Ma leeyahay Sharcigu isu Tanaasul
Aadamahu shuruucda iyo dastuurka uu isku raaco oo uu dhigto waxa waajib ah in lagu dhaqmo oo qodob kasta sidiisa loo fuliyo.Waydiintu waxay tahay yaa fulinaya? Ugu horayn dhinacyada isla qaatay shuruucdaas iyo dasuurkaas dhamaan tood xil ayaa ka saaran ku dhaqan kooda iyo fulin tooda balse waxa waajibka ugu culus ka saaran yahay hadba cida hogaanka haysa ee talada dalka loo doortay.
Waxaan uga dan leeyahay dulucda qormadan ku salaysan doorashooyinka dalkan Jamhuuriyada Somaliland ka qabsoomay iyo kuwa innagu soo fool leh ee aan waqti goodii ku qabsoomin marnaba dalkan kamay suurta gelin in waqti dooga lagu qabto.Waxa halkaa layska waydiin karaa maxaa u sabab ah ee mar walba dib loogu riixaa ee ay doorashooyinku waqtigoodu dib ugu dhacaa?
Hadaan isku dayo inaan cadeeyo sababaha anigoo shacabka iyo madaxda ay khusayso war-celinta waydiintani u dhaafaya waxa ka kow ah:
1.Jebinta ku dhaqanka iyo fulinta qodobada dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka.
2.Xukuumada markaa talada haysa oo aa ku dhiiranayn fulinta
inay doorashooyinku ku qabsoomaan waqtiga loo cayimay.
3.Xisbiyada mucaaridka oo qaba timay ku xad gudubka doorka
ay ku leeyihiin go’aaminta qabsoomida doorashooyinka ee
dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka ay jideeyeen.
4.Aaminaada qadhiidhka reer galbeedku daasada doorashada
inoogu shuba la’aan tood inay naan doorasho qabsan karin.
Hadaan inahaa ku dhaafo sababaha aan u arko saamaynta ay dib ugu dhacaan doorashooyinku bal dhinaca kale ee ku saabsan is-mari waaga xisbiyada qaranku isku maan dhaaf sanyihiin qabsoomida doorashooyinka is-barkan.Markaan aragti dayda gaaban waxan is-way diiyaa:
A)Maxay doonayaan xisbiyada mucaaridku?
B)Maxay doonayaan madaxweyne muse,kuxigeen Saylici,
xukuumada ay hogaamiyaan iyo xisbul xaakimka kulmiye?
C)Yay u dan dan tahay doorashooyinku inay qabsoomaan?
Warcelinaha waydiimahan waxaan u dhaafayaa daljira-yaasha balse aan iftiimiyo sidaan qabo,warcelinta waydiinta A siday ila tahay waxaan u arkaa xisbiyada mucaaridku inaanay diyaar u ahayn sidii ay ugu guulaysan lahaayeen kursiga dalka ugu sareeya,mana hayaan haabkii ay tirada ugu badan ugu yeelan lahaayeen golaha wakiilada,sidaa darteed sidaa darteed ma doonayaan doorasho inay qabsoonto.
B.Mar haday xisbiyada mucaaridku ka leex deen sabab kasta
oo jirta inay ku cadaadiyaan xukuumada qabsoomida
doorashooyinka dabcan madaxweynaha,kuxigeenka way ugu
badinaysaa oo waxa iman doonta muddo kordhin loo
sameeyo wakiilada iyo degaanada oo Kulmiye ku leeyahay
tirada ugu badan.
C.Ilaa aynu dib ugu noqono aaminaada Alle oo aynu Kuwan
daasada dawarsiga hoos hayno ka maarano, qadhiidhka ay
bixiyaana laga qaado 20ka sharka dood ee dalka ugu wayn.
Isku soo wada duub,khilaafka xisbiyada qaranku shacabka ku jaho habaabi nayaan waxa keenaya dastuurkii iyo shuruucdii
dalka ayaa sanduuq lagu qufulay oo aan lagu dhaqmayn waxaana laga door biday wada hadalo ku dhamaada heshiisyo iyo isu tanaasul aan sharci ahayn.
Waxan ku soo afmeerayaa dalkani waxuu u baahan yahay in sharciga lagu dhaqmo si ay u suurta gasho hirgelinta dimuqraadiyada,una suurta gasho dhamaan doorashooyinku inay waqt gooda ku qabsoomaan,una soo afjar maan isu tanaasul iyo xeer jajab aynu waa hore ka soo gudub nay.Sharciguna ma laha isu tanaasul,cadaaladna lama helo ilaa sharciga lagu dhaqmo,aqoonsina iman maayo hadaan xisbiyada qaranka,golayaasha qaranka,xukuumada iyo garsoorku sharciga si dhab ah ugu dhaqmin oo aan laga bixin ku dhaqanka xeer jajabka.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL