo
Juuq dhagaystahaa
Jid xun kula rabee
Ha u joojinoo
Ha u juuqinoo
Afku yuu ku jabin

Inaan jaalno oo
Jidsan qaadno oo
Danta wada jirnoo
Jabad roon degnaan
U jidiin go’ee;
Qabso jaaniskaa
Ku dul joogsadoo
Dumar waa Janniyo
Jaxar wada dhashee
Mid jaguug ah iyo
Haygu noqon jafaaf!

Jirjiroolihiyo
Qofka kula jiraa
Kala jaad ahoo
Kolka lagu jabaad
Garan jeer danbee

Ma ogtahay Jamaad
Marka calaf jirana
Cidi ma joojisoo
Dhulka kama jaree
Isma lihi jujuub
Kol haddaanu jirin
Xubbi iyo jacayl
Isma jiidanee
Halkii kuusan joog
Kaatagaye tagaye jaw

FOOLAAD
Cabdiraxmaan M. Cali Ubaxle
Maansadani waxa ay soobaxdaybishankoowaadee2019. Badda ama xubinta ay raacaysaa waa(laagolaago).Waxa ay ka xog iyo tibaax-bixinaysaa dhawrsanida,xarrago-qaadashada iyo dhaqankaxariirta ah ee bulshadeena. Waxa aysigaarah u sifaynaysaa hufnaanta iyo hawlkarnimada hablaheenna iyo waliba garaadka iyo gobannimada Eebbe ku galladay. Waxa ay kudheeraanaysaa fahmada iyo fiiro-dheerida lagu mannaystay,iyo guudahaanba dabeecadda iyo dunwanaaga lagumajeerto.Maansadu, waxa kale oo ay iftiiminaysaa waayaha nolosha, sida;hanka,hibada,hoggaamintaiyohalabuurka.

Sidafooregalabeed
Fad la naawilaayiyo
Mahiigaankufoorara
Halfadhidahillaaddeed
Fadadkiyohillaacana
Dadkufiirsanaayoo
Dhirtufoodhinaysoo
Galawgaiyofiintuna
Fajeceengariirkii
Amafiidgudgudohoo
Intamaraqalagafuray
Rahufarax la yeedhoo
fadhfadhidoxareedduna
Fatxiiyoayaaneey
Farajbaadkudhalatoo
Waxadtahayfariidyahay
Foolaadkiidunidoo
Cidikaamafiicnoo
Kumafaaninaayee
Waxa maraggakuufuray
Eebbahafarshaxanaa
Kaadhawrayfoolxumo
Waadfiirodheertahay
Ma ogolidfaduushee
Dibjirkiyofallaagadu
Yay fulkaansikaahelin
SidaFaraskadliyoorod
Weligaakufoognoow

Falkasuubbanruuxjecel
Fahmadanakucaanbaxay
Dhaqankanakufaraadag
Filsanwaagayaankeed
Iyadaanrag foorjayn
Waxa guurkafilankara
Nin u feejignaankara
Nin farahamidaynkara
Nin go’aankafulinkara
Nin aqoonfadwoonkara
Nin farriin cad dirikara
Nin fogaankahalacsada
Nin humaaggafilikara
Nin filkeedasugikara
Nin firsoocagarankara
Naqnareerkufurikara
Fahmabaadisoocaha
Faylasuufkuwaakaa

Hadaadtahayninfiiroleh
Gartafeeninkarayoo
Firfircoonimiidhana
Malkadiyofagaaraha
Gudbinkarafarriimaha
Fanjalsiganecbaystoo
Nin fadhiidakicinkara
SidiiFaaraxgobannimo
Allaylehefa’ iyo wow
Facagaadtawaadtahay

Mar haddaadfarxaantahay
Wajigiisufuranyahay
Farahiisulaabnayn
Cidikaamafaxalsana
Fanniyadaculuumtiyo
Nin fasirakitaabkoo
Fidinaayadiintoow
Waxadtahayfaseexoo
Cidikaamafiqisana

Food-dheerayaashiyo
Fiishluhu ma eegaan
Nin fadeexaddoonoo
Faadhfaadhaceebtow
Fasaqdayenasiibkaa

Waxa fooladaynkara
Amaguurkafilankara
Ninaanfaashkukarinoo
Fikirkiisudoorsamin
Ismagabofariidkuye
Waxbayaananfaaqidin

Faraweeyhalfadalcadi
Nabadduu u faydnaa
Finfinaaquyaablehe
Nin kudheelayfoorari
Faaiidogaranwaa
Ha u bixinFaryaadeey
Fartuwaxaykugodantahay
Nin fadhiyahalkiishalay
Foolxumokaraacdee
Faraxaloninyidhiyoow
Dhankalaafaruurmee
Ha fakarinadduunkani
Fidnosocotaweeyoo
Fasahaadkamuuqdee
Maxaataajir faro-madhan
Nin faqiirahaashalay
Muxuumaantafooroo
Berrimaalfaraqayaa

Far haddaanadqorikarin
Farsamadadhankeedaba
Qofkufiicanbaadtahay
Mar haddaadfashilantana
Faaligmaahakugudhacay
farajEebbekuumaqan
Hal-abuurfarshaxanoo
Run kufarayaraystoo
U fakaradadkiisoo
Falkinsarekucaaniyo
XasanowFurgaxashada
Fool-erigamuuqdiyo
Ilagaratayfiixlaha
HaddaFoodhi-baasloow
Fiddaysheekadaasina
Murtidiifasiraysiyo
Garoowaafalaadhii
Fiiqa ay kuganantahay
Cidwalibafilaysee
Ma faleebosocotaa
Ma faliyomadiiddaa
Farmasigajacaylkiyo
Fayadhawrkaweydii
Faralkunaxalleefoow
Faanooleweeyoo
Igufoodhiruuxaan
Aawadii u faydnaa
Waxaanlibinkufayllamay
Intaanguulkufarajabay
Markiiaanfigta u baxay
Farxaddaadkamaqantahay
Riyoilafogaatiyo
Ma u qaatayfoojari
Iyo faalsotuugo ah

Gantaal Cabdiraxmaan Maxamed Cali (ubaxle)

Gantaal
Gabayga gantaal oo si tafatiran uga waramaaya arimaha bulshada lahaybsooco,waxa uu gabaygu soo bandhigayaa sida loo dhibaateeyo ama loo hagardaameeyo,mayara dhibaataada haysata bulshadan ,hadana gabaygu waxa uu ka waramaya xirfadaha iyo waxyaabaha ay ku fiican yihiin,dhankale waxa uu gabaygu inoo sheegaya in dadku siman yihiin,sikastaba hanoqote,sugaan kooban ayaa laga tiriyay arimahan,ayadoo sidoo kale laga qoraydhiganayaal gabaygana kamid ahaa kuwii ugu mucda balaadhnaa ,waxana ka mid ah buugaagta ka hadlaysa arimahan (godobreeb& dirsooc

Waxa ay tixdu tidhi;

1. Cir godladay gudgude soo onkoday dirir guyoo hooray
2. Mayay gaaxday gufaaciyo qayood gaydhe iyo foore
3. Fad galbeedka guurguurayoo galalac nuuraaya
4. Guulaamo roob soo kiciyo maayad garab joogta
5. Qorraxdoo shinkeedii galiyo godadka nawriishka
6. Danab guday gantaalaha sunta ah gabaygu weeyaane
7. Salaanbaa ku gaamuray murtida gacanna loo taagye
8. Ninka gabayo ciilkood tirshoow waad ilaab garane
9. Mar haddaan girgeydhkii tixdana galabta soo joojay
10. Galowga iyo fiintaa ka kici geed labkoo idile
11. Nin garaad lehbaa laga xushaa goob la dhiidhiyo e
12. Ragna geesibuu leeyihiyo hebed la gooyaaye
13. Sayidkii col guubaabiyee galiyay duulaanka
14. Raagihii gammaankiyo fardaha luuqda garansiiyey
15. Cali dhuuxii guba weerarkiyo gulufku heenseeyey
16. Ismaaciilkii guuguulihiyo guga la haasaaway
17. Godkii maxamed nuur fadal galaan cidina gaadhayne
18. Gabyaaye iyo cali jaamicii geesinimo sheegtay
19. Garba wayntii feedhoole iyo guutadiyo caynab
20. Gadh castii gammuutiyo qammaan guud caddiyo yawle
21. Guubaabshihii saahid iyo gabannadii raacay
22. Guddidii afmaalkiyo raggaan laga gayoonaynin
23. Godka lagu jannee iyo intii gobol ka sii muuqdo
24. Alloow yaa raggii gaasabaxay goob isugu keena
25. Alloow yaa wuxuu gocanayiyo gabay ka soo qaada
26. Qaasinbaan garoocdiyo aqoon geed isugu beege
27. Xalleefbaa ku guurayn jiriyo gun iyo baar eege
28. Faytibaa gartiisana yaqaan loo golayn jiraye
29. Ina nuurkii geed loo sudhuu guunyadiis yahaye
30. Gacma dheere goof iyo cilmiyo guulwadiyo muuse
31. Xaajigii guhaantiyo lahaa maxamed guuleedba
32. Geeraarshihii daalinbaan goorun tebayaaye
33. Ina godane geydh iyo libaax garab salaaxayga
34. Gamuumaale guray faarax iyo geelle iyo qaaje
35. Garqaniinyo gaaggaale iyo kumankii geeryooday
36.Kuman gaannan kuman geesiyo ah Kuman gadaahiiba
37.Iyo kuman kaloo gabay xaddi leh iyo galaydh miidhan
38.Kumanaan gundhiddin miidhaniyo guure iyo huube
39.Gama’diid iyo dhoodaanba waa noocad gooniyahe
40.Guddidii afmaalkiyo raggaan laga gayoonaynin
41.Godka lagu jannee iyo intii gobol ka sii muuqdo
42.Alloow yaa raggii gaasabaxay goob isugu keena
43.Alloow yaa wuxuu gocanayiyo gabay ka soo qaada
44.Garbo duubka wuu diidi jiray geesi dhiiraniye
45.Gaashaanka wuu qaadan jirey goob la yuururo e
46.Gobonimadan iyo timacaddii libin ku geeraaray
47.Xaajigii guyaal iyo guyaal meel walba u gooshay
48.Xasan ganayo guurtida culculus gaarriyiyo aadan
49.Gadhle iyo hadraawi iyo qays gacalka suugaanta
50.Gaanniyo arbii caligeriyo geeddi iyo yuusuf
51.Gargaar iyo gadh yare iyo hurriyo gole ka fuulkoodhan
52.Gabyow iyo waraabiyo amiin goohyadii bacadle
53.Yamyam iyo garaad xaaji iyo galayaxoow soofe
54.Guddidii afmaalkiyo raggaan laga gayoonaynin
55.Godka lagu jannee iyo intii gobol ka sii muuqdo
56.Alloow yaa raggii gaasabaxay goob isugu keena
57.Alloow yaa wuxuu gocanayiyo gabay ka soo qaada
58.Garcadaawihii ina xuseen garanmawaydeene
59.Gabooyuhu raggiisii malaa waanu garanayne
60.Geel jire ushuu goostaybuu goobayaa waliye
61.Guri nabad ahbaa lagu gam’aa waa guduutaba e
62.Ummaddaad guhaad kula kacdeen way gabbanayaane
63.Inkastoo gumaystuhu ka kacay guushii may heline
64. Garawshiiyo looguma hanbayn garab la’aantiiye
65. Geed joog gartii waa yaqaan godob la’aaneede
66. Iyagaa ka gaabsaday halkay guban lahaayeene
67. Gardarrada yaqaan kaba gilgilan gooruyo alayle
68. Imikayse geesiyo kaceen lagu gam’aayaaye
69. Gumaysiga haddaa laga bixiyo dhiisha gorofkaaye
70. Ayax iyo garnayl uur gubiyo gudiyo aw geeddi
71. Guddidii afmaalkiyo raggaan laga gayoonaynin
72.Godka lagu jannee iyo intii gobol ka sii muuqdo
73.Alloow yaa raggii gaasabaxay goob isugu keena
74.Alloow yaa wuxuu gocanayiyo gabay ka soo qaada
75.Godobtooda maqanbay maruun daba galaayaane
76.Gallad eebahay siiyayoo gaar ah bay heliye
77.Gurrac iyo bakhtina idinka dheer guullahay marage
78.Inta gaan lakala ootay baa goosan noqoteene
79.Gobol qudha yaqaan kaga tageen gaajadaa darane
80.Hadday idinku gaar yeelayaan geeri loo simane
81.Godka aakhiraan buuxsamayn oo la galayaaye
82.Allaylehe gefkaa idin qabsaday gaaladaa naxaye
83.Gurigaan haween joogin waa ceelki soo gudhaye
84.Hablahaa gabooyuhu dhalaan gaadanahayaaye
85.Goonbaarta waa laga tagaa goobay joogtaba e
86.Naagtii gidaar taaganbaan guurba kuu qabane
87.Gabadh reer dhalaa lala sugaa gaaxda kugu taale
88.Gomosh lama xantoobsado haddaan gabow ku iimayne
89.Waxa gaari lagu diidan yahay waanan garanayne
90.Waxbase arartu yey ila gudbine waxan ku soo gooyay
91.Ninka gudinta ii jarahayee timaha ii gaabshey
92.Ee guriga ii oodayee ii gundhiyey jaanta
93.Bal maxaan gumaysiga u badi waa garaad xumo e
94.Oo maan ka guursado habluhu waaba gacalkaye

QUDH-LA-HADAL
Cabdiraxmaan M Cali Ubaxle

Maansadan cusubi waxa ay soo baxday 15ka bisha labaad ee 2018. Waa maanso naf-la -hadal ah oo ina taabsiinaysa jiritaanka dhabta ah; inagana reebaysa gebidhaclaynta iyo gabboodfalka ay ku kacdo naftu marka ay majaraha inoo qabato.Si qotodheeri iyo baac-fogaan leh ayay uga hadlaysaa falsafadda iyo dhacdooyinka nololeed ee gedgaddoonka badan. Guud ahaan, Soomaalida, waxa lagu xantaa in ay yihiin dad qab wayn oo isku mashquula; taaas oo qofka hodda. Waxaase hubbaal ah, in ay hore uga maahmaahday Soomalidu faanka iyo islawaynaanta, barina ay ka tahay. Dadkuna waa farahaa oo masinna; qofba garaadkiisu meel ayuu joogaa; sidoo kale, gabayaaga Soomaalida ayaa lagu guulguulaa, caaddiisuna tahay dhoolatus iyo tookh uu gabaygiisa ku ibafuro oo burji iyo baawaynba is taawiyo uummiyahna ku soo jiito. Balse, tani , waxay u badantahay inay awooddeeda aqoonsato oo runta isu sheegto, taas oo lid ku ah kana soo horjeedda dhaqankii gabyaaga Soomaalida lagu maagi jiray iyo caadadii guunka ahayd ee lagu dheggenaa.
Gebagabada, maansadu, waxa ay diiradda ku haysaa aqoonta iyo ilbaxnimada; iyo waliba kartida qofka iyo kaalintisa. Waxa ay is dul taagaysaa waxyaabo aan indhaha ka dul lalinno, isla mar ahaantaana la daris nahay. Waxa ayna si xeelfog inoogu hal-xidhaalaynaysaa waxa aynu u taaganahay , tamarteena qof ahaaneed iyo taagteena; iyo meesha ay habboon inaynu ku tuntuunsano
Abwaan qalqallayti sheegta
Qaryaan laga haybadaysto
Qayuuri haddaad ismoodday
in aad tahay qamar sanaaci
Qoraa la majeeranaayo
Ma tihid qaaliga la sheego
Haddaad qaangaadh ku faantay
Qalqaali marbaad ahayde
Dharaaro qalbiga ku weeci
Qiyaas bal waxaad falaysey
Su’aal hooyada ku qaadday
in aad qaamuus ahaato
Qaasaaboon kula jeclaatay
Qurxoonoow kuugu heestay
La yaab badanaa qabkeennu!!

Miskiin qatan oo daciifa
Nin yimi isagoo bal qaawan
Qariibnamadu ku seexday
Misana qalaskii ku laabtay
Markuu amintiisa qaatay
Qudhaa kaga soo baxaaya
Waxaan ahay mayd qoslaaya
Calool qudhun uu dhex jiifo
Waliba qashin uu ka buuxo
Adduunyana qaadatuune
Qufraanaka yaa Ilaahi

Qasriga aan daydayaayo
Intaan nolol quud-darreeyo
Haddii inyar layga qaydo
Hadhawtana lay qodaayo
Ifkaba ciil kuma qabeene
Qof nool sow lagama quusto (Show)

Barwaaqada qaayaheeda
Badhaadhaha qiimihiisa
Markaad quruxdiisa yaabto
Nimcada anigaa ku qooqa
Anaa nabaddana qasaaya
Qabyaalad anaa u yeedha
Colaadda qaxeeda doorta

Qudhiisa ninkii qiyaama(khiyaama)
U haysta inuu lib qaatay
Waxaan ahay aan qashaafin
Qafaara adaa Raxmaana
Adaa Qaadira Raxiima
Qudduusiyo Maalig ii ah

Qof aad Jahannamo ka hayso
Arjina uga qorin Jaxiima
Qareen iyo jaal u doodin
Qufraanaka yaa Ilaahi
Rabbaw qaladkiyo gafkayga
Arlada oo dhami ma qaaddo

Rajada aan qabo wanaagsan
Naftayduna kaama quusan
Qof baan ahay oo ma maarmo
Haddii qandho aan dareemo
Amaba qufac iyo xanuun yar
Awooddana layga qaado
Kolkuu qof I caawinaayo
Halaanhalka aan ku qaysho
Ilmada lugahayga qoysa
Nimcada jeer layska qaado
Markaan Qaniyoow idhaahdo
La qayshado waayahayga
Haddaad baryadayda qaaddo
Qac baan ahay aan xasuusan
Judhiibana heello qaada
Qufraanaka yaa Ilaahi

Jannada ruux loo qorsheeyey
Jidkeeda san loo qarqooray
Wuxuu qabsan laa adduunka
Qiyaaliga kaga mashquulay
Waxaad ahay qiimo beelay
Qiyaamana uu sugaayo

Tasbiixda qofkaan xasuusan
Salaaddana kuba qushuucin
Qawlkaagana kuba dhaqmaynin
Waxaan ahay ruux qaflaysan
Ifkana ku qamaamayuune
Nin ay balo qaadatuun dheh
Qufraanaka yaa Ilaahi

Haddaan quwaddiyo awooddu
Qudhaanjo amaamudaynin
Qolfoofyahay hay cuslaynin

Haddaad qalad ii horseeddo
Qallooca xun aad marayso
Qalbow adna hay kaxaynin

Haddaad qurux igu hodayso
Ileey qajil oo bal dhawrso
Cakuye qaxar hay maleegin
Qamuumyana haygu soorin

Nafyahay qiirada jibbaysan
Kulaylaha dhididku qooyo
Qabowgana aan adkaysan
Afyahaw adna hadal qurxoon li
Miyaan qabri kaa danbaynin

Ammaano dhulkii ka qayshay
Cirkuna in uu qaado diiday
Anaa badawnimo ku qaatay
Dulmiga aan kaba qaraarin
Qufraanaka yaa Ilaahi

Sidii qoladii asxaabta
Carshigu qaarkood gariiray
Qushuuc iyo oohin miidhan
Hadday qulqulaynin ruugga
Qabyahaw adna hay kaxaynin
In taan qodox kugu aroorin
Cagyahay qunyar oo bal kaadso

Halkaan wali cidi qiyaasin
Qalbiga aadame hawaysan
Illina sawir ay ka qaadin
Raggii qaarado u jiidhay
Islaamka raggii u qaytay
Qufraanka yaa Ilaahi
Tuusaaliyo qiimo fiican
Qalmoon nebigaagibaa leh

Qormada noloshaad abuurtay
Qorshaha samadiyo adduunka
Adaa Qaniyoow go’aansha
Awooddaadaan qarsoomin
Yadaan kuu wada qirayno
Dadkaan mahaddaada quudhin
Dhibkiisa wax laysla qaatay
Adaa qabta oo ka dayra

Waxaan u qalmaan hubaaye
Danbiga qoom lagu halaago
Qarada kaan galay ka wayne
Adaa Qaniyohow dulqaad leh
Qasaaraha aan is yeelo
Adaa qariyoo daboola
Adaa iga wada qafiifsha
Quraankiyo nolosha fiican
Qalbiga raadkuu ku reebo
Waliba sida uu u qooyo
Qofkuu ku duxaa gartuune
Xalaasha ninkaanse quudan
Qarbuu iska tuurayaaye
Intaan ribo qaadanlaana
Quluulaa kaba wanaagsan
Qufraanaka yaa Ilaahi

Hadday runtu qiimo beesho
Hadday beentuna qudbayso
Haddaan boolida qasbayno
Dunuubtana qaayibayno
Qudheena xisaabin wayno
Wixii qaldan la isku raaco
Qummane lagu waabariisto
Umaan qorin sheekadayda
Inaan bilad sharaf ku qaato
Qaraamow waxan u jeeday
Qajeel yay kugu hungoobin
Bulshada qiimaha ku saartay
Qofbaan ahay waxu ilaawo
Haddaan kula qaro yaraado
Horana magacaas u qaatay

Addoonka u fiican

Maansada “Addoonka u Fiican” waxa ay soo baxday 18-ka bishan toddobaad ee 2016. Waa maanso nebi-ammaan ah, oo ka hadlaysa Shamacii adduunyadan shaaca looga qaaday. Si qotodheer ayuu halabuurku u soo bandhigayaa waxa uu mudan yahay nebigeennu (N.N.K.H.), iyo kaalinta uu kaga jiro bulshada uu Weyne abuuray–tan iyo intii la alkumay adduunyada. Halabuurku, waxa uu xusayaa isbaddalkii nololeed, aqooneed iyo fikireed ee ku dhacay adduunka tan iyo markii la soo saaray nebi Muxammad (N.N.K.H.), iyo sidii uu ugu hiishay: dulmanihii, agoontii, haweenkii, carruurtii iyo guud ahaan xaqii iyo sinnaantii bulshada. Maansadu waxa ay in badan ku dheeraanaysaa sifooyinkii wanaagsanaa ee uu lahaa nebigeennu (N.N.K.H.), iyo sida uu ugu ergaynayo ummaddiisa maalinta la qaawan yahay ee la qatan yahay. Waxa ay tidhi:
Udug iyo udgoon lagu yaacay
Ubax iyo ugbaad lagu doogay
Qurux iyo ilwaad lagu dhaatay
Waxad tahay iftiin lagu taamay
Adigaan adduunyo u baahan
Adigaan amaanta jeclaysan
Adigaa akhlaaq u wanaagsan
Islaweyni aan ku asheedmin
Uma qalantid eed iyo caayis
Aflaagaaddo kuuma ekaanin
Waxad tahay addoonka u fiican
Waxad tahay Rasuul amranaaday
Nabiyow Allaa ba ku doortay
Waxad tahay ilayska adduunka
Waxad tahay aqoonta ku nuurshay
Waxad tahay xaqiiqda iftiinshay
Waxad tahay Ammiin lagu eertay
Waxad tahay Islaamka mideeyay
Waxad tahay asxaabtu jeclaatay
Uumiyuhu dhammaan ashqaraaray
Waxad tahay midkii la addeecay
Waxad tahay asnaamtana daadshay
Waxad tahay dadkoo dhan ajiibay
Waxad tahay iblays ku maqlaayay
Waxad tahay insaanka hormuuday
Waxad tahay arkaanta u sheegay
Adduunyo wanaagga ku faafshay
Waxad tahay addoonka u fiican
Waxad tahay Rasuul amranaaday
Nabiyow Allaa ba ku doortay
Iyadoo haweenka la aaso
Iyadoo miskiinku ilmeeyay
Iyadoo caruurtuna oyday
In awood leh uun talinayso
Adigaa xaquuqda ilaashay
Adigaa xumaanta ka ooday
Anafiyo dagaalka ka saaray
Adigaa israafka ka leexshay
Arrinkiyo ammuurta dhextaallay
Adigaa caddaalad u fiirshay
Amni iyo ammaanna ka yeelay
Waxad tahay addoonka u fiican
Waxad tahay Rasuul amranaaday
Nabiyow Allaa ba ku doortay
Adigaa asluubta baraayay
Adigaa adaabta ku toos shay
Adigaa aqoonta ku biirshay
Adigaa agnaanka ka saaray
Arxankiyo samaanta ku beeray
Ula baxay wixii ku ag yaallay
Adigaan ammaanna ka raadin
Gallad iyo abaal na u sheegan
Adigaa albaabbada khayrka
Iyadoo Ilaah ku ilaashay
Al-Raxmaanku kaa xume dhawray
Alle wayne kuu danbi dhaafay
Adigaa intaad mahaddiisa
Isu taagay layl ijtihaadka
Addimadu intay ku mudhxeenna
Ilmadaadu ruugagga qoysay
Is-dhul-dhigayna Eebbe dartiisa
Idilkood addoomaha joogay
Inaad diinta Eebbe u sheegtay
Inuu gaal irdhoobay ku oofshay
Ashahaatay oo ku adeecay
Nabiyoow Allaa maraggaaya
Ummaddaadu waa ka makhraati
Iimaankan Eebbe ku siiyay
Naflahoo dhan baa amakaagay
Waxad tahay addoonka u fiican
Waxad tahay Rasuul amranaaday
Nabiyow Allaa ba ku doortay
Marka aan qaraabo ergoonin
Isimiyo cuqaal la kaxaysan
Lacag iyo ujuuri shaqaynin
Marka hooyo aad ujeclaydi
Ilmaheeda ay ka dhaqaaqdo
Axad wali naftiisa ku biimo
Anbiyada dhankooda la aado
Aadamaha Ilaahay abuuray
Khulafiyo Ululcasmigoo dhan
Anbiyada intaad u danbaysay
Adigaa wixii ahlu khayra
Rabbigeen odhaahda ku siiyay
Akbartiyo sujuudda agtiisa
Adigaa baryada ku ilmeeyay
Erayda ilhaam ku yimaadda
Adigaa Ilaahay ku tuugay
Adigaa shafeec u ahaaday
Uumiyaha dhammaan idankiisa
Adigaa maqaam awliyeedka
Alle Weyne kuugu arsaaqay
Waxad tahay addoonka u fiican
Waxad tahay Rasuul amranaaday
Nabiyow Allaa ba ku doortay!
Lagu furay adduun waxa yaalla
Lagu furayna aabbiyo hooyo
Lagu furay arwaaxdiyo ruuxda

Tirtirsi
Cabdiraxmaan Maxamed Cali Ubaxle

Gabaygan oo guubaabo iyo tirtirsi ahi, waxa uu soo baxay 08/14/2017, waxa uuna hoga-tus iyo hawaale-warran ka bixinayaa isbedellada adduunka kajira iyo horumar la’ aanta bulshadeenan u hanqaltaagaysa hoggaan suubban iyo hal’abuur isbeddel keeni kara. Waxa uu ka tibaax bixinayaa taloxumada maamulka,tayo la’aanta aqoonta iyo tahriibka dhallinyarada ; iyo guud ahaanba tafaraaruqa dunida Islaamka ka jira.
Si gaar ah, waxa ay tixdani u falanqaynaysaa aafooyinka iyo xanuunnada ina ragaadiyey, dagaallada iyo colaadda aan laga dawoobin ee qabaa’ilka laysu laayo ; lunsiga iyo boobka hantida qaranka, iyo moogganaanta bulshada.
Ugu danbayn ,tixdu , waxa ay innagu boorrinayaa qabsashada xadhiga Alle iyo kitaabka Qur aanka ah, qarannimo iyo wadajir, iyo in laga koro qabyaaladda iyo cudurrada bulshada ku dhacay.

Tirtirsiga tusaalaha qurxoon tuducyo miisaaman
Tuntunsiga farshaxan gaamuroo tahan ka maansooda
Arar toosan hawraar tolmoon tebinta maahmaahda
Ta’da gabay Khaliijoow mudda ba waanigaan tirine
Taltalawga waayaha tagiyo joogto wali taagan
Tusan iyo xaqiiq taabuddaan idin tusaalayne

Tixo aan tarbiic iyo lahayn tuuro lagu caayo
Oo xanafta laga toosiyaad tirisay Kaysoowe
Tifatire Guraayiyo Mukhtaar wayna sii tebine
Tan haddaan Qaraam iyo Xalleef tirinin waa qaane
Xasan iyo haddaan Nuur turjumin tuhunku waa beene
Tuse Gaannigii loo tamimay takhasuskii sheegye

Haddii gabay tisqaad leeyahoo taabbo-galay eegga
Allaylehe tiriig baa u baxay tiimkii maansada e
Ninka buunigii toyonayoow taaqi baa yimiye
Afarray ninkii tirin jiroow muul tafaan helaye
Waxa kacay abwaan taam ahoo taashkii loo xidhaye
Midho-yariyo kii tororogli ba wayska tagayaaye
Ninka tookh u haystow hubaal timi akhyaartiye
Ninka shaadh tabeele ah sitoow tuush lasoo qabaye

Ma tanfiiday tuduc aan midhtiro baan tashuush galine
Ma ta’wiilay taariikh mid gala waan tusmayn jiraye

Waayadan tabaalaha jiryo aafo tiro beeshay
Tacaddiga na haystiyo bulshadan tookha lagu waalay
Tubtii aad istaagtaba dulmigan meel walba ba taabtay
Tacliin li’ida tayo-beelka iyo tacab-khasaarawga
Tabaqdhoonka tacabiridda iyo gaalo __u__ tahriibka
Tallaahidiyo qayladan baxdiyo taaha dami waayey
Tacsi badatay geerida la tagey maydka tiro beelay
Tolanaha qabiilkee is cunay ee iswada toogtay
Talo- xumada tafaraaruqiyo taar ku kala oodka
Tudhid li’da taangiga mariyo dhiigga tifiqleeyey
Tamar li ‘ida taab urursan iyo taakulada gaaban
Takrifalidda taanbuugga iyo turufotooraynta
Takardhabadka tiiraanyadiyo tawsta iyo daalka
Ragannimadan tuur lagu sitee cidiba taageerin
Tuuggu ba intaad tuug ku odhan tuugo kugu sheegye
Tafsiir iyo Quraan laguma karo wiil is taawiyaye
Taqwo iyo damiir kaan lahayn tooba laga waaye
Tabcaan bay Islaamkuba noqdeen aan wax tarahayne
Turki baa ka nool dawladii ugu tunwaynaaye
Liibiya wixii loogu tagay tiinku garanwaaye
Tafantaafku waa kaa Ciraaq toommankaa dhigaye
Qadarbay haddeer tamaniyaan inay tashuushaane
Suuriya tabtii lagu galay taag ku dayayaane
Falastiin sidaan loogu tudhin taarku soo wariye

Ma tanfiiday tuduc aan midhtiro baan tashuush galine
Ma ta’wiilay taariikh mid gala waan tusmayn jiraye

Wali waxay u tafoxaydanyiin tii la soo maraye
Teedkaa dhexyaal iyo intay qolo takooraayso
Anaa kaa tunwayn iyo intay tiro ku faanayso
Tagoogaha midkii lagaga jabay wali ku taamaane
Inta tuunbo lagu nuugayaan shacabku toosaynin
Ayax tagay intuu eel ka tagey ee dhibtuna taalo
Taageera reer hebel intay talo ku goynayso
Tuhun iyo sasbay kala qabtaa uur xumaan tagine
Toori iyo budhbay wada sitaan taliyayaashiiye
Nin tamuujad haystiyo bun tukha tuute loo galiye
Ma tanfiiday tuduc aan midhtiro baan tashuush galine
Ma ta’wiilay taariikh mid gala waan tusmayn jiraye

Toggii walina taagtii rogmay tidhi odhaah diiye
Taag-daran yadaan tamar lahayn oo cidlana taagan
Inkastay dayaxa tiigsatay horumar taageerto
Toddob iyo hillaac meel ka baxay hanqalka u taagto
Ama ay tigaad fiican iyo meel tusle u jeedo
Talo-saradkiibaa kamaqan tiirsiga ahaaye
Tarmin iyo qaneecaan lahayn loogu toog helo e
Tabantaabo wuu huri karaa ruuxa taam ahiye
Toobiye saxay garan la’dahay tiihna lagu waalye
Tabobaraha noloshaa gedmedey oo tusmaan jirine
Soo taxanihiibaa ka lumay waayadii tagaye
Taariikhdu meel uguma taal waa tusaale na e

Talo iyo wax qabadbay rabtaa oy tilmaansaniye
Tacab iyo dedaalbay wadaan taab na galiyeene
Tacliin iyo aqoonbay rabtaa taalo loo dhigo e
Hal’abuur timaanlay rabtaa oy tammadisaaye
Talo-same hogaanshay rabtaa tamaniyaysaaye
Waxay tiigsanaysaa hormuud lagu tanaadaaye
Tartan madaxnimay doonaysaa aan turxaan wadane
Ma tanfiiday tuduc aan midhtiro baan tashuush galine
Ma ta’wiilay taariikh mid gala waan tusmayn jiraye

Waxba gabaygu yuu ila tegine waxan kusoo teeday
Waligiin halkaad taagantiin kama tallawdaane
Wax ma tarin tola ‘ay iyo intaad talineyseen dhiife
Waa taad haldoorkii tabteen kaa tafiir go’aye
Tabbad iyo halaag wuxu lahaa la idin taabsiiye
Tashadoo qabiiliga ka taga oo midnimo tiirsha
Taageera awgiina wacan oo farta u taaga
Tusmadii kitaabkiyo sharciga tii xaq ah raaca

MAHADHO (GABAY)

Gabaygan cusub oo soo baxay 02/10/2013 waxaana curiyey Cabdiraxman Maxamed Cali (Ubaxle)wuxuuna hal abuurku si hoga tus iyo hawaale waran ah uga hadlayaa waaqica dhabta ah ee maanta lagu jiro, wuxuuna sawir qurubadan ka bixiniyaa arimo badan oo maanta dunida ka dhacaya,
iyo xaalada dalku ku jiro wuxuu taabanayaa qodobo badan oo u baahnaa in tix lagu cabiro taariikhdana lagu sunto,wuxuu inagu guubaabinayaa isku duubni ,midnimo,kal gacal wuxuu inooga digayaa cidhib xumada qabyaalada,muranka,musuqmaasuqa,colaada,tahriibka iyo waxyaabo kale oo bulshadeena imika ragaadiyey,maansada oo qofkasta oo dhagaysata ama akhrista oo qalbigiisu qoyanyahay ku kalifaysa inuu ilmeeyo waxay ku bilaabmaysaa sidan,

Murti hodana maahmaahoyo culus maanso iyo heello
Macnaha iyo ujeedada rugtiyo midhaha suuggaanta
Mugga ararta maax iyo dhextaal meeris iyo dhaabad
Milay iyo maluug lagu xushiyo haddal mullaaxdiiya
Majarahiyo xeer loo dhigiyo iyo muunadaiyo luuqda
Maldaha iyo sarbeebtiyo odhaah lagu macaaneeyey
Meexaata kala jaada iyo maaddan qodobbaysan

Axmedoow milgaha gabay katagay mahadhadiisiiye
Caawana adaan kuu marshaye maqal tiraabtayda
Murtiyahanka eeggiyo raggii muulka laga yaabay
Inta maanta aan wada kacnee meesha ugu baydho
Waxad tahay midkaan ugu jeclaa jaallahay midige
Adigaan misaal kaadhigtaa macalinoow shiikhe
Masuuliyad xil maamuuslebaad magane haysaaye
Mugdi iyo wixii madaw galaan kaa martiyayaaye
Muftinimana waan kadhaxliyo waano meelmarahe
Waxan kugu majeertaaba waa muxibo qaaliyehe
Meeqaankaad iga taagantahay waa martabadaase

Hayeeshee wixii maalig qoray yaa la meel dhigaye
Inaan maalin kaatago anaan maanka kuba hayne
Runtu mawdka weeyaan haddaan lays mukurinayne

Mooraalka waxa kaa jabshaan maantaa kuuwadaye
Maandhoow bal aan kuuwaramo waa mid waajiba e

Kuman mayda kuman maatabaxay kuman ismiineeyey
Kun muquuray kuman maalta galay kumabn midhaan waayey
Kuman maanla kuman marada dhigay kuman murtii tuuray
Kun maraysan kuman maan bedelen kuman mintiid sheegtay
Kun mariila kuman madawga galay kuman mudhoo qaawan
Kun murqaamay kuman meel ku xidhan kuman marfiish seexda
Kun mashquula kuman meesi falay kuman madriid qaaday
Kuman meera kuman midab bedelan kuman musiik raacay

Marhaddaan adduunyadan mabsuud meelna lala joogin
Marhaddaan midnimo iyo kalgacal la isku maamuusin
Mar haddaan munaafaqad xun iyo muran la daynaynin
Marhaddaan madfacan igu dhiciyo dhiiga la mamnuucin
Marhaddaan mindiyo loo tumiyo soodhka laga maagin
Marhaddaan qabyaaladi kamadhan maamulkeed dhimaye

Waxba yaanan mawjado xidhmiyo maanso kuu tirine
Waxba yaanan mayaygaa curtiyo maaxda kuu shubine
Waxba yaan magoolkaa bixiyo miidan kuu lulline
Waxba yaanan madadaalo iyo muunso kuu wadine
Ma mudeeyey hawraarta mudan midhiftir lay daaye
Nin masuugay mooye midani madhaxgal weeyaane

Waxa maanku ii diidayaa maytidaan nahaye
Maantadaa lajoogaan dadkana macasalaamayne
Anse waxaan kamurugoonayaa mooyi say noqone
Mayd soconayaan ahay dadyahaw muran la aaneede

Bulshadii masiibaa dhextaal maalin aan damine
Madaxay iskaga duubantahay meella joogtaba e
Iyadaysu wada muuqatoo looma maar herlo
Mukhlis iyo islaamkii ahaa manta loo baqaye
Maser iyo dhulkii suuriyiyo meesha lagayaacye
Anigiyo midaan quusanbaa muusanow dilaye
Ubixii malyuumad kunbaan mawjadaa galay

Magaalana halkaan ugu jeclaa mawlacbaan degeye
Midkastoo ku hana qaadaybaa maalinuun naca e
Waxaan muuqeed uga haajiraan meelfog ugu dhuuntay
Waligeed qabiil kama mudhoo way madawdahaye
Miyi kii kasaoo galay haddaan macalin loo gaynin
Oo aan jahliga laga midhtirin meel xun laga doonye

Inkastoo mukhtaaroow dalkii meelo laga tiirshay
Inkastoo madaarada jidkiyo ciidankuba muuqday
Inkastoo mushahar ay heleen meelo laga qaatay
Inkastoo mashruucuna hirgalay lacagna muuneeyay

Hayeeshee masuul daacadaan meeshan loo qorine
Musuqmaasuquunbaa u wada kaan mardoortaba e
Niman gaalo madaluufsataa noo madiidinnehe
Musharaxa xisbiga soo baxaa mooshinuun wada e

Mililkana dushii lama dhayo yay murti ahayde
Nin dantiisu uga muuqataa maato loo raraye
Madhintana alluun weeye iyo maalik qaadire

Waxa maanku ii diidayaa maytidaan nahaye
Maantadaa lajoogaan dadkana macasalaamayne
Anse waxaan kamurugoonayaa mooyi say noqone
Mayd soconayaan ahay dadyahaw muran la aaneede

Muslin midiba midi saaranyiyo meel godaan ahaye
Ma huraan iswada dooxayoo maanlabaannahaye
Mumin iyo dadjaaraad tihiin meelna wada yaale
Midgta iyo bidixdaad tihiin kalama maarmaanne
Midqudhaad kawada siidhantiin maggaca soomaale
Ummadyahay mataanaadtihiin maydinaan garane
Marka uu libaax muuqdaybaa weere meel galaye
Dhaxaa colaad lagu madhaye mawfiq kaga dhaarta
Maggaceen hadaydaan dilayn midigta taageera
Iska moosa ceebtana intaan laydin maqal goorta
Ummadyahay madluunkaad tahaan meel la jiifsadaye
Ummadyahay xanuun muuqdaybaad manta fidiseene
Cudur maanka kaa kaasoo ridaad nagu mudaysaaye
Meesha majoogina nin yidhi wuu ka meelmaraye
Intaydaan maruun nagu quficin meelkalaan tagiye

Waxa maanku ii diidayaa maytidaan nahaye
Maantadaa lajoogaan dadkana macasalaamayne
Anase waxaan kamurugoonayaa mooyi say noqone
Mayd soconayaan ahay dadyahaw muran la aaneede

Bulshayahay maroorbaa ku galay meelaad joogtaba e
Bulshayahay masiibiyo balaad malabsanaysaaye
Bulshayahay makhaayado jinbaad muran ku haysaaye
Bulshayahay adoo mahdqabaad mudhuxsanaysaaye
Bulshayahay mashxarad kaafogbaad meelkatumaysaaye
Bulshayahay maneeniyo jibaad madadsanaysaaye
Bulshayahay inaad meelmarteen haw malaynine e
Bulshayahay wixii maalmo dumay maydinaan dayine
bushayahay wixii meerto tegay meel kumaad dhigane
Waxa maanku ii diidayaa maytidaan nahaye
Maantadaa lajoogaan dadkana macasalaamayne
Anse waxaan kamurugoonayaa mooyi say noqone
Mayd soconayaan ahay dadyahaw muran la aaneede

Miisaanka camalkaan kabaqan inaan marseegaay
Marka iilka lay qodahayee madaxa layjiifsho
Ee malagu igu xaadiraan meelkhatara gaadho
Allahayow su aal lagu margado miridh iwaydaari
…………………………………..

Xog-sheeg

Maansadan cusub oo soo baxday 03/09/2014. waxaa curiyey Cabdiraxman M. Cali Ubaxle. Waxayna inoo iftiiminaysaa kana ifafaale bixinaysaa adduunyada eeggan iyo sida ay daba goosiga u tahay iyo waliba sida aan looga dareen qabin . Waxayna inagu darandooriyaysaa hogga tus xeel dheer iyo xog-warran ay inagu taabsiinayso xaaladda dhabta ah ee manta lagu jiro.

Waxay maansadani daaha karogaysaa habdhaqanka laba wajiilaha ah ee reer galbeedka iyo sida ay adduunka ugu xadgudbeen una majara habaabiyeen . Iyagoo ku doodaya in xaquuqda aadamaha ilaalinayaan caruurta iyo haweenkana udoodayaan.
Haddana ilmihii Qasa gantaalaha ku eegaya. Dumarkii iyo maxastiina hubka ku garaacaya. Cid dar xumada hoy la’aanta, waxbarasho, caafimaad iyo daryeel ugu gurmatayna aanay jirin iyo sida islaamka loogu soo duulay ee meel walba loogu tun jileecsaday,iyo sida ay war mooga u yihiin iyagiina xabadda laysugu dhiibay.

Maansadu waxay kaloo ka xog bixinaysaa dhacdooyin is dabataxan iyo xiisado soo noqnoqday oo dalka ka jira. Raaba qaadka xanuunka siyaasadda ee dabayshiisii dib u bilaabantay iyo sida nin waliba xigtii iyo xaafadiisiiba xero ugu ootay, xabaddana ugu hor joogsaday si uu xil ugu kasbado ama danihiisa ugu fushado magacyada dhalinyarada iyo haweenka ee lagu qudhaabsado lana dardar galiyo marka loollanka iyo ololaha lagu jiro hadhawna dabayl looga cararo.

Tixdiyo arartiyo xulkeeda
Habkiyo xeerkiyo shinkeeda
Haddaan xoorkiyo liskeeda
Xogtiyo maansada runteeda
Hoggiyo xeeshiyo dhextaalka
Xarfaha quruxdiyo dhigaalka
Xubnaha luuqdiyo dhawaaqa
Murtida xirfadiyo hannaanka
Haddaan galo xulantideeda

Markaan xaalkeena fiirshey,
Xagwalba dunidii ka eegay
Adduunyadu xoorid weeye
Abaar iyo xaaluf weeye
Xanuun iyo gaajo weeye
Xumaan iyo faasiq weeye
Xatooyiyo tuugo weeye
Dagaal iyo xiisad weeye
Xabaallihii baa hadlaaya
Xilligii suurkaa dhawaaday
Xarrago dirir waa la dhaafay
Xidhbay fari kulla xushaaye
Xag kale aan kuu kaxeeyo

Dharaar walba xaalad taagan
Xajiin iyo dhiig ladaadsho
Xisbiyo urur laysku haysto
Xilaan loo kala hadhaynin
Xin iyo xaafado is shiida
Xamaasadda laysku laayo
Xanuun iyo cudur la faafsho
Haddaan xeer loo samaynin
Xuduuddana layska dhaafo
Xalwaara haddaan laraadin
Xaqiiqdana laysu sheegin
Miyaan xoolaha kaliidan?!!.

Xidhbay fari kulla xushaaye
Xag kale aan kuu kaxeeyo;

Xornimo waa lagu dhashaaye
Kuwaa xornimada ku baaqa
Xaquuqul insaanka sheegta
Haddana dunidaba xasuuqa
Awood iyo xoog u sheegtay

Xaquuqda caruurta laysa
Xuskoodana maalin siisay;
Xaquuqda haweenka aasta
Xaqoodana raadinaysa;
Xaquuqda Dameer u taagan
Haddana dadka aan xishmaynin;
Adduunyada xigashadeeda
Xuduudahan loo sameeyey
Haddaan xaashe run moodo
Miyaan xoolaha kaliidan?!!.

Anoo xiddigaha maraaya
Xabaasha haddaan isgeeyo
Qof qudhi igu xeelad guuro
Ninkii xumo iigu baaqa
Xaqaba anigoon u sheegin
Haddaan xumihii ku raaco
miyaan xoolaha kaliidan?!!.

Korkayga intaan xaraasho
Intaan dhaqankayga xooro
Xashiishada ruux cabbaaya
Xaqdhawrkana aan aqoonin
Xishoodkana meel ku tuuray
Intaan kaligii xigtaysto
Intaan xabagtana la nuugo
Haddaan xaragiyo dan moodo
Xashiishkana aan dhex seexdo
Miyaan xoolaha kaliidan?.

Anoo sida xeedha buuxda
Dadkoo dhami iigu xoomo
Haddaan xayndaab ka doorto
Qabyaaladi waa xeruune
Haddii xero laygu ooto
Miyaan xoolaha kaliidan?!!.

Xidhbay fari kulla xushaaye
Xag kale aan kuu kaxeeyo;

Hadday tahay xaasid xaasid
Xabbadda aan kugu hor joogo
Intaan xilka kugu helaayo
Hadday aragtidu xumaatay
Hadday maqalkii xanjaysay
Hadday xaaraan jidaysay
Hadday wajigiina xiirtay
Hadday xaajiga kabaysay
Hadday xumihii ku baaqday
Hadday xadhig kuu maleegtay
Hadday marna kula xadraysay
Siyaasadda xarakaddeedu
Xaqiiq iyo aamin beeshay.

Xidhbay fari kulla xushaaye
Xag kale aan kuu kaxeeyo;

Murtaa tidhi “xaajo tuurleh
Ninbaa dhaha waa xariire
Afkiisa xidhaan xujoobin”

Waxaan nolol loo xad dhaafin
Adduunyadu waa xawaare;
Waxaan xaqa looga waaban
Xaqiiqadu waa run sheegga;
Waxaan xumo loogu dhiirran
Xabaalbaa ina sugaysa;
Waxaan been loogu xoogsan
Xisaabaa naga horraysa;
Waxaan balo loogu xiisin
Xadaaradu waa wanaaga;
Waxaan xilkas looga maarmin
Xurmadu waa kala danbaynta;
Waxaan xilgab loo amaanin
Waxaan jirin xeer qoraaya;
Waxaan xaaran la raadsan
Xalaasha adoo helaaya;
Waxaan hadal loogu xiiqin
Xigmadi waa aamusnaanta.

Xidhbay fari kulla xushaaye
Xag kale aan kuu kaxeeyo;

Maraykanka xulafadiisu
Waxay u xishaan yuhuuda
Islaamka xarbiga ku oogan
Sidii laysugu xasuuqay
Sidii loo kala xidhmeeyey
Xantoobada loogu boobye
Xogtooday moogyihiine
Halkay xaaladi marayso
Xaqiiqda adaa hayuune
Rabow falastiin xogteeda
Rabaw masar iyo xerteeda
Baqdaad iyo xaaladeeda
Rabow suuriya xaqeeda
Rabow liibiya xalkeeda
Rabow xamar iyo dalkeeda
Rabaw xarumaha islaamka
Rabow xulafada maraykan
Rabow ka xoree yuhuuda
Rabow diintaada xooji
Rabow xaqa noogu hiili.

Gudin (curiye,C/raxmaan Maxamed Cali Ubaxle)

Maansaddan oo soo baxday 7-12-2011 waxay iftiiminaysaa xeel dheerida murtida iyo xilkasnimad a hal abuurka, dadka alle ku manaystayna qofba in uu si ugu adeegto shar iyo khayr, xumaan iyo samaan, duudsi iyo sinaan balse qofkastaa meeshu doono hala maro e in ay ku tahay xujo isway diini ka danbayso qofkastaaba wuxuu dhitaysto ayuu yeelanayaa waajib baana ka saaran in gud ashadeeda iyo ilaalinta sumcadeedaba waxaad moodaa in marba marka ka danbaysan dunida sa muhu ku sii yaraanayo inta ilaahay ku galaday waxa looga baahanyahay inaanay xaquuqdeeda ilaaliyaan mana habboona in niyad jab la muujiyo hadal iyo murti maansadu waxay ku bilaabmay saa
Gocashiyo xasuusiyo
Mahadhada gudbaysiyo
Murtiyeey gob deeqeey
Gacal tuu wadagee
Guryo samo jeclaydeey
Sida gaawe caana ah
Galad laysu dhiibiyo
Godal iyo barwaaqiyo
Gaax iyo irmaaneey
Nimcadii guyaadiyo
Godankiyo xareediyo
Gaxadhkiyo ugbaadkiyo
Hoobaan la goostaay

******

Gudbisada aqoontiyo
Garashada islaamkiyo
Gilgishada asluubtaay

******

Marna gurintir yaabliyo
Gudcur iyo humaagiyo
Gabgab iyo isqaadiyo
Galdaloolo badanneey
Tacolaada gudhisee
Gogol xaadhka fidisee
Gayigaba midaysee
Godob reebta noqotaay

******

Marna gacalo dooxiyo
Golxof loo afaystiyo
Warmihiyo garnaylkiyo
Gishigaamka laayiyo
Burbur iyo gumaadeey

******

Ta gumaysi diiddee
Gobonimo ku dirirtaay
Taqabiilka goysee
Geediga ka rarataay

******

Tagaraadka badanee
Gadhcadaha xishmaysee
Goolwacan ku taagtee
Guurtidu ku hirataay

******

Tagaliinka jamatee
Martidana u gogoshee
Yarad lagu gudoomaay

******

Tagayaanku doonee
Guurdoonku qaadee
Geenyada horqabatee
Geel lagu aroorshaay
Tagabaati noqotee
Guri lagu yagleelee
Gole lagu ilaystee
Aqal lagu gangaamay

******

Marna gole ka fuuliyo
Gibladiyo cayaartiyo
Gadgadoonka luuqdiyo
Galbiskiyo mashxaradiyo
Gurdan raaca sacabkee
Gabdho loogu heesaay

******

Tagarsoorka wacanee
Ina kala guraysee
Garyaqaanku sheegaay

******
Ta go’aanka fulisee
Gadh hayaha la talisee
Gambisee af qabatee
Garabkaba ka jabisee
Gudin laba aflaysaay

******

Marna gaalo lagadiyo
Gudbantii darwiishkiyo
Gadoodkii hargaysiyo
Gaashaanka adagiyo
Cadhadiyo galiilyiyo
Ciil iyo gubtahanyooy

******

Tagamaan ku joogtee
Gelin hore mirsiisee
Geeraar ka tirisaay
******
Tagaboodka noqotee
Giiryaale celisee
Geesiga xasilisee
Goombaar ka durugtee
Gaarida la socotaay
******
Marna geed sumeediyo
Gabangoobi halisiyo
Goblan iyo barooriyo
Guluf iyo colaadeey

******
Taxumaa ka gubatee
Gogol dhaafka necebee
Gaabsiga fashilisaay

******
Marna garangar muuniyo
Gudintiyo hangoolkiyo
Hayinkiyo gadhqabadkiyo
Gaadiidka noqotaay

******
Bulsho geediyaysaad
Gurgurshaa u tahayoo
Ana kaama gaabshee
Inta uu xil gaar ahi
Guudkeena sudhanyahay
Gam’i mayno nuuroow
Intaan gaaniyow nahay
Sida guumihii berri
Marba dhinac isula guday
Garo oo xalleefoow
Guubaabadaydiyo
Waxan uga gol leeyahay
Googaa ku soo sheeg

******

Adna galawga qayshiyo
Guuguule yeedhoow
Gudbi maansaddaydoo
Inta gabayga tirisiyo
Hal abuurka geeskiyo
Dunidoo dhan gaadhsii

Daba dhah ”

Maansadan , daba dhah dhah,oo curatay hillaaddi 2007dii uuna curiyay Cabdiraxmaan Maxamed Cali Ubaxle,maansadan oo ka mid ah silsiladdii loogu magac daray dareen maal ,waa hawaala waran inkastay ujeedo dadana ahayd, maadaama xilliga dalku ku jiray marxalad qadhaadh oo bulshaduna ku dawakhday ciddii ay ku aamini lahaayeen hogaanka siyaasada,sikastaba hanoqotee,waxa ay ka mid tahay,maansooyinka aan shiillayn ee ujeedada sarbeeban leh,laakin ujeedada ugu wayn ee maansadani waxa ay tahay in umaddu ay fahanto cidda ay ku aaminayso caynaanka dalka,iyo waxa laga rabo bulshada lafteeda.

Waxa ay, daba dhah dhah ,ku bilaabantay sidan isagoo C/raxmaan ku halqabsanaya Kayse Maxamed Xuseen(Galaydh) oo ka qaybgalay silsilada dareenmaal;

1. Digtoor kaysaw imaqal
2. Dareen maalna iga hoo
3. kaamaalow doodu waa
4. Sidii bari habar dugaag
5. Dawaco quruxdeeda iyo
6. Dookheeda ukala xusheen
7. Dareenba miyaad ka qabin
8. Markuu diba gaalihii
9. Dayada isu soo sharaxay
10. Ku yidhi dawacooy macaan
11. Anaa kuu daacadoo
12. Dundumadaan kuu koriyo
13. Malabkaan kuu dawdawo
14. Misana duur kuu xuloo
15. Sagaashan laxaad dildilo
16. Weereeye degmaa itidhi
17. Weeteeye darbaa iyidhi
18. Waraabe dadbaa iyidhi
19. Dhamaantood soo durkoo
20. Libaaxu kusii danbee
21. Miyaad korantii dayacan
22. Dawaco ilaqaybsanayn
23. Waraabay dooratee
24. Dookheedu wanaagsanaa
25. Dayoo baraar laysay iyo
26. Cumaroo duudii caraa
27. Bal eeg isla doonashada
28. Dhamaantood habar dugaag
29. Digniin iyo waano iyo
30. Dardaaran kusoo afroge

31. Dayooy naawaa dadqaad
32. Dayana ay daba dhahdhah
33. Dayooy naa duunyo maleh
34. Dayana ay daba dhahdhah
35. Dayooy naa waa dad qal
36. Dayana ay daba dhahdhah
37. Dayooy hooy wuu ku cuni
38. Dayana ay daba dhahdhah
39. Hawaal warankii dawoco
40. Waaraabaha doox hurday
41. Jabaye doqonoow ku tidhi
42. Dadbaan ood usoo guroo
43. Dabeed neef lay dulqalay
44. Miyaanad dareen kaqabin
45. Markaagana doorkan qaad
46. Oodbuu dusha saartayoo
47. Intuu cararuu dul dhigay
48. Dabeed tus waraabe dhigay
49. Daymada bulshadii lahayd
50. Dadoow bahalkaa dayaay
51. Halkii sow laguma dilin

52. Maxaan sadex doorbidaa
53. Sagaalbaan dayriyee
54. Dadkaa ii wada simane
55. Aqoonyahan diinlihiyo
56. Nin diiqbaan xulanlahaa
57. Dadkuu kala hagi lahaa
58. Cidina may daba gasheen
59. Dacaayana kama maqleen

Hal- abuur: Cabdiraxmaan Maxamed Cali Ubaxle iyo Asxaabta kale.
La soco qaybaha danbe. Mahad sanid

Advertisement

Ku Xayeysiiso