Wasaaradda Caafimaadka Dalka Koongada Dimoqraaddiga ah ayaa shaaca ka qaadday in tirada Dadka u geeriyooday Cudurka Ebola ay gaadhayso 370 Qof, tan iyo intii uu Waddankaasi dib uga dillaacay Bishii July 2018-kii.
Kiisaska 685 Qof oo la liita xummad daran ayaa baadhitaanno ka dib la ogaaday in 636 ka mid ihi uu hayo xanuunka Ebollaha, sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Dalkaasi.
Cudurka Ebolaha oo leh Qandho kulul, ayaa markii ugu horreysay lagu arkay qaybo ka mid ah Waddamada Suudaan iyo Koongada Dimoqraaddiga ah Sanaddi 1976-kii, isaga oo ay si fudud ugu gudbiyaan Bini’aadmiga Xayaawanka Duur-joogta ah.