42 Askari oo ka Tirsan Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo Maanta Tababar loogu soo xidhay Munaasibad ka Qabsoontay Magaalada Hargeysa

Hargeysa ToggaHerer – 27.01.2019 Munaasibad ballaadhan oo ka Qabsoontay Taliska Magaalada Hargeysa ayaa Tababar loogu soo xidhay 42 Askari oo ka mida Dufcadii 7aad ee dhamaysata tababarada Ciidanka Dabdemiska ee la dagaalanka dabka, kuwaasi oo iskugu jiray Degmooyinka Hargeysa,Boorama,Gabiley iyo saraakiil Ka yimi Magaalada Burco.

Munaasibadan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Taliyaha Ciidanka Dabdemiska,Talye Xigeeenka, Maayorka Caasimada Hargeysa, Maayorka Degmada Gabiley, Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dabdemiska iyo Masuuliyiin kale oo badan.

Ugu horayn taliyaha ciidanka ayaa halkaa hadal dheer ka jeediyay, waxaanuu ka warramay marxaladihii ay soo mareen dufcadani iyo Tababarada ay soo qaateen, waxaanuu taliyuhu tilmaamay in ciidankani Tababar dhamaystiran soo qaatay, laga bilaabo maantana ay ku hawlgeli doonaan xirfada lagu soo tababaray.

Duqa Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco ayaa isaguna dhankiisa hadalo dardaaran iyo waano iakugu jira u diray Dufcadaa Tababarku u dhamaaday, waxaanuu kula dardaarmay inay dadkooda iyo dalkooda ugu adeegaan cilmigaa ay barteen.

Wasiirka ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye oo Tababarkaas soo xidhay ayaa halkaa hadal dheer ka jeediyay waxaanu sheegay in ciidanka dab-demisku ka mid yahay ciidamada ugu muhiimsan Qaranka, kuwaasi oo markasta heegan ugu jira sidii u badbaadin lahaayeen muwaadiniinta Somaliland, waxaanuu ugu dambayn wasiirku halkaa ugu soo xidhay 42 Askari oo  qaatay tababar Muddo 9 Bilood ah ugu socday Magaalada Hargeysa.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso