Dowladnimadu waa nidaam marka sidiisa loo raaco lagu gaadho guula badan oo wax ku ool ah, islamarkaana lagaga gudbo caqabadaha adag ee kula soo darsa intaad nolosha goobaso.
Haddii ‘se wadada laga leexiyo oo si qaldan loo adeegsado waa lagu hungoobaa, lagumana gaadho u jeedooyinkii loo aas aastay ee ahaa in ay dowladnimadu dadkeeda u adeegto.
Taariikhda waa kayd iyo dhaxal ay ka buuxaan khibrado iyo waayo aragnimo laga soo dhiteeyay socdaalkii dheeraa ee ay noloshu aadamuhu soo martay, (history is a laboratory of human experience) sidoo kale waa darsi iyo diiwaan ay ku xardhanyihiin dhacdooyin badan oo dunidu xusuus ku reebay, ku waa soo cibaaro iyo wax ku qaadashoba u noqon kara cidkasta oo dib u fiirinaysa marxaladihii kala duwanaa ee ay umaduhu soo mareen.
Marka taariikhda dib loo raadguro waxa lagu ogaadaa talaabooyinkii ay dunidu soo qaaday kuwii lagu guulaystay iyo kuwii lagu guuldaraystay, ku waa soo halbeeg u noqon kara qorshaha mustaqbalka aad ku soconayso.
Haddii’se aanay waxba kaaga duxaynin aqoontii iyo waayo aragnimadii laga soo dhaxlay duruufihii iyo waayihii kala duwanaa ee ay nolosha aadamuhu soo martay, waxaad ogaataa in aad tahay qalfoof madhan oo aan gudan karin waajibaadkii saarnaa.
Somalidu kuma cibro qaadato shalay wixii soomaray, ee halkii ay hore ugu hungowday ayay hadana geediga u rartaa.
Somalidu waa bulsho ay qabyaaladdu ku xididaysatay, taa soo ay kala yimaadeen noloshii reer guuraaga ee ay mudada dheer ku soo taxnaayeen, waxaanay qabyaaladdu ka indho saabtay jidkii ay u marilahaayeen nolosha ay ku riyoonayaan.
Somalilandna way la qabtaa walaahowga qabyaaladda inta kala ee afka Soomaaliga ku hadasha, waana mushkilada ugu weyn ee ay Somaliland ka dhaqaaqi-wayday 27 sanadood ah ee ay jirtay.
Hadaba marka aan u soo noqdo u jeedada uu maqaalkagani xambaarsan yahay oo ah mid aan doonayo in aan si kooban ugu iftiiminayo halganka saami-qaybsiga ee bulshadeena sida ba’an u saameeyay, kaa soo ay Somaliland ka dhaxashay caqabado badan oo lugta jiidaya habsami u socodka howlaha shaqo ee qarankeena iyo sidii ay shacabka Somaliland u noqon la haayeen kuwo isku duuban oo noloshooda si wadajir ah u maareeya.
Waxa kale oo ay arrintani dhirbaaxo ku tahay nidaamka doorashooyinka madaxa banaan ee Somaliland ka hanaqaaday, kaa soo culays weyni uu ka haysto dhaqdhaqaaqyada saami-doonka ee bulshadeena sida dabaylaha u ruxaya.
Waxaynu ogsoonahay in doorashada baarlamaanka Somaliland ay ka dhaqaaqi wayday halganka saamidoonka ee ay dabayshiisu ka dhacayso gobolada Somaliland oo dhan, waxa kale oo uu halganka saami-qaybsigu uu naafeeyay nidaamka xisbiyada badan ee ay Somaliland weelka u culanayso, kaa soo ay u jeedadiisu ahayd in aynu kaga guurno habkii beelaysiga ahaa ee aynu mudada ku soo dhaqmaynay, waxa kale oo uu qorshuhu ahaa in xisbiyada lagu kala doorto aragtida iyo afkaarta ay bulshadooda u soo bandhigaan.
Waxay’se u muuqataa in xisbiyada laftoodu noqdeen kuwa dib u nooleeyay xanuunka qabyaalada ee ay bulshadeenu horeba ula dhutinaysay.
Si kastaba ha ahaatee waxay xaqiiqdu tahay in ay Somaliland ka dhaxashay halgan saami-qaybsiga dhowr arrimood oo lagu hungoobay
1)Arrinta ugu horaysaa waa sida uu halganka saami-qaybsigu bulshadeena uga leexiyay jahadii saxta ahayd ee ay u socon la hayd, taasi oo ay markhaatifur u tahay aragtida saboolka ah ee ay warbaahinta la soo taagan yihiin habeen iyo maalinba kuwii ay bulshadu talo ka sugaysay.
Waxa kale oo ay taasi muujinaysaa in aynaan wali dhinacna ugu gurguuran gudkii aabo-yaasheen iyo awow-yadeen lagu qaniinay ee dhiig-baxa iyo dhiilada lahaa.
Sida la dawa ogsoon yahay shirarka ugu badan ee Somaliland gudaheeda ka dhacaa waxay la xidhiidhaan arrinta saami-qaybsiga ee ay beeluhu ku dal-badaan sad ka badan inta ay haystaan
Shirarkaa ay dabada ka riixaan kooxaha ku shaqaysta mashruuca saamidoonku maaha kuwo lagaga hadlo xaaladaha dhabta ah ee haysta bulshada ay afkooda ku hadlaan, sida hooyada adeeg-la’aanta caafimaad ugu dhimanaysa meelaha ay adeegyada caafimaadku ku yar yihiin, sida caruurta nafaqo-darada la ildaran ee ku nool deegaamada ay ka yimaadeen, sida ubadka ay waalidkii dhalay u awoodi waayeen in ay wax barashada ka bixiyaan ee guryaha u dhex yuurura, sida qoysaska haraadku ugu dhimanaya deegaamada aan haysan biyo ku filan oo ay cabaan, sida da’yarta shaqo la’aantu hayso ee badaha iskugu guraya markii ay ka rajo dhigeen sida ay wax u socdaan, sidoo kalena ay u muuqan wayday fursado shaqo oo ay ka heli-karaan wadankooda hooyo, taa soo ay ugu wacan tahay han yaraanta iyo himilo xumaanta ku habsatay kuwii bulshadooda hormuudka u noqon lahaa.
Waa’se nasiibdaro innahaysata in dadkeenii aqoonta lahaa ama wax garadnimo u nisbo sheegan jiray, ay maalin walba la soo taagnaadaan saami baa reer hebel ka maqan, iyaga oo aan xaalaynaynin baahiyaha nololeed ee ku gadaaman bulshada ay magacooda ku hadlaan.
Waa sax in cidkasta oo xil ummaddeed haysaa ay u cadaal samayso dadka ay masuuliyada u hayso, waana gaboodfal weyn in dadka loogu kale eexdo mansab iyo manfac ay u simanyhiin.
Waxay’se xaqiiqdu tahay in halganka saami-qaybsigu uu inala marayo jid qodax badan, oo haddii aynaan caqli kan dhaama la imanin ay hubaal tahay in aynu ka shalaayi-doono.
Sida aynu wada ogsoon nahay Bulshadeenu waa sabool la xarbiyaysa nolol maalkeed ay ku maareyn la haayeen baahiyaha ku xeeran qoysaska ay ka yimaadeen, islamarkaana aan haysan adeegyo bulsho oo kafayn kara baahida nololeed ee ay la hal-gamayaan, iyada oo ay sidaasi tahay hadana qaylada yeedhaysaa kama turjumayso baahida dhabta ah ee ay shacabkani la tiiraanyoonayaan, waxay’se salka ku haysaa dano shaqsiyeed oo ay kooxo ka gaar ahi u xusul-duubayaan.
2) Arrinta labaad ee iyana uurkutaalada lihi waa sida ay u wiiqayso amniga iyo wadajirka bulshadeena, taa soo sabab u ah in marwalba laga fikira uun ilaalinta amniga oo qudha, iyada oo ay inagana dayacmaan howlihii kale ee tiir-dhexaadka u ahaa horumar ay bulshadeenu tabayso.
3) Arrinta seddexaadna waa sida masaakiinta magacooda la adeegsadaa, uga qatanyiin midhaha ka soo go’a halganka saamiqaybsiga, iyada oo laga yaabo in masaakiintan gaboodka laga dhigtay ay arrintaa darteet ku waayeen dad badan oo ay jeclaayeen, islamarkaana kuwii qaska iyo qalalaasaha u horseeday ay albaabada ka soo xidhaan marka ay gaadhaan u jeedooyinkii ay ka la haayeen.
Si kastaba ahaatee waxa mashruucan saamidoonka horjooge ka ah kooxo badan oo bulshada qaybaheeda kala duwan ka kooban, waxa’se ugu firfircoon laba kooxood oo ku kala abtirsada siyaasada iyo dhaqanka, ku waa soo si xilkasnimo daraani ku jirto uga faa’iidaystaan dareenka qabyaaladeed ee ay bulshadeenu u nugushahay.
Inkasta oo aan la wada eedeyn karin siyaasiinta iyo madaxda dhaqanka oo dhan, oo ay jiraan shaqsiyaad ay ka go’antahay in ay bulshadooda si daacad ah ugu adeegaan, hadana dhinaca kale waxa jira kooxaha ku shaqaysta magaca qabiilada ay ka dhasheen, iyaga oo si joogto ah ugu foogan hurinta colaado iyo xasarado ku salaysan hab isirnimo, ku waa soo u jeedada qudha ee ay u socdaana ay tahay bal in ay ku helaan mansab siyaasiya ama manfac ay faraha galiyaan.
Guntii iyo gaba gabadii, waxaan soo jeedin lahaa in lag tashato kooxahan caqabada ku ah horumarka ay bulshada Somaliland raadinayso. By cumar axmed cali,cumaraxmed331@gmail.com,tel: 0634244802.